Cagaftii Damiir Beeshay……..

Iskuulkii meesha ku yaal ee hilfaha loo qaaday oo la odhan jiray WOMAN’S CLUB waqaf ama Sadaqa jaariya  ayuu u ahaa  Xaajiya HAWEEYA CABDI MOOGE iyo odaygeeda Dr. JADAMI طيب الله تراهم oo hawl laxaad leh iyo Juhdi ku bixiyey wax barista DANYARTA  الطبقه الكادحه  ilaa iyo Maalintii ay gashay CAGAFTA DUQDA ee Madaxtooyada laga soo diray waxa dhiganayey 1200 oo arday oo DANYAR ah , Wa tuma Xaajiya  Haweeya Cabdi Mooge  طيب الله تراها waa SAYID CALI XASHIISH  طيب الله تراه habaryartii  Sayidka Cali Xashiish ah waxa dhashay Xaajiya Racwi Cabdi Mooge   طيب الله تراها  .

Sayidka Cali Xashiish ah  طيب الله تراه  isku sheegi mayno intuu dadka ( waliba Tolkii ) tari jiray  lakiin waa is xasuusineynaa markuu Mr. Cali Xashiish Magaalo soo galo ama qurbaha ha ahaato ama dalkii Somaliweyn la isku odhan jiray e markiiba waxa la arki jiray qolada Bariga Burco oo dhaashan markaasanu odhan jirnay waar waa kuwan nimankii tolka ahaa dhaashan ee ma Mr. Cali Xashiish baa yimi wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo geesi ah waar ninyow qoladii Beelweynta YEESIF  حفظهم الله في حلهم وترحالهم yaa ka jooga meesha  OH MY BAD  waxa ka jooga Mr. Scarface , Macaali Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale  Waar yaa يا عبث الجزير أنت تعرف سيد علي الحشيش muxuu Mr. Cali Xashiish  طيب الله تراه  gartaa walaahi Laamulaaxo ayuu kuugu imanayaa isagoo Cagaf wata oo leh  Batrool baan baahdhaya ma cagafbaa batrool lagu badhaa  , Waar cisaabada Kulmiye ma nimanka Mr. Cali Xashiish  طيب الله تراه Habaryartii Waqafkii iyo Sadaqatul jariya ka burburiyey waar haatan may DANYARTII meel kale iskuulkii uga dhisaan .

Kuwii ALLAH oofsaday  طيب الله تراهم ayeynu ka hadlaynay ee saa isla CAGAFTII DUQDA ayaa kuwii noola ooy ka mid tahay Marwo SHAMIS ABOKAR  AKA GUDUUDO CARWO  guryahoodii dul martay maca dhakhtar qaliin ka socday  cid may galaafan lakiin hanti badan tagtay markii la yidhi waar see wax u jiraan wuxuu ku jawaabay nin  Magaciisa la yidhaah  Ismaaciil ,isla markaana la xusey inuu ka hawlgalo Dowlada Hoose ee Hargeysa, waxanu kula kacay haddalo aflagaado ah isagoo hooyada fanka ee  Marwo SHAMIS ABOKAR  AKA GUDUUDO CARWO ku tiraabay weedhahan, “Adeer haku dhimato ee iskadaa, maxay taraysay,waanu ku duminaynaa haku dhimatee .

Aaayadihii ALLAH ayaad CAGAF La Dul timi oo hooyo labaatan sanadood sariir jiifta ayaad ku jees jeestay :

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا . Naaskeeda mid la mida ayaad jaqdayee ku qabay idin ALLAH isaga iyo Aaayduba  ALLAH waa kii inoo sheegay in cuquuqul waalidiinta Aduunka la isgaka jarayo ee.

Mar hadii ay CULIMADA maqli wayeen ooy diideen inay Samafale Cabdi Malik Sheekh Muuse Coldoon soo dayaan Hotel kan caalamka loo rafacayna waa awaadheynaa ee nagula TUFA waar AMIIIN dhaha  , CULMAA’UL DIINKA cida diida waa fircoon waxaba loolama hadho …..

Madaxtooyadaay iyo cagafteedaay  hadaad tidhi adoo ALLAH-A ku abuuray u gafaya waayo DANYARTAA aad ku tumaneyso ALLAH waxuma waayin hadaad tidhi beertu bustaan weligeed:

 

وَدَخَلَ جَنَّتَهُ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ قَالَ مَا أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِ أَبَدًا (35) وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا (36

Anaana waxaanu ku nidhi :

 

قَالَ لَهُ صَاحِبُهُ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا (37) لَّٰكِنَّا هُوَ اللَّهُ رَبِّي وَلَا أُشْرِكُ بِرَبِّي أَحَدًا (38) وَلَوْلَا إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَاءَ اللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ ۚ إِن تَرَنِ أَنَا أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا (39) فَعَسَىٰ رَبِّي أَنيُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ السَّمَاءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا (40) أَوْ يُصْبِحَ مَاؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُ طَلَبًا (41

Waar idaa adeer waanu awaadhtameynaa oo buqcadaa DANYARTA laga qaaday waanu awaadheynaa Madaxtooyadaay Waxaanu ALLAH ka bariney iyo Saactul Ijaabada waxaad meeshaa gelisaanba hal Bacaad lugu lisay wax idinkaga baxa  mooye meeshaa Xaajiga iyo Xaajiyadaa waqfada u ahayd waxba idinkama soo galaan AMIIN II DHAHA WAAR IGULA TUFA  horaanteedana in ALLAH idin tuso :

 

وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَا أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّي أَحَدًا (42

 

In Badan ayey Madaxtooyadu lahayd  أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَاء اللَّهُ أَطْعَمَهُ إِنْ أَنتُمْ إِلاَّ فِي ضَلالٍ مُّبِينٍ  oo aanu lahayn waxooda gaarka ay u leeyihiin haday DANAYRTA wax uga garan waayeen inaga daaya  iminka Wixii DANYARTA ayey  usoo dhigteen waliba meelihii ay ku noolayeen iyo meelihii ay cafimaadka ka raadsanayeen , Wa Laahu Aclam …

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments