DAAWADDA : SHILINKA QIIMO-JABAY IYO SICIR BARARKA SHILINKA QIIMO-JABAY

Dawladda JSL faraha ha kala baxdo sarrifka iyo sarriflayaasha. Waa suuq xor ah ee ha loo daayo awoodda suuqa xukunta (Market forces of Demand and Supply – العرض والطلب ). Midda labaad, talada ha loo dhiibo khobaro iyo wax aqoon. Maasha ha ka baxaan dadkan aan lahayn khibrad bank amma tu dhaqaale (amateurs) ee ka talinayaa sicir-bararka iyo qiimaha Shilinka JSL.

Xilliga daw (short term) , sida ugu haboon ee qiimaha shillinka kor loogu qaadi karaa waxa ka mid ah tusaalaha aan hoos kuso bandhigay:

Baanka Dhexe ee JSL kor ha u qaado macaashka uu ku bixiyo digashadda lacagta. Tusaale, qofka 10 million oo Shilin baanka dawladda dhigta, ha la siiyo 10% sannadkii (Murabaha Islamiyah) . Taasi waxay keenaysaa in shilinku suuqa ku yaraado oo qiimahiisu kor u kaco.

Intaa ka dib, lacagta baanka dhexe ku ururta, ha la amaahiyo (tusaale ahaan) beeralayda oo ha laga iibiyo Cagafyo ay beeraha ku qottaan (Murabaxa Islaamiyah). Digniin: Macaashka beeralayda laga qaadaa waa inaanay marna ka badnaan 10% kii qofkii maalka lahaa la siiyay + khidmad aad u kooban. Sidaa awgeed Banka dawladdu wax macaash ah ma samaynayo, ee wuxuu dhex u yahay qofkaa shilinka haysta, iyo ka u baahan ee beeralayda ah. Marka sidaa la yeelo, waxaa meesha ka baxayaa waxa loo yaqaan Ribo iyo wax xaaraan ah. Damaanadda(guarantee) dayntu waxay noqonaysaa beerta qofka cagafta la amaahiyay. Hadii qofka amaahda qaattay bixin waayo xoolahii la amaahiyay, amaa cid damiin ah ( guarantor) oo ka bixisa la waayo, beerta ha la kireeyo 10 sano amma ha la xaraasho, oo bank dawladda xoolihiisii ha loo caliyo. Mid Xusuusin Ah: Beeralayda tusaale ayaan u soo qaattay, ee meela kale oo farabadan ayaa la maal-galin karaa, oo shaqo-abuur bandan dhallinta looga samayn karaa.

SICIR BARARKA

Somaliland 4 nooc oo raashinka daruuriga ah ayay dabadda ka soo waariddaa – Bariis, Sonkor, Daqiiq, iyo Saliid. Sicir-bararka raashinka waxa lagu xakamayn kara waxa loo yaqaan (price Tag – Amma kaadhka sicirka ) . Price Tag waa farsamo la tijaabiyay oo dhul badan sicir-bararka lagu xakameeyay. Tusaale: Taajirka bariiska soo waarida waa in lagu khasbo inuu jawaanaka ku qoro sicirkaa ugu badan ee qofka lagaga iibin karo. Jawaanka bariiska taajirka soo waaridaa wuxuu ku dhajinayaa kaadh sheegaya 50 Dollar oo ah sicirka aan wax ka badan lagu iibin Karin. Sida awgeed, taajirka isaga ayay u taallaa waxuu jawaanka kaga iibiyo TAAJIRKA DHEXE (45, 48 dollar). Waxaase xaaraan iyo mamnuuc ah in qof SL ku nool jawaankaa laga siiyo wax ka badan 50 dollar. Tal labaad:

waxaa iyana reebban in Kaadhka Sicirka lagu qoro amma laga dhigo SL shilin. Sababtoo ah SL shilinku ma fadhiyom , halka Dollar yahay lacagta dabadda wax lagaga soo waarido. Mid kalena waa waajib: Qofka Jawaanka bariiska ah iibsanaya waa in laga qaado SL Shilin amma dollar kolba kuu isagu doorto. Sabab: Haddii la yidhaa jawaanka bariiska eek u qiimaysnaa 50 dallar, khassab SL shilin ha loogu iibiyo: waxa dhici doonta, in taajirku yidhaa: Jawaanka bariiska ah waxaan siinayaa 500,000 shilling iydoo sarrifku marayo 8,000 (500,000/8000 = 62.5 dollar) , iydoo run ahaaan jawaanku qiimahii yahay 400,000 Shin ( 50×8,000) . Sida darted qofku xoriyadda ha loo daayo. Marwalba ha la hubiyo inaan jawaanka lagu iibinkarin wax ka badan 50kii Dollar ee lagu dul qoray meel kasta oo Somaliland ka mid ah. Qofka sicirkaa lagu heshiiyay wax ku kordhyana waa in sharciga la margo .

Xasan Cabi Yuusuf

Riyadh Saudi Arabia

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments