Cirrooy Gudoomiye Maxamed Cali Canaan Malaha oo waxad u Dhiibtay Kursi Hooyoo Ku Go’o ah????

Maxamed Cali Waa Nin Dublamaasi Qurbajooga Si lamid ah Gudoomiye Cirro waliba waxa u dheer intii uu Musharaxa ahaa iyo Intii uu Raajicinayay Mooyaane Dalkaba waa ka Maqnaa!!!!

Waa Shaqsi Afgaaban oo Inta Badan Kali Socod ah Dadka Aad Uma yaqaan Isna looma Yaqaan

Intaa Marka aan ka imaado waxa igu Maqaalo ah Maalintii Dhawayd markii ay Borama kasoo Noqdeen la iskugu Habar wacday oo Canaan Dusha looga Tuuray Hadalada lasoo Wariyayna waxa kamid ahaa ee uu Cirro Ku Tiraabay.

“””Maxamed Calow Labada kursi ee la hubo hadii Xisbigani Guulaysto Waa kayga iyo Kaaga Ninkaa Siciid Sulub ee Ee Reer Sugule ee Laan-dheeraha ah Ee Sidaa Aad ogtahay u Xusul Duuban lama Hubo Kursigiisa Inta kalana waa lamid Sidaa Darteed Szb Madama labada kursi ee la hubo ay Yihiin kayga iyo Kaaga Aniga ka Cirro ahaan Reerkayga Gobaladayda iyo Wixii Aduunyo Igu Soo Hagaaga Ayaa la iga rabaa Intii Badnaydna waa Gole Joog Adigana waxa lagaa Rabaa Intaa in lamida Kaama Soconayso Wixii aan kala Kulanay Awdal iyo Borama!
Sidoo kale Kursigan waxan kaaga Qaaday Seed oo Sahaydiisa Suldaankiisa iyo Siyaasigiisaba watay Waliba Xisbiga ka dhigay ka Ugu Awooda Badan Gobalka Awdal Xisbiguna inuu Hoos u Dalaco Maahayn Ujeeda uu Kuu Xushay sidaasina maaha wax lagaa Aqbalaayo Sxb””

Intaa Marka aan Xog ahaan Ku helnay waxa muhiima Maxamed Cali Xulashadiisu Markii Hore maku ladhnayd Baylahadan Maanta Soo Baxday? Tani waa Maya oo Anaa ogaa oo Diblamaasigan Waxa loo Xushay Xisbi ay Wax walba isku Saaran yihiin oo kaliya Doorasho Sugaaya, Balse Baahidani waxay Halmar u Muuqatay Hogaanka Xisbiga Markii uu Dhacay Shirkii Qiirada Ku Qabsoomay ee 22/10/2016 ka Dhacay Hoosada Huteel Ambasadoor. Kaas oo Gabi ahaanba Dhaawacay Hankii iyo Rajadii Dadku Ku Qabay Xisbiga Waddani Gobalkasta oo ay Joogaan waayo Habka uu u Dhacay ayaa Didiyay Yuhuunta iyo Doonistii Dadkii Danaynayay ee Maaha kala Duwanaanta Labada Qof Marka Siguud loo eego.

Canaantan Maxamed Cali lagula Dul dhacay Matahay Mid qabata Maxamed Cali Wadaniyow???

Waxay ilatahay aniga maqabato oo Waddani wuxuu markii Hore isku Qanciyay Reer Awdal waxay Neceb yihiin Muuse oo Marnaba u Codayn maayaan Xisbi aan ahayn Waddani Dadkan Jibaysan ee Gobalka Joogana waxay Moodayeen Kalidii Noole iska Baxay oo Marna meesha Sooma dhigan inaanu Jirin wax Nacayb ah oo Muuse iyo Kulmiye loo qabaa balse ay Ku Timid Dadaal Rag Hanle. Sidaa Darteed waxay isku Qanciyeen Maxsuulka Xisaab Qaldan oo waxay istuseen kaliyaata aan kala doorano Qolooyinka oo Aan Qaadano mid aan Qaan Hore Ku leeanahay iyo Qof Cirro u Dana.

Deedna Meelmarinta Aragtidaa Looma Marin Hab waafaqsan Sharciga iyo Dhawrista Wadajirka Umada waxa loo Maray Hab Mudo Soo socday oo Lagu ladhay Dacaayado Rakhiisa oo ay Abuureen Shaqsiyaad Aan Sahanka Ku Wacnayni Oo laga Xusi karo intartanka laga kexeeyo Qofaf oo loo Raro qolooyin Taasoo Saldhig ay u ahayd Habka odhanaaya Reer Hebel Waa Bada India Reer Hebalna Waa Balaygii Cali Xuseen Ama Boodhe.
Bal Adba kaalay Qanci Reer Hawd Halkaa looga Garaacay Maxaa yeelay Xisbiga waxa Awooda Ugu Mudan lahaa Reer Hawd iyo Qolyo Reer Bari ahaa oo Miisaanba intan u haysta Cajiib Taasi waxay keentay is Ficishi iyo Isku Foorjayn Wayn.
Habdhaca Noocaas ah Maxamed Cali Kaalin kuma lahayn Balse Qolyaa Ku yidhaa iska Fadhi M.wayne Laangaabka anagaa Birta ka Aslaynee Isna Maadaama Aanu Siyaasada Dalka Mudo ka Maqnaa oo aanu u Haysan Habkani inuu Ugu Yaraan Bari wax yeeli karo Hawlihiisa wuxuunbuu Ku ladhaa Duco iyo inuu yidhaa waa Runtiin.

Taasina waxay keentay in Maxamed kaliya Awooda Saaro kasbashada Dadka kasoo Jeeda Dhanka Haybta Cirro iyo Shaqsiyaad u Adeegayay Danahooda iyo Danaha Qaar kale oo uu lumiyo Dhamaan Dadkii kasoo jeeday Halkii Shaqo ahaan U Mudnayd oo wuxuu Xaataa iloobay Awdal waliba iska dhaaf Awdale Jufada uu kasoo jeedo ee Reer Nuur ma intii Aamin tay dhab iyo dhabta kursiga Lagu koraayo Muu Galin Dadaal iyo inuu isku Tumo oo uu Ugu Yaraan Seeska dhigo Deena uu U Gudbo Makaahiil???

Ugu Dambayn Waa Rumoobay Balanqaadkii Maxamed loo qaaday oo wuu Noqday Musharixii Ku Xigeen ee Waddani Balse wax waliba mayahay Sidiisii hore?

Maxamed Cali Wali Mahaystaa Balantii Waafiga ahayd ee Fadhiga kursiga loogu keenayay ee uu Dagay Huteel kaah agtiisa iyo Xertii Jibaysnayd???

Ugu Yaraan Maanta iska Daa Awdale Waddani ma haystaa Codka iyo Cududa Reer Nuur oo Midaysan oo ma isku hubaa???

Aniga Aragtidayda Maadama aanu Maxamed Cali Fursad u helin inuu lakulmo Haldoorka iyo Bulsha waynta oo uu haystay Balan Waafiya Waxay keentay inay kala Go’odoomaan isaga iyo Haldoorkii Bulshada ee wax la Handaafin lahaa Haybtay doonaanba haka soo jeedaane.

Waxa intaa u dheer Siyaasi C.rashiid Mataan oo ahaa Siyaasiga kaliya ee kasoo jeeda beelaha Awdal inuu isna iska Dhoofay Markii Bahashii Murugtay Walow Awlba Isaga uu Jiidhay Jacaylkii Badnaa ee Kaga Yimid Xaga Ciidankaa aan Korkusoo Sheeganay oo Marka Horaba Taageradiisu ahayd Isdaadraacin oo Borama Ama Beesha uu kasoo jeedo inuu ka Hawlgalo ka jecel inuu Badalkeeda tago meelaha kale. Cidkalana Hadalkeed daa!!!

Igaya Reer Maxamuud Nuur waxa Dusha uga Baxay Ruug Cadaagii Maxamuud Cabdilaahi Obsiiye is Ahaana waxay is Bidayaan inay Siyaasada Somaliland Ee Qaranka iyagu Xaq u leeyihiin Wakiil Nimadeeda.

Gabo Gabo:

Waddaniyow Kursiga Maxamed Cali loo dhiibay wuxuu ahaa Kursi Xisbiga iyo Inta Ku xeerani ka Rifeen Cadkii iyo Ludkii oo u Muuqda Hooyoo Ku Go’o Taasina Maaha inaad Maanta maxamed Ku Ciilkaambidaan Adaan Shaqaynayn kulana duldhacdaan Canaan Joogto ah Dhab ahaan Aniga waxay ila tahay Canaanta Idinkaa leh.

Talo Ku Socota Mxamed Cali:

Mudane Musharax waxay ila tahay in aanad gayin in lagugu Guhaadsho kursi la Godobeeyay oo aan Geedaysnayn Xaqna maaha in Inta Dadkaagii lagaa Wada Eryay Maanta Dhinac lagaa Wada Maro oo Meelahaa lagaa Xanto kaliya usheeg kuwa waxa kuula yimaad iyo Gudoomiye Ciraba in Hawshu idiin Wadataal Hadii uu Xisbigu dhacana Aad ka Mid tahay Xisbiga dhacay hadii uu Soo Baxana aaad tahay Ku Xigeeenka Cirro.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments