MANDOORIYAHA QAADKU WAXA UU SABAB U YAHAY MUSUQMAASUQA

Ummadkasta oo ay la soo darsaan dhibaatooyin iyo dib u dhacyo  saameeya nolosha Bulshadooda waxa tiirdhexaad u sida  u maamulaan geedi socodka  waayahooda nololeed.
Ummadina kuma hungowdo  hamigeeda iyo himiladeeda  haddii aanay asiibin aafo  ka burburisa aayaha iyo unugyaya ay Bulshooyinku irkadaan.
Hadaba  waxa Bulshadeena  aafeeyay maandooriyaha Qaadka kaa soo ka  weeciyay dhabihii horumarka iyo hanaqaadka Ilbaxnimo lagu hodmo.
Qaadku waxa uu sabab u yahay mushkilado taxane ah oo midba mid ka sii daran tahay, kuwaa soo aanan halkan ku soo koobi karaynin, laakiin waxaan marka hore sikooban u tilmaamo doonaa masiibooyinka is barkan ee maandooriyaha Qaadku ina dhaxalsiiyay, anigoo marka danbena  haddii RABI idmo si  guudmar ah isku dultaagi doonaa sida Qaadka iyo Musuqu iskugu xidhayihiin iyo dhibta laga dhaxlo markuu Dal bariinsado.
Maandooriyaha Qaadka waa masiibo  ku habsatay  Bulshada Reer S/land taa soo uurkutaalo iyo xanuunba kugu reebaysa, marka’ aad si dhugmo leh u eegto haadaanta iyo jarka aynu ka laadlaadno, haddii’se aan si guud u inshaaro sunta iyo waabayda ka soo burqanaysa maandooriyaha Qaadka waxa ka mid ah;-Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, Sixirbararka iyo dhaqaale xumaanta, Tabcasho la’aanta iyo tamaro xumaanta, Cadaaladdarada iyo  eexda,  Cibaado la’aanta iyo caasinimada, Dhaqan xumada iyo dhilaysiga,   sinaan la’aanta iyo qaraabo kiilka,  Dawarsiga iyo damiir xumaanta, Fadhi ku dirirka iyo afmiishaaraynta,  Laaluushka iyo waji ku macaashka,  warwarka iyo waalida, duminta Qoyska iyo dayaca Ubadka, dabargoynta Geedaha iyo duunyo la’aanta.
Hadaba dhibaatooyinka  uu Qaadku ina baday laguma soo koobi karo maqaal iyo labotoona  waxay’se  u baahan tahay in si xeeldheer  cilmi baadhis  loogu sameeyo  dhibta uu ina gaadhsiiyay inta ay leeg tahay.
Laakiin  imika waxaan u socdaa in aan farta ku fiiqo, in maandooriyaha Qaadku  sabab u yahay  dib u dhacyo  fara badan oo maanta  Bulshadeenu u dhutinayso, ku waa soo dhabarjab iyo dhiigbaxba ku ah koritaanka  dhaqaale ee Wadankeena. 
Ugu horayn Bulshadeenu waa sabool aan haysan wax kafeeya baahiyaadka dhaqaale ee ku xeeran.
Dadka xooga leh ee  shaqada u diyaarka ahina inta badani waa bilaa camal aan haysanin wax shaqo ah oo ay  noloshooda ku dabaraan, inta   shaqada haysaana ma helaan wax daboola   baahida ku gaaman Guryahooda.
Iyadoo hadaba xaalku sidaasi yahay, ayay inoogu darsantay ku walfida  Balwada Qaadka taa soo u baahan Dakhli dheeraada   oo maalinle  ah.

  Dadka caadaystay cunitaanka Qaadku waxay u baahan yihiin Lacag xad dhaaf oo ay maalin kasta ku qayilaan, Qofku markuu ku mamo balwada Qaadka waxa la soo darsa baahi ka badan tii aas aasiga ahayd ee  Qofka Aadamaha ahi u baahnaa, waxaanuu yeeshaa hamuun iyo walaf badan oo aan xadlahayn,taa soo ku riixda in uu ka waaban waayo meelkasta oo aan munaasib ku ahayn Qofka damiirka leh.

  Markay Qofkii balwada lahaa iskugu darsamaan baahdiisa oo badan iyo dakhligiisa oo yar, waxay  taasi sababtaa in Qofkii shaqaalaha ahaa ku mashquulo sidii uu u heli lahaa lacagtii uu maanta ku qayili-lahaa,  markuu  wixii yaraa ee uu haystay  masaariiftii iyo qayil  ugu qaybsami waayaan waxa uu faraha la galaa  musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, islamarkaana  waxa uu ku tagrifaa masuuliyadii lagu aaminay, waxaanuu  ku xadgudbaa hanti Ummadeed ama mid gaar loo leeyahayba.

Si kastaba ha ahatee  maandooriyaha Qaadku waa masiibo sida xanuunada  faafa ugu kala gudba Bulshada dhexdeeda, waxayna taasi keentay in ay dhibtiisu  Shacabka wada saamayso,

 Maanta Bulshadeena intii xooga lahayd waxay ku hafteen balwda Qaadka, taa soo sabab u ah dib u dhacyo fara badan oo  Qarakeena ka muuqda, waxa kale oo ka sii daran  Qofka qabatima balwada Qaadka waxa uu maalinba maalinta ka danbaysa  ku sii durkaa  in uu gacanta la galo wax aanuu lahayn, waxaanuu ku danbeeyaa in ay iskugu mid noqdaan wixiisa waxa kale.

Hadaba marka  shaqaalaha Wadanku leeyahay  ku ibtiloobaan  musuqmaasuqa iyo wax isdabamarin, waxa laga dhaxlaa  mushkilado murugo leh oo midba mid ka xanuun badan tahay,  waa ta koobaade;  waxa AYAX ku habsadaa Ilaha dhaqaale ee Wadanku leeyahay, islamarkaa waxa yaraada koboca dhaqaaluhu  samaynayo, waxay Bulshadu madaxa la gashaa baahi joogta ah iyo wax la’aan, waa ta labaade; waxa yaraada sharafta iyo karaada aad Caalamka ku dhexleedahay, waa ta sadexaade; waxaad u nuglaataa faragalinta Dawlaha shisheeye ku hayaan Dalkaaga,waa ta afraade; waxa badata eexda iyo kala saraynta Bulshada dhexdeeda. Waa tashanaade; waxa kordha curuurta waxbarashada ka tagaysa iyo dibjirka Suuqa meehanaabaya, waa ta lixaade; waxa laga talaabsadaa shuruucda iyo mabaadi’da lagu heshiiyay Ninwalibana waxa uu gacanta ku qaataa Sharciga, waa ta todobaade; waxa Bulshada dhexdeeda ku  bata dulmiga iyo cadaaladdarada, waa ta sideedaade; waxa Bulshada dhexdeeda ka abuurma khilaafyo joogto ah, waxaana siyaada  iska hor’imaadka iyo isa’seega Bulshada, waxa dhaawacma wadajirka iyo is aaminka, waa ta sagaalaade; waxa Bulshada ku faafa dhaqan xumaanta  iyo fasahaadka, waxa dhaawacma qiyamka iyo sharafta Islaamnimada,  ta tobnaade;  ugu danbaynta  Nolosha ayaa cidhiidhi ku noqota Bulshadaa, waxaanay madaxa la gashaa cuqubooyin isdabayaal sida Abaaraha, cudurada, Daadadka, duufaanada, Colaadaha, Sixirbararka,  iwm. Hadaba tolaw caqli ma leenahay aynu kaga tashano Maandooriyaha Qaadka?. Cumar Axmed Cali, cumaraxmed331@gmail.com/tel; 0634244802

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments