Boorama : Xog-Xasaasiya Maamulaha Kastamka Gobolka Awdal Xuseen Diiriye Saban Bile oo Bixiyey Kharaashkii Lagu Furey Xafiisyada Xisbiga Mucaaridka Wadani Ee Dhawaan Xadhiga uu Ka Jarey Gudoomiye Cir + Maamulaha Kastamka Gobolka Awdal oo Horseed u ah Musdambedka Xisbiga Mucaaridka Wadani Gobolka Awdal .’

Maamulaha Kastamka Gobolka Awdal ee Xuseen Diiriye Saban Bile (Xuseen Fufka ) waxa uu bixiyey Kharashkii ugu Badnaa ee Maalmihii ugu Dambeeyey Lagu Soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Wadani iyo Musharaxiisa ku Xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi kaasi oo Ka Mida Xubnaha Musdambeedka Masuuliyiinta Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Wadani ee u Qaabilsan Abaabulka iyo Dar Dar Galinta Xisbiga Mucaaridka Wadani ee Gobolka Awdal Sida ay Shabakada u Xaqiijiyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Wadani ee Gobolka Awdal oo Ka Gaabsadey in La Shaaciyo Magacoodoo .

Masuulkani kastamka ee Gobolka Awdal u sareeya waxa uu inta Badan Bixiyaa Kharashaad lagu dhaq dhaqaajinayo hawlaha xisbiga Mucaaridka Wadani ee Gobolad Galbeedka Soomaliland , isagoo ka bixiya lacagtan dakhliga ka soo xerooda kastamka Awdal, si loo dhaqaajiyo Halwaha Xisbiga Mucaaridka Wadani . Waxana loo tiriyaa in masuulkani yahey xubnaha lafdhabarka ee xisbiga Mucaaridka Wadani ee Gobolka Awdal , isagoo bixiya kharaahaad dheeeri ah oo lagu furey Xafiisyo loo sameeyey xisbiga mucaaridka Wadani ee Gobolka Awdal oo uu dhawaan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Wadani kuwaasi oo laga hirgaliyey degamooyinka Dila iyo Boorama . Halkan Hoose kaa Daawo Xafiisyadii Gudoomiye Ciro Xadhiga Ka Jarey ee Loo Tirinayo in Maamulaha Kastamka Gobolka Awdal Xuseen Fufka uu ka Bixiyey Dakhliga ka Soo Xerooda Kastamka Degmada Boorama

           

Arrimahani waxey ka marag kacayaaan dhaqdhaqaaq xoogan ee Xisbiga Mucaaridka Wadani Ka Wado Awdal ,In ay yihiin kuwo loo laabtayo iyo taageeriada maasuuliyiinta ku Tagrifalaya Hanitada Dawlada oo uu hormood ka yahey Maamulka Kastamka Gobolka Awdal Xuseen Diiriye Saban Bile (Xuseen Fufka ), Waxana Arrimahani ku Garab Siinaya Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Soomaliland Khaastan Wasaarada Maaliyada Somaliland ee Xafiiskooda Hargeysa . Ilaa Imka Xukuumada Soomaliland ayaa ka gaabsatey dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Xisbiga Mucaaridka Wadani Ka Wado Gobolka Awdal iyo La Socosho la “aanta musdambeedka Xisbiga Mucaaridka Wadani oo maalinba maalinta Ka Dambeysey ku Sii Xogeysanaya Gobolka Awdal ,

Iyadoo Xarumo waa weyn oo Majaalis loo furey gudi qab qaaban qaababada ka gaasha gobolada Galbeedka Soomaliland , Waxana Ilo wareedyo lagu Kalsoonyahey Tibaxyaaan u Hawlahani inta Badan Gacata ku Hayo Masuul Xuseen Fufka.

Waxase laga Dhur Sugayaa Talabada ku Haboon ee Xukuumada Soomaliland Ka Qaadi Doonto , Masuuliyiinta Dhaqdhaqaayada Ka Wada Gobolka Awdal ee u Ololeeya Xisbiga Mucaaridka Wadani . Waxase Shabakadani inoo Balan Qaadeysaa in ay Soo Bandhigto Xogaha iyo Siraha Qarsoon ee Bulshada in aan soo Bandhigi Doono…

Lughaya.com Desk

Boorama /Awdal

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments