Nuxurka Kulan Balaadhan Oo Dhexmaray Hogaanka Dhaqanka Ee Beelaha Maxamed Case iyo Kuwa Makaahiil

Borama LUGHAYA.COM-

Kulan balaadhan oo saxaafadu ay dibad joog ka ahaayeen ayna iskugu yimideen Salaadiinta  cuqaasha  iyo odayaasha  labada beelood ee  Maxamed Case  iyo  Makaahiil ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Borama . Kulankan oo aan nuuciisu hore loo arag inta ay jirtay xukuumada Kulmiye, ayaa todobaadkan aynu ku jirno waxa uu ka qabsoomay Huteelka  Mano Gesthouse ee magaalada Borama. Tirada xubnaha  labada dhinac ee ka qaybgalay ayaa dhanaa 100 xubnood  iyada oo beelkasta ay tirade ergadeedu dhanayd 50 xubnood.

kulankan ayaa waxa uu ka dhashay  kadib markii beelaha Maxamed Case ay u gogol fidiyeen  beelaha walaalahood ah ee Makaahiil, isla markaana ay ku martiqaadeen  fadhiga, maadaama ay Beelaha Maxamed Case ay yihiin kuwa u hogaaminaya beelaha Gadabuursi  arimaha siyaasada  Somaliland maanta.  Ujeedka  kulankan ayaa guud ahaan  ku salaysnaa garnaqsi siyaasadeed oo  beelaha Maxamed Case ay taageero kaga doonayeen beelaha Makaahiil, maadaama ay hore iyaguba hiil iyo hooba la garab joogeen  beesha Makaahiil  25kii sano ee siyaasada iyo madaxtinimada dalka ay hogaaminayeen , Madaxweyne Rayaale iyo Cabdiraxmaan Awcali  Faarax.

Mudadii uu socday shirku ayaa  waxa kale oo labada beelood ay ka wada hadleen sidii beelahan dhexdooda looga dhalinlahaa kalsooni iyo isku soo dhawaansho. Inkasta oo aan  waxayaaabihii ka soo baxay aan la shaacin hadana ila wareedyo  goobjoog ahaa  ayaa shabakada u xaqiijiyay in is afgarad  uu ku soo dhamaaday kulankaasi. Iyada oo  lagu dhameeyaey xurgufo kusalaysnaa  tabashooyin dhaqan iyo kuwo siyaasadeed  oo   inbadan soo jiitamayay. Gabagabadiina waxa labada beelood ay isku afgarteen in  gudiyo isku dhaf ah loo saaro arimaha kale ee aan kulankan lagu soo qaadin oo ay ka mid ahayd dekada Lughaya iyo qaadhaanka jidka u dhexeeya Borama iyo Djabiouti,

Sikastaba ha ahaatee  dadka u kuurgala arimaha gobolka Awdal  ayaa tilmaamaya in kulankan uu yahay mid  beelahan uhorseedi kara iskusoodhawaasho iyo Isfahan cusub waayo, sanadkii 205tii ayaa ugu danbaysay kulan sidan oo kale ah oo dhexmara labadan beelood, iyada oo markaasi beelweynta makaahiil ay gogol u fidiyeen beelaha Maxamed Caseiyaga oo taageero siyaasadeed uga doonayeen  dorashadii  Madexweyne Rayaale, markaasi  oo beelaha Maxamed Casena ay fuliyeen codsigaasi beesha Makaahiil siweyna ugu codeeyay xisbigii UDUB .Hase ahaatee wakhtigaa kadib beelaha Maxamed Case iyo Makaahiil ayaa waxa ka dhexeeyay tartan siyaasadeed oo marmarka qaar isku bedalijiray saansaan dhalinkarta iskudhac qabiil.

LUGHAYA.COM

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments