Musharax m. calow adiga ina mataan Awbare iyo dharwanaage gobolo iyo xuquuqdooda dedan u daahirya ,Awdal iyo Salel wax tar sidig ah alle ma baden( waxay laxiba xaadh-xaadhataa xerada meesheeda )Dr.khadar-libaaxley.

Qar iska tuur waa 2diina oo kale, waxay laxiba xaadh-xaadhataa xerada meesheeda ; mararka amuur aad la yaabtiyo amakaag bay kugu noqotaa in nin aad u tilmaanto danihiisa khaaska ah iyo mahuraanka hoygiisa; hayeeshee hadii uu hal iyo hubseeg yahey waa daw iyo arin kula daris ah in aad tusmo iyo tilmaan ugu tibaaxdo marinka hoygiisa; hadaaney dayow , dhami’d iyo dantii moognimo halkuu miciin biday aaney aheyn.

Musharax maxamed cali cabdi iyo xoghaye c/rashiid xasan mataan waa ( rag gaawaha, gorofka ama hadhuubka u soo culanaaya geel aaney laheyn ama xoolo ka ood rogan kuwood ; xaalad xoolo cirdoonimo iyo camalkeed ! sababtuna tahey musharax maxamed calow adigu ma tihid maxamuud nuurka somaliland yaala hadaan la isdafireyn hubanti waxa aad tahey nin faarax nuur ah oo 98% beeshiisu taalo degmada AWBARE ee gobolka faafan ee dawlad deegaanka somalida ethoipia; mudane c/rashiid xasan mataan dabyar ma shidaayo oo waa nin reer faarax ah yaanu ismoodin reer axamedka Borama iyo hareeraheeda yaal iyo reer dudubka quljeed, hadal waa run kama reys , hadaan la isdafireyn ama aan la ismaqiiqeyn 2diina masuul waxa aad garan la’dihiin halkii marinku ahaa ee aad ka haneedi la heydeen siyaasada!! ).

Aan idin tilmaamo e’ waxa ay xuquuqdiina shakhsi ahaaneed, ta dadkiina iyo deegaankiinuba yaalaan kaliya waa ( jigjiga casimada dawlad deegaanka somalida Itoobiya ma’aha hargaisa oo ah caasimada somaliland iyo gobolka awdal).

Deegaanka Awbare iyo dharwanaage waa degmooyin u qalma 2 Illaa 3 gobol in ay noqdaan marka loo eego dhulka dhigooda ah ay kilinka 5aad kuwada yaalaan ee la duudsiyey xuquuqdoodii aasaasiga aheyd iyo guud intaba ee ay gabeen wiilashii iyo hanadadii u dhashey deegaankaasi awbare iyo dharwanaaje ee ay

waliba u hanqaltaagayaan in ay ( magac ,mansab iyo maamuus ku yeeshaan tolkood iyagoo tii iyo meeshii ay xaqa u lahaayeen dayacantahey?!! markaad u dhabo gasho amuurahaasi oo dhan ma kuu muuqataa in masuuliyiintaasi ambad , marin habow iyo dayow ku dhacay oo ay qaadayaan dariiq aan geyneyn gurigoodii).

Gabagabo:

Mudanayaal xoolo ninkii lahaa eegayo idiinkama baahna wehelin , qordin iyo in aad isku nabtaan ku macaashka magaca reer tolkiina yaala somaliland gaar ahaan beelaha makaahiil ee xaq ahaan yaala somaliland.

Nusqaan bay ku tahey nin soo dayacay deegaankiisii in uu ku macaasho oo uu magac iyo maamuus ku helo deegaanka ninkale , haba hurdo haduu doono midka kale’ , reer awdal iyo salel dadweynaha gudaha somaliland yaala gaar ahaan makaahiilka somaliland nusqaan bay indinku tahey in uu kuhamiyo in uu idiin madaxnimo sheegto nin danbe oo xayndaabka dalka ka soo xigaal iyo gacaltooyo tiigsanaaya oo tiisii itoobiya soo dayacay oo dheeraad raba, tolkay baad tihiin xumaana idiin ma qabo hayeeshee ( tiisaba daryeelaa tukalana ku dara) itoobiya waa dalkayga labaad ee aan rabo inta aad halkan somaliland ka rabtaan aad ku heshaan halkaa.

Dr.khadar-Libaaxley dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments