Xeerka Bangiyada Duuduub Diidmo La’aan Ah Ha Lagu Ansixiyo+Sida Ribadu Xalaal U Noqon Karto( 2 Aan Guur Dhexmarin Intaan Guri Wada Furaan Misana Garac Diidayaa ) Dr.khadar-libaaxley

maskaxdii gabowdiyo wakhtigu waaba kala maan ; Sida aanu noolaba u dhalan karin hooyo la’aan ayaaney maan-gal u aheyn maal-gashi caalamiya in dalkeena ka hano-qaado hadaanu jirin curin xeerar tibaaxaya nidaamka bangiyada iyo hawlahooda oo xubneysan oo dhamaantoodna ansixiyeen gole wakiilo ka ah ummada reer somaliland.

DP-World , saldhiga emaratka iyo maal-gashiyada kale ee hada dedan ee dhawaan soo daahiraya sida xidigaha waxa ay u baahanyihiin ( nidaamyo bangi oo caalamiya , shaqeynaya oo dunida muslinka iyo kiristaanka intaba la jaanqaadi kara isla mar ahaantaan aan wax u dhimeyn dhaqankeena, diinteena, dadnimadeena, dalkeena iyo dustuurkeena intaba sirtu se waxa ay fadhidaa fahmada la isku waafajnayo amuurahan isku sidkan !! ).

Cajalad cashar uu marinaayey sheekh dirir oo ka sheekaynaysay arimaha ( xajka) lacagta lagu tagi karo iyo lacagta aan lagu tagi karin ee basharku tabcadey; baa waxa aan ka bartay su’aal uu qof weydiiyey ( in lacagta qaadka ama khamriga laga tabcado lagu tagi karo xajka iyo in kale ?? iyo sida lacagtaasi ay u xalaaloobi karto ?? jawaabta sheekha ayaa u dhigneyd in lacagaha shayo iyo hab xaaraana lagu tabcadey ay waligood ba xaaraan yihiin balse habka lagu xalaaleyn karaa ay tahey in loogu adeego hawlaha danta guud ah sida guryo masaakiinta loo dhiso, isbitaalo, dariiqyo, ceelal biyood, dugsiyo iyo xanaaneynta guud ee dad iyo xayawaan intaba leh).

Qof ahaan aniga oo daliishanaya fahamka iyo fasirka sheekha ribadu waa xaaraan illaheyna dagaal in uu la galaayo cida toos u isticmaasha ribada ayuu balan ku qaadey!! balse waxa looga faa’idaysan karaa inta la ansixiyo in dheef korka ka soo baxa , la mariyo habkan shaandho miirtada ah ama filtarta ee ah hirgalinta mashaariicda hawlaha danta guud ee dalkeena iyo dadkeenu baahida weyn u qabaan ee leh dhismayaasha ( dugsiyo, jaamacado, guryo dawladeed, cusbitaalo, riigag biyood oo abaaraha lagula tacaalo iyo hawlaha danaha guud oo dhan ee ka maarmi waaga ah !!!).

Gabagabo :

Maskaxdii gabowdiyo wakhtigu waa kala maan Curasho maal-gashi caalami si loo helo dalku wuxu u baahan yahey fur-furnaan bulsho , mid dhaqaale iyo faham sare oo aan sharafkooda nusqaan u geysaneyn; malahayga waa in la ansixiyaa xeerka bangiyada dalka si aynu albaabada ugu balaqno tiigsiga barwaaqo sooranka horumarka wata; looma baahna is-adkeyn ku dhaganaanta afkaaraha aan aadka loo axadhin ama aan la calalin ee ka fir-qaba afkaaraha gabalkoodu dhacay ee aan wakhtiga la jaanqaadi karin, jahligana ku salka ku haya.

Maansadii ibraahim gadhle tuducyo ka mid ah ayaa ahaa:

Ruuxa macatab qaatiyo ka misaajid ka adima

Maalinta qiyaamaha marka mawle la hortago

Ninkastaba abaalkii.

Dr.khadar-Libaaxley dr.khadar05@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments