Komishan Ka Qaranka Midh Dan U Ah Baan Idhi ?Gud.Xisbiga WADANI Ee G/Awdal Dhawr Aan Su’aaley iyo Midh Baan Idhi ?Odayadana Midh Kalaan Idhi? Dr.khadar-Libaaxley

Diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saarteen

Duul-sameba diid xaajadaan dawga ku aheyn.

Waxay yidhaahdeen wax sillan oo sallow kicin kara !! waxase sugan oo sax ah!! sinaantaan ku saxeexi jiray !! intii hadashayba dhamaantiin cadaalad daro sameeya isma-lihidine miisaanka iyo cadaalada barashadeedaa balo idinka hortaagan tahey!!!.

Waxa lumay dhadhamintii runtiyo dheeli-tirihii, dhinacaad ka joogtaan sharcigu waa dhisme foorara, sida ay wax u muuqdaan inta samaha dhuxuleyn kartaa waa dhif iyo naadir; hadba wixii la hayaba dadku haduu cadaalad waayo sow sida cawsha kala yaaci maayo!!

Gudoomiye waxaad tahey masuul dheeraad sitoo dhiibsan waliba sax isku arkaaya halkii aad khajili laheyd ayaad waliba soo qaatan tahey!!!( gobolka Awdal sideed ku keentay oo kaskaaga iyo kashaaduba kal sami ku kaydsadeen iyada oo musharaxa maxamed cali iyo adiga oo gudoomiyaha gobolka ee xisbiga wadani ah isku reer nuur wada noqotaan ?? iyadoo xubinta komishanka heer qaran Awdal kaga jirtaa ay tahey reer nuur sidee baad ugu doodaysaan adiga iyo odayada dhaqanka ee xalay hadlaayey in aad kuwada doodaan in labada xubnood ba wada noqdaan reer nuur?!! ma beelo bay baad ka hadheen?!! ma dadkaa damiin ah oo damiir daran? Mise dadkaan wali idinku baraarugin?? mise komishankaad u dhalateen ?!. waar shaxda gurta oo dib isku habeeya dadkana wax u reerba!!. habar baa tidhi: ciridka aan arko ilko kama soo jeedaan, maanta oo aad mucaarid tihiin baad sidan yeelaysaane bari

hadii guule guusha idinku galado maxaad dadka reer awdal iyo salal ka yeeli la haydeen?? dadweynahaan ayaan jawaabta u dhaafayaa…………………..

Adiga gudoomiye gobol xisbi ahaan iyo odayada hadlaayey isku ( makaahiil same ) ayaad wada tihiin;

1. wiilka aad u doodaysaan ee komishanka horay u joogay ma hayb qabiil baad ugu doodeysaan ??

2. mise mid xisbi ??

3. mise xisaab isugu kiin beegnayd ayaa kala kacaysa??

1. Hadii aad hab qabaliya aad ugu doodaysaan maxaad noo dagteen ood horey noogu wargalin weydeen? Waanu ka tashan laheyne.

2. Hadii aad mid xisbi ugu doodaysaan waad ceebaynaysaan wiilkaasi sharaf hadiiba uu la haa oo waxa aad cadeyseen in uu khaayinnimo dhan gaar ah muraadkooda quminaayey dhexdhaadnimana dhimatay.

3. hadii ay kala kacayso xisaab isugu kiin beegnayd oo ku dhasan hab hadoodilan, hada toobad keena oo raaca habkaa xalaal miiradnimda iyo cadaalada ku dhisan.

Komishanka waxaan leeyahey :

Karaan keyga aragtida anigoon cid u kiil boodin ; xaajadu intay dhawdahey dhamo leedahey , dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhawyahey oo waliba loola dhaadhacaa halkay kuux ku leedahey ; hadii ay qormadan idin soo gaadhay xaqiiqda idinkoo baadi soocaaya talladaydu ka muwadin ahaan waxa ay tahey sida tan :

2ba musharax oo madaxweyne ku xigeeno ah ayaa Awdal iyo Salal ku tartamaya tan iyo inta la gaadhayo wakhtigeeda mudan doorasho; idinka oo ka duulayaa habraaca shuruucda idiin taal, nidaamka iyo anshaxa komishanka iyo xeer hoosaadyadiisa, idinkoo markale ka duulaya talaabooyinka aad qaadaysaan sida ay u illaalinayaan nidabagalyada iyo nidaamka guud ee dalka , xakame, xaq, iyo xulasho ku saleysan isku dheeli tirka iyo miisaamida xaqsiinta beelaha deegan walba wada yaal in aad ( ka dhexqaadaan gudoomiyaha komishanka heer gobol shakhsi hayb ahaan ka soo jeeda 2da beelood ee musharaxiinta leh si looga baaqsado dani calool gala tuhun tilmaan yeesha oo qaladkasta oo yimaada masuuliyadiisa dusha ka komishan ahaan aad u ridataan idinku

taasina sumcadiina qof ahaaneed iyo koox ahaan ba aad si hubsiimo la’aan ah aad ku lumisaan oon nasteex idiinka ahey intay goori goor tahay; waxa aan soo jeedinayaa in xubintaasi heer gobol la siiyo habar-caan ama Beesha ciise, oo hadii ciise la siiyo awdal ka salalna la siiyo habar-cafaan isweydaar ).

Gabagabo :

Odayada waxaan leeyahey aniga oo ogsoon waayeel in uu wanaag ka shaqeeyo mooyee in aanu dibin-daabyo u heelaneyn marnaba, waayeelka waxaan leeyahey ( sama-talis noqda oo xumo talis ha noqonina, siyaasada iyo arimaha dhaqanka in aad kala saaftaan wey haboon tahey, coono rag u dhexeeya dhan iyo hoo soo dhan baa la is-odhan jiray; mid haduu dhameysto oo uu qudhqudho dhiilka wada laaco ceeb iyo dhag-xumo ayey dhaqanka soomaali ahaan jirtay, sida aadse ugu xaydantihiin dheeraad doonku waa mid yaab iyo amakaag leh!! iyo dhaqan gedis tusbixiisu furmay !! dadka cadaalada ayaa deeqda ee cadaalada bulshada la ogaada; hadii odayga reerku durbaan aan loo diyaar aheyn tunto wiilka iyo yar-yarkana maxaad u maleynaysaan?; gudoomiyaha waxaan leeyahey ( sidisidaada mooyee dhul u dhacaaga hubso ).

Qof ahaan reer aan necbahey iyo mid aan shareystaa somaliland iyo somaliba ma jiro balse waxa aan halbeeg ka dhigtaa naftaydana aan faraa dheeli tirka iyo ilaalinta miisaanka cadaalada goor la joogaba.

Xasuusin : qoraalkan waxa aan ku matalayaa kaliya muwaadin fikirkiisa xor u ah dadka iyo dalkana samo la jecel.

Lasoco qormada xigta ( gudoomiyuhu wuxu yidhi iyo anigu waxaan idhi )

Dr.Khadar-Libaaxley dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments