Kobaca Dhisme Iyo Dhaqaale Ee Magaalada Garbo-Dadar Oo Isasa Soo Taraya

Garbo-Dadar -(Lug)-Magaalada  Garbo-Dadar  waxaa ay  dhacdaa bogcad ku haboon beeralay islamar ahaantaasina  aanay ka madhnayn khayraadka dabiiciga ah ee macdanta oo badi deegaanada Gobolada  Awdaliyo salal  Caan ku yihiin  sidoo kale waxaa magaaladu salka  ku haysaa buuralay can ku ah macdanta oo ay ishaadu qabanayso  kana mid tahay Buurta Siimoodi, waxaa kale oo aan ka madhnayn deeqda rabi oo ay biyaha hodan ku tahay dadka deegaankaasina u adeegsadaan dhamaanba baahiyaha loo qabo iyaga oo ugu faa’iidaysanaya  badi dhanka waraabka  beeraha iyo dhiska .

Maamulka Dagmada Garbado-Dadar dhanka hogaanaada ka arimiyay waa labo jir waxaana ariminta Dagmadani isaga danbeeyay kadib magacaabistii 22/08/2008 ee Madaxwayne Rayaale in ay noqoto Dagmo ka tirsan Gobolka Salal Duqa dagmada Garbo Dadarna uu ahaado Abwaan Aaden Xasan (Aadan Jacayl  halka Cabdi Cablaahi (Hindi ) loo magacaabay inuu Noqdo Duqa Dagmadani  horaanta sanadkii 2011  waxaana lagu xasuusan doonaa Alaha u naxariitstee Abwaan aadan  Xasan (Jacayl) isku xidhka bulshada  iyo walaalaynta Shacabka Deegaankaasi  halka Duqa Maanta ee Cabdi Cabdilaahi  Cilmi (Hindi) lagu xusi doono inta uu ku magacaab naa Dagmadani Garbo- dadar Dhiiri galinta horu marka iyo wax soosaarta  dhanka dhaqaalaha ma jirin wax isbadal ah oo ku yimi ku xigeenka duqa dagmada.

Hirdanka siyaasada iyo is xulifaysiga deegaanku  waa mid aan ka madhnayn Deegaanka Dagmadau maamusho oo dhan Shan Kilo Mitir  isku wareeg  waxaanay indhahaagu qabanayaan xarumaha axsaabta siyaasada Mucaaradka iyo xisbul xaakimkaba oo ay dhex bulayaal masuuliyiinta wakiilada ka ah Axsaabtu oo midba dhankiisa ka xod xodanayo shacabka deegaankaasi ,hawl galka xisbi ee maantuna Yahay  muuqaalka bari ee hogaanka dagmada

 

Ma jirin dhaqdhaqaaq xoogan lana sheegi karo oo dhanka siysaasada ah waxaanay loo sobobaynayaa saamaynta  abaaraha baahsan oo dalka  badi ka taagan walina la sii tiicayaan shacabka deegaankaasi oo qayb ah umada Soomaaliyeed .
Aragti ahaan waxaan qabaa in Dagmada Garo-dadar ay qaadi karto Gole deegaan  oo gaadhaya heerka ‘D’ oo dhan tirada 13 Xildhibaan oo laga soo doorto  deegaanka dagmada Garbo adadar isla markaana u baahan kordhinta  Maamulka Deegaan  ahaan .

Dhaqaalaha  waa mid  soo  kordhaya  oo aan maalina maalin ku darayn kana milicsanayso dhanka dhismaha magaalada oo maalint walba   kordhaya  badina salka ku haya wax soosaarka dhanka  beeralayda  inkasta oo aysan dagmada Maamulin dhul baaxad lagu sheegi karo  iyo isku socodka dhabada  Gaadiidka ee Hargaysa iyo Dagmooyinka kale ee Gobolada Awdal  iyo Salal  hadana dagmooyinkii  la shinka ahaa u muuqata inay  ka talaabo dheeraatay   Marka  Laga  tago Magaalo xuduudka Wajaale  oo dhaqaale baaxadle kasoo galo  Ganacsiyada kala duwan ee ka bur qanaya Deegaankaasi .

Amniga  Dagmadu waxaa ay kala mid tahay dagmooyinka deegaanka Somaliland waxaanu ku yaal Hal dhismo saldhig ciidan oo ku filan magaalada inkasta oo ay muuqato baahi ciidan hadana   ma jirto wax alyad  ah oo aad kala kulmayso inta aad ku gudo jirto Dagmada oo ka imanaya shacabka iyo ciidankaba waxaanu salka ku hayaa wada shaqqaynta bulshada iyo maamulka Dagmadaasi,walaw aysan Ciidamada amaanka ee Dagmadaasi  aysan ku jirin Gacmahooda  Gaadiid Ciidan  oo ku  fuliyaan hawlgalada Amniga
sidoo kalana walaac ka muujeen umuurtani waxaanay umuuqataa mid sobobi karta halista Amni ee dhanka  isku  socodka  goobta hadba dhibtu ka taagan tahay balse sida la ii xaqiijay ay gaadiidka bulshada  u is ticmaalaan si ku meel gaadh ah .

Kobaca magaaladu waa mid aan la sahashan Karin lagana helayo adeegyada  baahida loo qabo oo dhismaha magaaladuna aan maalina  maalin ku darayn xadiga indhahaagu qabanayaan waxaa ku  abuur meen muddada u dhaxaysa Sanadkii 2008 dii ilaa 2017 oo dhan  Sagaal sano ( 9 sano )

 

Sidoo kale magaaladu waxaa ku yaal xarun caafimaad oo ku filin adeegyada caafimaadka badi balse wali waxaa ay shacabka ku dhaqan xaydaabka maamul ee Dagmadu tabaysaa xarun caafimaad oo ka mug wayn mida hada waxaa ka hawl gala kalkaaliyayaal caafimaad iyo dhakhaatiir u baahan kabis xirfadeed oo dhanka  dhakhtarnimo buuxda , waxaan goobta ka madhnayn baahida  gaadhi  Adeega Dagdaga ah oo ay dagmada  la wadaagaan Deegaanka Labaad ee Gargaara oo ka tirsan Dagmada Lughaya Ee Gobolka Awdal  waxaanay  kuu  muujinaysaa  maqnaanta midani dareenka dhamaystirka  baahhida Caafimaad ee Dagmada Garbo-dadar.

Bilicda magaaadu waa mid ay ishaadu sii door bidayso marka loo eego xaydaabka buuraha ka xiga dhinacyada Bari Galbeed iyo Koonfur halka jihada waqooyina ay tahay dhabada looga boqoolo  Magaalooyinka Gargaara,lughaya Saylac iyo Borama,dhanka kale bogcada Dagmada  waxaa goob aan ka durugsanayn mara Durdurka  Cad oo dhanka kaga began Magaalada Garbo Dadar kaga  duwan tahay goobaha kale  buuraha   badhkood oo  saran  Durdurka   Biyo mareenka dooxa qabri-baxar.

Dhalintu waa hogaanka mustaqbalka bulsho walbaana ay isha ku hayso isla markaana ka war qabto baahidooda walaw ay dhalinta Dagmada  Garbo-Dadar ay kala mid tahay dhalinta maamulka Somaliland  baahi dhanka ciyaaraha,kobcinta  caqliga ,jidhka iyo maskaxdaba ee aan wali la dhamasytirin xataa caasimad goboleedyada  Dalka oo  dhan waxaan odhan karaa Dagmadu waxaa ay kaga duwan tahay Dagmooyinka   aan indhaha saaray  ma qaban indhahaygu ga’gada kubada cagta ama madal  dhalintu ku kulmaan.

Haweenka Dagmadu   waxaa wali tabayaan ogolaanshah   dhanka ka qayb qaadashada Siyaasada   iyo Arimaha bulshada   dhagahaygu ma maqal xubin ka jirta Saddexda Xisbi siyaasadeed ee Maamulkoodu ka dhisan yahay   Dagmada   waxaanay ii sheegeen badhkood haweenka ku dhaqanka deegaankaasi inay dhankooda  diyaar u yihiin  ka qayb qaadashada  Labada Arimood ee    kor  ku xsan,waxaanay xuseen inay  walaac ka qabaan  ka madhnaanta  Arimaha  Siyaasada iyo Bulshada .
Sidoo kale waxaa ay isdultaageen in haweenka da’yarta ah ay isa sooratayso ka qayb qaadashada wax barashada oo ay wax ka bartaan haween door ahi Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Dugsiga Sare  hoyga ah Ee Gab oo ku yaala bog cad aan ka durugsanayn Dagmada oo dhaca Dooxada Gab oo ku teegsan buuralayda Bari ee Deegaanka Caro-wayne .

 

Lughayanews.com -Garbo-Dadar
Yuusuf Cabdi Cali Indhoqurux

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments