Cudurka Daacuunka: Sidee Xal Waara Loogu Heli Karaa Ka Hortagiisa?Dr. Yasin Abdi

Meelo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya iyo goobaha abaaruhu ku habsadeen ayaa la soo sheegayaa inuu ka dillaacay cudurka Daacuunku dhowaan. Aagagga qaarkood waxa la xaqiijiyey in dad ugu geeriyoodeen gaar ahaan goobo ka mid ah gobolka Bay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa adduunka u sheegtay in cudurka Daacuunka lagu arkay Koonfurta Soomaaliya sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Shiinaha (Xinhua) 4tii bisha Maarso 2017 iyo qoraal kale oo ay dhowaan baahisay Outbreaknewstoday.com. Tvga Aljazeera ayaa toddobaadkii hore sii daayey warbixin ka hadlaysa halista cudurka Daacuunku ku hayo dalka Soomaaliya. Halkan hoose riix si aad u akhrisatid/daawatid wararkaas. http://outbreaknewstoday.com/somalia-reports-4000-cholera-cases-since-beginning-year-24135/ http://www.aljazeera.com/video/news/2017/03/somalia-faces-major-cholera-outbreak-170329054056580.html

Cudurka Daacuunka ayaa inta badan ku soo noqnoqda waddamada geeska Afrika gaar ahaan waqtiyada abaaraha iyo xilliyada roobabku da’aan. Si aan wax uga ogaanno cudurka Daacuunka, Saxadoon.com (Waa degel qabyo ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka oo dhowaan hawada soo geli doona) waxay qoraalkan soo socda idiinku soo gudbinaysaa warbixin kooban oo si guud u eegaysa cudurka Daacuunka iyo siyaabaha looga hortago. Waa maxay sirta aan dawada iyo tallaalka ahayn ee dunidu kaga adkaatay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Daacuunka?

Cudurka Daacuunka (Cholera)

Xanuunka Daacuunka ee afka qalaad loo yaqaan Cholera, waa cudur halis ah oo ku dhaca ubucda gaar ahaan xiidmaha yar/mindhicirka yar (small intestine) isla markaana waxyeello u geysta inta badanna sababa ama keena shuban daran, matag, tabaryari aad ah iyo dhimasho haddaan dhakhso loo daaweeyn. Erayga, Cholera waa eray ka soo jeeda asal ahaan Giriig (Greek) oo la micno ah sida qulqulka dheecaanka bile oo kale (flow of bile, chole, bile). Taas oo ah dabafuran/qulqul iyo calool socod (shuban). Dheecaanka bile waxa soosaara beerka waxana kaydiya xamaytida.

Cudurka Daacuunka ama Daba-xawda oo inta badan Soomaalidu u taqaan shuban biyoodka iyo Daacuun calooleed, waa cudur ka mid ah cudurada faafa (infectious disease) ee soo raaca biyaha iyo cuntada (waterborne/food-borne disease). Sidaas darteed waxa laga qaadaa biyaha iyo cuntada wasakhda ah ee sadhaysan. Waxa sababta oo keenta cudurka Daacuunka, bakteeriyada la yidhaahdo/yiraahdo Vibrio cholerae oo ah jeermis ku dhasha inta badan biyaha la cabbo iyo meelaha wasakhdu ku fara badan tahay.

Vibrio cholerae, marka xagga abla’ablaynta bakteeriyada (bacterial taxonomy) laga eego waxay noqonaysaa bahda Vibrionaciae ee duulka Vibrios/Vibrio waxayna ka tahay sinjiga cholerae, sida jaantuskan hoose muujinaayo. Sidoo kale waxa jira, Vibrio kale oo an ahayn Vibrio cholerae oo sababa cudurro kale oo ku dhaca aadanaha.

Jaantus muujinaya abla’ablaynta bakteeriyada Vibrio iyo sinjiyadeeda

Sidaan kor ku soo sheegnay cudurka Daacuunku, wuxu keenaa shuban aad u badan iyo matag. Taasina waxay horseedi kartaa in qofka qaba cudurka Daacuunku ay biyuhu ka dhammaadaan jidhkiisa oo uu fuuqbax (dehydration) ku dhaco taas oo haddaan si deg-deg ah wax looga qaban keeni karta geeri ama dhimasho.

Sida badan waddamada cudurkan halista ahi uu ka dillaaco wuxu sababaa safmar (epidemic) ballaadhan taas oo ay dad badani hal mar wada qaadi karaan ama uu Daacuunku mar wada helo. Xaaladdaasina waxay dhalisaa cabsi iyo inuu isu socodku istaago oo dadka socotada ah iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga la joojiyo si aanu cudurku meelaha kale u gaadhin oo u sii fidin.

Taariikhda Cudurka Daacuunka (History of Cholera Infection)

Cudurka Daacuunku waa cudur, adduunyadu intay jirtayba dhibaato iyo waxyeello badan ku hayey. Sida la sheegay, Hippocrates circa, ayaa waa hore (saman hore) tilmaamay xanuun sida Daacuunka oo kale ah 500 (500 BC) oo sano ka hor dhalashadii nebi Ciise (CS).

Cudurka Daacuunku wuxu sababay safmarro caama oo adduunka ku wada faafay (pandemics). Kii ugu horreeyay ee la diiwaan geliyey inta la og yahay, wuxu ka dhacay meelo badan oo ka mid ah caalamka sanadihii 1817 ilaa 1823. Wuxu ka bilaabmay markii hore waddanka Hindiya ka dibna wuxuu ku faafay koonfurta bari ee qaaradda Asia, badhtamaha Asia, Bariga dhexe iyo waddanka Ruushka waxaana ku geeriyooday malaayiin dad ah. Waxa ku xigay muddooyin badan oo kale, kii ugu dambeeyey ee safmarradaa caamka ah waxa loo yaqaan seventh pandemic. Sanadihii 1961 ilaa 1970s, ayuu ka dillaacay cudurka Daacuunku waddanka Indonesia ka dibna wuxu ku faafay dalal badan oo ka mid ah adduunka ah.

Dhulka Soomaalida sida la sheegay, xilligii ay gumaystayaashu haysteen Daacuun xun baa mar ka dillaacay oo dhimasho badan sababay (taariikhda iyo degaamada ma hubo). Intii u dhaxaysay 1985 ilaa 1986, wuxu ka dillaacay Daacuunku gobolka Waqooyi galbeed (Hargeysa), Muqdisho iyo gobolka Bay. Laga soo bilaabo 1995 ilaa 2017 dhowr jeer baa cudurka Daacuunka lagu arkay gobollo kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaalida. Tusaale ahaan, sannadkii 2007 waxa Daacuunku ku dhacay dad gaadhaya 37,000 waxaana u geeriyooday ilaa 1,000 qof.

Cudurka Daacuunku wuxu adduunyada aad ugu baahay qarnigii 19aad waqtigaas oo ah markii cudurkan si rasmi ah loo ogaaday oo laga helay agagaarka webiga Ganges ee dalka Hindiya. Dalka Hindiya iyo dalalka ku xeeran waa meelaha uu ugu badan yahay cudurka Daacuunku. Toddoba (7) jeer oo safmarrada caamka (pandemics) ahi adduunyada ku faafeen, shan (5) ka mid ah baa Hindiya ka dillaacay. Sidaa awgeed, inta badan cudurka Daacuunka waxa loo yaqaan, Asiatic cholera.

Cudurka Daacuunka, in laga qaado biyaha sadhaysan isla markaana biyuhu gudbiyaan waxa ogaaday John Snow (u dhashay dalka Boqortooyada Ingiriiska) sannadkii 1854. Waagaas, Daacuun xun baa magaalada London ka dillaacay sannadihii 1849-1854. Riig (water pumb) kuwa biyaha laga cabbo ah oo ku yaal waddada Broad Street (Soho) baa dadkii ku idlaadeen cudurka Daacuunka awgiii.

Bakteeriyada Vibrio cholerae, inay Daacuunka sababto oo keento waxa markii ugu horreysay sheegay Filippo Pacini (u dhashay Talyaaniga) sannadkii 1854. Berigaas magaalada Florence ee dalka Talyaaniga waxa ka dillaacay cudurka Daacuunka. Laakiin, waxa si rasmi ah u xaqiijiyey oo soosaary (cultural isolation) Vibrio cholerae Robert Koch (u dhashay Jarmal) sannadkii 1883. Waqtigaas, koox cilmibaadhayaal ah oo uu hogaaminayey Robert Koch ayaa dalka Masar magaalada Alexandria u tegey daraasad ku saabsan cudurka Daacuunka, isla markaana sidaa ku ogaaday bakteeriyadaas.

In kastoo caalamku horumar weyn ka sameeyey xagga sayniska daryeelka caafimaadka iyo sanaaciga. Haddana, Daacuunku weli adduunyada khatar weyn oo ah xagga caafimaadka dadweynaha (public health) ayuu ku hayaa siiba dalalka saboolka ah ee hannaankooda caafimaadku hooseeyo bulshaduna la’dahay horumar iyo daryeel caafimaad oo tayo leh.

Sida ay sheegtay laanta caafimaadka adduunka ee WHO, cudurka Daacuunku wuxu ku dhacaa sannadkiiba dad tiradooda lagu qiyaasay 1.3 ilaa 4.0 milyan waxaana u dhinta caalamka sannadkiiba dad gaadhaya 21,000 ilaa 143,000 qof. Kuwaas oo u badan waddamada qaaradda Afrika, koonfurta Aasiya iyo koonfurta Maraykanka (South America).

Bakteeriyada sababta cudurka Daacuunka: Vibrio cholerae

Bakteeriyada Vibrio cholerae, sidaan kor ku soo sheegnay waxa si cilmiyan (bacteriology of V.cholerae) ah u ogaaday Robert Koch. Sida jaantuskan ama sawirkan hoose ka muuqata, bakteeriyadan muuqeedu waa yara qaloocaa waxayna leedahay qaabka hakadka oo kale (comma shaped). Waxa ay mid ka mid ah cidhifyadeeda ku leedahay wax jeedal oo kale ah oo afka qalaad la yidhaahdo flagellum oo ka mid ah dhismaha jidhkeeda. Jeedalkaas cidhifka kaga yaal ayaa u suurta geliya dhaqdhaqaaqa iyo inay samayso gariirin (vibrate) waana sababtaas magaca fibriyo (Vibrio) loogu bixiyey.

Vibrio cholerae, waxa sabo iyo degaan u ah meelaha biyaha cusbada/milixda yare leh ama yare diirran/kulul sida agagaarka xeebaha iyo webiyada. Sababta oo ah waxay ku kortaa oo u adkaysataa cusbada ama degaanka cusbada leh (halophilic organism). Waxay si wanaagsan ugu noolaan kartaa xaalad dhexdhexaad ah ama alkaline ah. Waxay ku tahay xasaasi oo u nugushay kuna adag inay ku noolaato xaaladaha ashitada/asiidh ah (acidic conditions) sida caloosha dadka oo kale. Waana sababta keentay in saddex meelood ay laba meelood ka badbaadaan backeeriyada (Vibrio cholerae) marka ay caloosha sii dhex marayso intaanay gaadhin mindhicirka yar.

Vibrio cholerae, waa biyo ku agnool, waxayna inta badan ku dhex nooshahay dhirta yaryar ee ka baxa meelaha qoyaanka iyo biyaha leh sida algaha iwm. Halkaas ayey ku dhex kortaa waqtiyada jiilaalka ama kulaylaha waxay noqotaa hogte (dormant) oo marka xaaladdu habboonato ayay hogta ka baxdaa. Waana sababta marka roobabku da’aan ay inta badan meelaha qaarkood uu cudurka Daacuunku uga dillaaco.

Vibrio cholera, waxa soore (host) u ah dadka oo keliya lagamana helo xayawaannada kale ee aan dadka ahayn. Bakteeriyadani marka ay soo gasho jidhka dadka, Jidhka ma ay abbaarto (attack/invasive) oo dhismaha mindhicirka yar waxba uma geysato.

Waxay soo saartaa ama sii daysaa mariid (toxin) la yidhaahdo sunta mindhicirada (enterotoxin) taas oo sababta in ay mindhicirka maroojiso oo si xad-dhaaf ah dareeruhu ama hoorku (fluids) iyo cusbada (salts/electrolytes) qofka uga baxaan ka dib marka uu shubmo oo fuuqbaxo.

Sawir muujinaya qaabka iyo jeedalka bakteeriyada Vibrio cholerae

Tilmaamaha lagu garto cudurka Daacuunka (Clinical features)

Astaamaha iyo calaamadaha (signs and symptoms) lagu garto cudurka Daacuunka waxa ugu horreeya shuban xoog leh oo saxarada qofka bukaa tahay sida biyaha bariiska oo kale (rice water diarrhoea). Waxay qaadataa in tilmaamaha xanuunku soo baxaan saacado yar gudahood (12 saacadood) ilaa 5 casho ka dib marka qofku uu cuno ama cabbo biyo ay ku jirto bakteeriyada Vibrio cholerae ee sababta cudurka Daacuunka sidaan hore u soo sheegnay.

Dadka intooda badan (ilaa boqolkiiba 75%) marka ay qaadaan cudurka Daacuunka, kama muuqdaan ama malaha astaamaha iyo calaamadaha cudurka Daacuunka lagu arko (asymptomatic patients). Dadkaasi waa cudur sii sidayaal (carriers) bakteeriyada Vibrio cholerae waxay soo raacdaa saxaradooda inta cudurku jidhkooda ku jiro oo lagu qiyaasay ilaa laba toddobaad.

Dadka inta ay ka soo baxaan astaamaha iyo calaamadaha cudurka Daacuunka boqolkiiba 80% (dadkan laftoodu waa cudur sii sidayaal gudbin kara cudurka) waxay leeyihiin shuban fudud ama sahlan (mild diarrhoea).Taas oo ay adag tahay in la kala saaro shubanka cudurka Daacuunka iyo shubanka (watery diarrhoea) ay sababaan jeermisyada kale ee bakteeriyada, faraysyada iyo deris kunoolayaasha (parasites). Cudurada kale ee astaamahooda iyo calaamadahooda uu ugu muhiimsan yahay shuban biyoodku (acute watery diarrhoea) sida daacuunka oo kale waxaa ka mid ah:

1. Salmonellosis

2. Food poisoning

3. Gastroenteritis (bacterial)

4. Gastroenteritis (viral)

5. Cryptosporidiosis

6. Yersiniosis

7. Nosocomial diarrhoea

Cudurka Daacuunka daran ah (severe cholera, cholera gravis) waxa lagu arkaa bukaanka cudurka qaba in ka yar boqolkiiba 10% (<10%). Kani waa cudurka Daacuunka rasmiga ah ee dhimashada badan iyo khasaaraha ballaadhan keena.Taa macneheedu maaha in Daacuunku ku kooban yahay oo keliya 10%ka, kuwa aanay ka muuqan astaamaha iyo calaamadaha cudurka Daacuunka iyo kuwa shubanka sahlan leh, dhammaantood waxay qabaan cudurka waana sii gudbin karaan haddaan si dhakhso ah loo xakamayn fidista cudurka Daacuunka.

Tilmaamaha ugu badan ee lagu arko cidda uu ku dhacay cudurka Daacuunku (severe cholera) waxaa ka mid ah:

1. Shuban daran oo biyaha bariiska oo kale ah (rice water diarrhoea) isla markaana waxba la socon oo saafi ah.

2. Ubucda (abdominal) oo la maroojiyo xanuunna laga dareemo.

3. Matag ama hunqaaco shubanka ka dib (mararka qaarkood matagga ayaa ka soo horreeya shubanka).

4. Xummad mararka qaarkood (inta badan heerkulku hoos buu u dhacaa).

5. Harraad aad ah

6. Muruqyada ubucda iyo meelaha kale ee jidhka oo aad loo maroojiyo isla markaana xanuuna.

7. Xabeeb ay sabab u tahay fuuq-baxu oo qofka dhuuntu qallasho

8. Qofka oo yare dareema qabow iskuna soo koga

9. Jidhka qofka oo isku duma oo aad u tabaryaraada indhaha iyo daamanka oo godka gala.

10. Heerka garaaca wadnaha (pulse rate) oo daciif ah, dhakhso/deg-deg ah oo an mararka qaarkood la dareemi karin si loo cabbiro.

11. Cadaadiska dhiigga (blood pressure) oo hoos u dhaca oo aan la cabbiri karin.

12. Neefsashada oo si dhakhso/degdeg ah qofka uga soo baxaysa

13. Ogsijiinyaraan (cyanosis) oo jidhku/maqaarku isu bedello midabka buluugga.

14. Kaadida oo yaraata mararka qaarkoodna aan qofka ka iman.

Cudurka Daacuunku, marka qofka xanuunsanayaa uu noqdo hor iyo dabo wuxu halis gelin karaa nolosha bukaanka taas oo ay ugu wacan tahay fuuq-baxa (dehydration) oo biyaha ku jira jidhka dadku ay ka dhammaadaan sidaan horeba u soo sheegnay.

Haddii aan bukaanka si dhakhso ah looga daaweyn cudurka Daacuunka waxa suurtogal ah inay u geeriyoodaan xanuunka in ka badan boqolkiiba 50% (>50%). Halka marka ay bukaanku helaan daaweyn iyo daryeel caafiimaad ay dhimashadu ka yar tahay boqolkiiba 1% (<1%).

Daacuunku waa ku wada dhacaa dadka oo dhan qof waliba waa u nugul yahay, waxase ugu sii daran caruurta, dadka waayeelka ah, dadka qaata dawooyinka ashitada jebiya (anti-acid drugs), kuwa ay calooshooda ku yar tahay ashitadu/asiidhu iyo dadka caloosha laga saaray caafimaad ahaan. Haddaan laga daaweyn xanuunka dadku si dhakhso ah oo saacado gudahood ah bay u dhiman karaan.

Sida badan sifooyinka lagu garto cudurka Daacuunka waxay aad isugu dhow yihiin lana mid yihiin kuwa ay sababaan bakteeriyada, fayrasyada iyo deris kunoolayaasha kale ee sababa shuban biyoodka sidaan horeba u soo sheegnay. Sidaa darteed, waxa habboon in laga taxadiro oo la hubiyo inuu cudurku yahay Daacuun iyo inuu yahay cudur kale.

Habka ay Vibrio cholerae cudurka u sababto (pathogenic process)

Sidaan hore u soo sheegnay bakteeriyada Vibrio cholerae, waxay soo raacdaa cuntada iyo biyaha sadhaysan ee dadku cunaan ama cabbaan. Marka dadku cuntada ama biyaha liqaan, waxa bakteeriyadu ku negaataa oo ku kortaa kuna tarantaa (growth and multiplication) isla markaana ku dhegtaa xuubka xabka ah (mucus membrane) ee hoosta kaga dahaadhan mindicirka yar (small intestine) waxayna ku sii daysaa ama ay soo saartaa mareedyada Daacuunka (Choleragen or Cholera enterotoxin).

Ka dibna waxa mareedyadu ama suntu (toxins) gashaa unugyada epithelialka (epithelial cells) halkaas oo ay qalalaase iyo khalkhal geliso shaqada iyo isu dheelitirnaanta jidhka (physiological equilibrium or Homeostasis) gaar ahaan shaqada mindhicirka/malawadka yar.

Taasina waxay sababtaa in mindhicirku maroojismo oo hoorku (fluids) ka lumo ama ka baxo isla markaana sii daayo macdanta chlorideka iyo biyaha shubanku ku bilaabmo oo bukaanku fuuqbaxo (dehydration). Sidoo kale, waxa istaaga nuugitaanka (absorption) Sodium ionska oo caadi ahaan ka qayb qaata isu dheelitirnaanta jidhka xagga electrolytes (salt and water).

Qiyaasta (infective dose) loo baahan yahay ee bakteeriyada Vibrio cholerae ah ee sababi karta cudurka Daacuunku waxay noqonaysaa 1,000 (103) ilaa 1,000,000 (106) oo bakteeriyo ah marka ay soo raacdo biyaha la cabbo. Halka marka ay Vibrio cholerae soo raacdo cuntada la cuno loo baahan yahay qiyaas (infective dose) ah 100 (102) ilaa 10,000 (104) oo bakteeriyo ah inay sababto Daacuunka.

Guud ahaan, Vibrio cholerae waxa loo baahan yahay qiyaas weyn 10,000-1,000,000 (104 – 106 organisms) si ay cudurka daacuunka u sababto. Halka, bakteeriyada kale qaarkeed loo baahan yahay qiyaas yar/hoose (lower infective dose). Tusaale ahaan, bakteeriyada Qaaxada ama TBda sababta ee Mycobacterium tuberculosis waxa loo baahan yahay qiyaas ka yar (<10 organisms) oo keliya.

Vibrio cholerae, kuma keento dhismaha mindhicirka yar wax isbedel ah ama dhaawac ah (pathological changes or anatomical damage) isla markaana ma gasho oo ma raacdo dhiigga iyo qaybaha kale ee jidhka sida bakteeriyada kale qaarkeed.

Sidaas darteed, Vibrio cholerae waxay asiibtaa oo waxyeellaysaa oo keli ah shaqada mindhicirka yar oo ay ku sii dayso mareedyadeeda (cholera toxin). Taas oo khalkhal

gelisa habka huleelka (transport) ee biyaha iyo macdanta jidhka (water and salt). Waana ta keenta mararka qaarkood in haddaan bukaanka la daaweyn, waxa laga yaabaa inuu qofku shubmo oo ay ka baxaan ilaa 30 litir oo biyo/shuban ah 24 saacadood gudahood.

Halka ml (mililitir) ee shubanka (diarrhoea) ah waxa ku jira ama la socda inta u dhaxaysa 10,000,000 (107) ilaa 1,000,000,000 (109) oo ah bakteeriyada Vibrio cholerae. Maxaad u malaynaysaa marka ay biyaha ku darsamaan?

Dhimashada deg degga ah waxa keena marka shaqada jidhka miisaanku ka lumo (physiological imbalance) oo ah marka bukaanka dheecaanku ama hoorku ka dhammaado jidhkiisa shuban iyo matag dartood. Ugu horrayn, qofka waxa ku dhaca xanuun darran, fuuqbax, waxa istaaga wareegga dhiiga (circulatory failure), waxa fadhiista kelyaha (renal failure) iyo aysiidhka oo ku badata jidhka (metabolic acidosis) ka dibna xubnaha kale ee jidka ayaa shaqada gaba ama joojiya si tartiib tartiib ah, ugu dambeyntiina dhimashada.

Habka gudbinta cudurka Daacuunka (Transmission)

Cudurka Daacuunku waa cudur si dhakhso ah u fida oo loo kala qaadi karo. Kala qaadistiisu waxay ku xidhan tahay, backteeriyada Daacuunka sababta (Vibrio cholerae) ee soo raacda saxarada iyo mataga qofka xanuunsanaya ama jirran ka dibna ay qaadaan cayayaanka sida duqsiga oo gaadhsiiya biyaha, cuntada aan dabboolayn iyo meelaha biyaha laga cabbo.

Waxa kale oo sii fidiya biyaha roobka oo saxarada markay qaadaan ku shuba ceelasha iyo meelaha biyaha laga cabbo. Sidoo kale waxa saxarada ama hunqaacada qofka buka marka ay qallasho qaada dabaysha waxayna ku dartaa cuntada aan daboolka lahayn iyo meelaha biyaha leh.

Waxa kale oo cudurka Daacuunka fidiya ama uu ku fidaa marka ay dadku is dulbaxaan, sida goobaha gargaarka iyo xeryaha qaxootiga ee aan lahayn musqulaha hagaagsan iyo biyaha nadiifta ah.

Waxa kale oo iyana si toos ah u gudbiya ama lagu kala qaadi karaa faraha wasakhda leh sida marka dadku saxaroodaan oo aanay si wanaagsan u faraxalan ama isaga maydhin/dhiqin faraha gacmaha.

Waxyaabaha kale ee laga qaado, Daacuunka waxa ka mid ah cuntada ceedhiin ama aan sida fiican u bislaan, cuntada biyaha badda (seafood) laga helo sida kalluunka iwm, khudradda iyo guud ahaan nadaafad xumada cuntada. Waxa laga yaabaa in mararka qaarkood khudradda iyo midhaha kale ee la cuno ay biyo wasakh leh ah ku sadhaysmeen oo bakteeriyadu ku jirto, waana muhiim in la iska maydho intaan la isticmaalin.

Sidaas darteed, Daacuunka waxa gudbiya biyaha aan nadiifta ahayn ee ay wasakheeyeen saxarada iyo mataga dadka buka iyo kuwa ladnaaday ee kabaxa ah welina saxaradooda ay ku jirto bakteeriyadu (sidayaal). Waxa kale oo ka qayb qaata fidista Daacuunka cuntooyinka sadhaysan gaar ahaan kuwa lagu gado ama iibiyo waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka hareerahooda.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee suurtogeliya gudbinta Daacuunka waxaa ka mid ah:

1. Haddii degaanka nadaafaddiisu aad u xun tahay waxa suurtogal ah in Daacuunku si fudud loo qaadi karo una fidi karo (Poor sanitation).

2. Haddii magaalooyinku ayan lahayn marinno ay maraan qashinka iyo biyuhu, bakteeriyada cudurka keentaa way helayaan xaaladihii ay ku noolaan lahaayeen kuna kori lahaayeen (Lack of sewage and drainage system).

3. Haddii meelaha qashinka lagu ururiyo waajibaadkooda la marin waayo oo jeermisku ka helaan xaaladihii ay ku dhalan lahaayeen, waxa hawl yaraanaysa gudbinta cudurka (Improper waste management system).

Ogaanshaha cudurka Daacuunka (Diagnosis)

Qofka lagu tuhunsan yahay ee loo malaynaayo inuu qabo cudurka Daacuunka waxa lagu ogaan karaa laba siyaabood:

a. Astaamaha iyo calaamadaha cudurka Daacuunka ee aan soo sheegnay oo lagu arko qofka qaba (clinical diagnosis).

Calaamadaha iyo astaamaha cudurka Daacuunka ee aan soo sheegnay oo lagu arko qofka qaba taas oo u baahan in lagu saleeyo meesha uu degan yahay ee ku nool yahay. Sidoo kale taariikhda safarkiisa (travel history) meelaha uu qofku safarka ku tegay ama soo maray oo ah meelaha la og yahay in cudurka Daacuunku ka dillaacay ama ka jiro oo lagu sheegay.

b. Waxa kale oo lagu ogaan (xaqiijin) karaa baadhitaanka shaybaadhka caafimaadka (laboratory diagnosis) oo xaqiijiya jiritaanka cudurka, marka laga baadho muunadaha ama saamiga (samples) qofka buka laga soo qaado taas oo lagu ogaado marka lagu sameeyo beerid ama abuurid (culture). Waxa kale oo la adeegsada mararka qaarkood qalabka molecular biolojiga noocyadiisa ay ka mid yihiin PCR iyo DNA probes kuwaas oo lagu ogaado noocyada (strains) Vibrio cholerae ee sababa safmarka. Tusaale ahaan inay tahay Vibrio cholerae 01, 0139 ama Vibrio cholerae El Tor.

Sidaan hore u soo sheegnay, qaybta saddexaad ee ogaanshaha cudurka Daacuunka ee muhiimka ah waa in laga hubiyo bukaanka inaanu qabin cudurro badan oo ay Daacuunka iskaga mid yihiin xagga calaamadaha iyo astaamaha shuban biyoodka (watery diarrhoea). Kuwaas oo noqon kara cudurro ay sababaan bakteeriyada, derisku noosha iyo fayrasyada kale. Waxa keliya ee lagu kala saari karo oo lagu xaqiijin karo daacuunka iyo cudurada kale inta badan waa baadhitaanka shaybaadhka caafimaadka iyo jawaabta laga helo muunadaha laga baadhay cuduradaas.

Daaweynta Cudurka Daacuunka (Treatment)

Cudurka Daacuunka, guud ahaan aad bay u sahlan tahay in la daaweeyo. Hase yeeshee, waxay ku xidhan tahay xaaladda bukaanku siday tahay, da’diisa, degaankuu ku nool yahay iyo heerka xanuunku le’eg yahay.

Xanuunka heerkiisa waxa lagu qiyaasi karaa inta jeer iyo qiyaasta ama mugga shubanka (diarrhoea), taas oo noqon karta shuban sahlan/khafiif ah (mild diarrhoea), shuban dhexdhexaad ah (moderate diarrhoea) iyo shuban daran/xoog leh (severe

diarrhoea). Sifooyinkaasi waxay tilmaamaan inta fuuqbuxu le’eg yahay kuwaas oo sahlaya sidii loo qorshayn lahaa daaweynta iyo badbaadinta bukaanka.

Tallaabooyinka ugu waaweyn ee lagu daaweyn karo Daacuunka waxaa ka mid ah:

1. In la daweeyo lagana hortago fuuqbaxa iyo shooga si bukaanka loo badbaadiyo. Taas oo ah in sida ugu habboon ee saxda ah bukaanka loogu sameeyo fuuqcelis si jidhkiisa loogu soo celiyo biyihii iyo macdantii ka baxday (water and salt).

Waxaa si fudud loogu daaweyn karaa in bukaanka loo sameeyo fuuqcelis (rehydration therapy) iyadoo la isticmaalayo ORS (Oral Rehydration Solution). Waxa mid ah ORSyada la isticmaalo inta badan tusaale ahaan: Hartmann’s solution oo ay WHO ku talo bixisay in lagu isticmaalo waddamada saboolka ah ee cudurka Daacuunku ku badan yahay. Waa muhiim in lagu jaangooyo ORSka qofka buka da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad.

2. In haddii loo baahdo ama ay noqoto lagama maarmaan la daweeyo cudurka laftiisa oo la isticmaalo noole dilayaasha (antibiotics) si loo dabar gooyo inaan bakteeriyadu ku korin kuna tarmin mindhicirka oo aan cudurku u sii fidin.

Inta badan, noole dilayaasha looma baahna in loo isticmaalo daaweeyn ahaan waxana ka haboon in lagu dedaalo sidii qofka bukaanka ah biyihii ka baxay si deg deg loogu soo celiyo. Isticmaalka noole dilayaashu haddaan loo baahnayn waxay dhiirigelisaa kakanaanta bakteeriyada (bacterial resistance).

3. In laga daaweeyo bukaanka calaamadaha iyo waxyaabaha kale ee uu ka cabanaayo oo daryeel wanaagsan loo fidiyo bukaanka.

Xakamaynta iyo ka hortagga cudurka Daacuunka (control and prevention)

Sidaan soo sheegnay, cudurka Daacuunka fiditaankiisa waxa suurtageliya nadaafad darrada cuntada la cuno iyo saxadhowr/fayadhowr la’aanta degaanka siiba biyaha la cabbo. Taas oo sababta aakhirka in laga qaado cudurka.

Ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Daacuunka waxa fure u ah barnaamij ama hannaan ballaadhan oo wejiyo badan kana duulaya sidii loo yarayn lahaa dhimashada dadka, sidii loo daaweyn lahaa bukaanka, nadaafadda biyaha, saxadhowrka, abaabulka bulshada, bixinta tallaalka afka laga qaato ee Daacuunka, sahamiska/ilaalaynta (surveillance) iyo isha ku haynta xaaladda guud ee cudurka Daacuunka.

Siyaabaha looga hortagi karo si loo xakameeyo cudurka Daacuunka faafitaankiiisa waxa ka mid ah in la qaado tallaabooyinka soo socda:

1. Waa in mudnaanta koowaad la siiyo sidii loo yarayn lahaa dhimashada dadka isla markaana loo daaweyn lahaa bukaanka.

2. Waa in lagu dedaalo sidii loo ogaan lahaa sidee cudurka Daacuunku ku bilaabmay, meeshee ka bilaabmay iyo sidee ku faafay si loo qorsheeyo hababka saxda ah ee lagu xakamayn karo Daacuunka.

3. Waa in biyaha la cabbo si hagaagsan loo daaweeyo oo nadaafadooda la ilaaliyo si dadku u helaan biyo nadiif ah.

4. Waa in biyaha la cabbo la iska kariyo intaan la cabbin ka hor meelaha aan lahayn biyaha nadiifta ah ee qasabada biyaha.

5. Waa in cuntada aad laysaga kariyo lagana fogaadaa cuntooyinka iyo cabbitaanka lagu gado meelaha debedda ah ee ku taxan waddooyinka hareerahooda.

6. Waa in dadka bukaanka daryeela si fiican isu nadiifiyaan oo saabuun iwm ku faraxashaan.

7. Waa in saxarada iyo waxyaabaha kale ee sadhaysan si hagaagsan loo maamulo oo meel ku haboon lagu shubo isla markaana lagu qubo si aan fidista cudurku u sii socon (proper waste management system).

8. Waa in sare loo qaadaa nadaafadda shakhsiga si looga hortago gudbinta cudurka Daacuunka bulshada dhexdeeda.

9. Waa in dadka socotada ah ee ka yimaadda degaannada lagu tuhunsan yahay cudurka Daacuunka isha lagu hayo xaaladdooda caafimaad inay wax iskabeddeleen iyo in kale. Mararka qaarkood haddii aad looga baqo inay bukaan, waa la karantiimayaa (Quarantine).

10. Waa in tababar ku saabsan saxadhowrka, nadaafadda iyo maaraynta cuntadu inay tahay tallaabo muhiima xagga ka hortagga cudurka loo fidiyo wadhatada jidadka cuntada ku iibiya (street vendors) iyo guud ahaan shaqaalaha ka shaqeeya meelaha cuntada sida makhaayadaha, hudheellada iwm.

11. Waa in la bixiyaa tallaalka Daacuunka waqtiga safmarka si dadka looga samata bixiyo cudurka Daacuunka intaanu ku dhicin ka hor.

12. Waa in bulshada lagu waaniyo inay isticmaalaan cuntooyinka ashitada ama asiidhka leh (acidifying foods) sida liinta noocyadeeda kala duwan, yaanyada ama tamaandhada, tamariinta, ciirta ama caanaha gadhoodhka/garoorka ah (yoghurt) iwm. Cuntooyinka ashitada lehi waxay ka hortagaan oo yareeyaan V.cholerae sababtoo ah asiidka cuntada iyo caloosha ayay bakteeriyadu u nugushahay.

Gunaanad iyo talo soo jeedin

Cudurka Daacuunku, waa cudur halis ah oo maroojiya caloosha iyo mindhicirka keenana shuban aad u badan, matag iyo tabaryari aad ah. Taasina waxay horseedaa in qofka qaba cudurka Daacuunku ay biyuhu ka dhammaadaan jidhkiisa oo uu fuuq-bax (dehydration) ku dhaco oo haddaan si deg-deg ah wax looga qaban keeni kara geeri ama dhimasho.

Cudurka Daacuunka, dadku waxay qaadaan marka ay cunaan cunto ama ay cabbaan biyo wasakhaysan/sadhaysan (contaminated) oo ay ku jirto bakteeriyada cudurka sababta ee Vibrio cholerae. Waddamada cudurkan halista ahi uu ka dillaaco inta badan wuxu sababaa safmar (epidemic) taas oo ay dad badani hal mar wada qaadi karaan ama uu Daacuunku mar wada helo.

Sidaan wada ognahay cudurka Daacuunku, inta badan waa ku soo noqnoqdaa geyiga Soomaalida. Sidaas darteed, waxa loo baahan yahay in laga gaashaanto oo laga hortago dhibaatada caafimaad iyo waxyeellada kale ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gaadha goor walba. Waxa lama huraan ah, in la sameeyo qorsheyaal iyo

istaraatijiyad leh tallaabooyin la taaban karo oo la dhaqan gelin karo muddada gaaban (short-term) iyo muddada fog (long term).

Qorshaha muddada gaaban ee waqtigan lagu jiro abaaraha iyo bilowga xilli roobaadka, waxa ugu muhiimsan in lagu dedaalo sidii ummadda tabaalaysan wax loo tari lahaa laguna dedaalo inaan Daacuunku ku sii fidin meelaha kale. Baahida ugu weyn ee jirtaa imminka, waa macaluul iyo biyo la’aan sahlaya in xaaladda guud ee caafimaadku xumaato oo cudurada faafaa dalka ku sii kordhaan, sida Daacuunka iyo cudurada kale ee shubanka sababa.

Si looga hortago cudurka Daacuunka muddada gaaban, waxa la qaadi karaa tallaabooyinkan soo socda:

1. In daraasad iyo sahamis lagu sameeyo waddanka si loo ogaado sidee cudurka Daacuunku u bilaabmay, halkee ka bilaabmay iyo sidee ku faafay si loo qorsheeyo hababka saxda ah ee lagu xakamayn karo Daacuunka.

2. In la dejiyo barnaamajka xakamaynta iyo ka hortagga cudurka Daacuunka iyadoo la adeegsanayo tabaha ugu haboon.

3. In la bilaabo olole wacyigelin ah si bulshadu u ogaadaan caafimaad darrada ka iman karta Daacuunka.

4. In lagu dedaalo sidii loo yarayn laha safarka loo socdaalayo meelaha la sheegay in cudurku ka dillaacay si aan cudurku u sii gudbin ama u gaadhin gobollada kale.

5. In laga war hayo goobaha dadku Daacuunka ugu dhinteen si loo ogaado xaaladda guud ee degaamadaas isla markaana laga kaalmeeyo wixi dhibaato ah ee ka soo gaadhay cudurka Daacuunka.

6. In la diiwaangeliyo dadka la ogaaday inuu ku dhacay cudurka Daacuunku si loo ogaado tiro koobka iyo dadka u geeriyooday Daacuunka.

Guud ahaan, haddii horukac lagu sameeyo xaaladaha nolosha ee dadka deggan tuulooyinka ama magaalooyinka, cudurka Daacuunku ma huri karo qaadistiisuna aad bay u yaraataa. Haddii ay xumaadaan xaaladaha nolosha dadku (cunto, biyo iyo dawo la’aan) waxa imanaysa in caafimaadka dadku guud ahaan uu xumaanaayo, taas oo keenaysa in bulshadii oo dhammi ay u jilicsanaato qaaditaanka cudurada. Sidaan horeba u soo sheegnay badiyaa, cudurka Daacuunku wuxu keenaa dhimasho aad u fara badan, siiba waddamada saboolka ah haddii uu ku dhaco sida geeska Afrika.

Qorshaha muddada fog (long-term) ee wax laga qabanayo Daacuunka iyo dhammaan cudurada faafa, waa inuu leeyahay ku talogal barnaamaj ka hortag ah oo ay ugu mudan tahay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu heli lahaa biyo nadiif ah.

Waayo, cudurka Daacuunka waxa laga qaadaa waa biyaha wasakhda ah ee sadhaysan oo ay ku jirto bakteeriyada cudurka sababtaa (Vibrio cholerae). Waxa gudbiya oo faafiya ama sii fidiyaa waa biyaha, waxa lagaga hortagi karaana waa biyaha nadiifta ah. Waana habraaca iyo habka keliya ee wadammada horumaray iyo dalalka kale ee soo korayaa kaga gaashaanteen cudurka Daacuunka oo looga cidhib tiray wadammadaas waa cabbista iyo isticmaalka biyaha nadiifta ah.

Sidaa awgeed, biyaha nadiifta ah ayaa ah sirta aan dawada iyo tallaalka ahayn ee dunidu kaga adkaatay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Daacuunka iyo cudurada kale ee sababa shubanka iwm.

Biyihu, waa daawo aan u baahnayn in warshad lagu sameeyo oo dhul iyo cirba laga helo laakiin u baahan in la farsamaysto oo la iska hagaajiyo lagana faa’iidaysto. Sidaas darteed, dawada keliya ee lagu daaweyn karo lagagana hortagi karo cudurka Daacuunka isla markaana ugu qiimaha jaban waa biyaha nadiifta ah (drinking and using clean water).

Sida ay sheegtay WHO, dhulka Soomaalida, boqolkiiba in ka yar 23% (<23%) ayaa hela biyo nadiif ah. Haddii biyo nadiif ah la helo waxa xal waara loo helayaa in ka badan boqolkiiba 90% (>90%) dhibaatada cudurada faafa oo ah kuwa ugu badan geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Sida laga soo xigtay WHO, boqolkiiba 63-69% waxa Afrika dadku u dhintaan cudurada faafa (infectious diseases). http://www.saxadoon.com/empfound/infectious-diseases-are-the-first-leading-cause-of-death-in-the-africa-what-can-we-do/

Tallaabooyinka kale ee lagaga gaashaaman karo cudurka Daacuunka iwm waxa ka mid ah:

1. In la sameeyo oo la abaabulo maamul isku dhaf ah oo ay iska kaashadaan laamaha maamulka dawliga ah isla markaana laga qayb geliyo bulshada ujeedadiisuna tahay sidii looga hortagi lahaa Daacuunka iyo cudurada kale ee faafa muddada gaaban iyo ta fogba.

2. In bulshada lagu wargeliyo istaraatijiyada iyo tabaha lagu yaraynaayo Daaccunka iwm, meelaha muhiimka ah ee laga abbaaraayo iyo waxyaabaha u fududeeya gudbinta cudurkan si wacyigelintaasu u suurtogeliso in dadweynuhuna dhinacooda ka qayb qaataan barnaamajka xakamaynta Daacuunka.

3. in la hagaajiyo nadaafada iyo saxada bulshada (Good sanitation)

4. In la habeeyo qashinka (garbage) oo si ku habboon loo tuuro, meelo loogu talogalayna lagu ururiyo aakhirkana si hagaagsan loo gubo (Proper waste disposal system).

5. In hannaanka musqulaha iyo meelaha dadku ku saxaroodaan laga ilaaliyo inay ku darsamaan meelaha biyaha lagu kaydiyo iyo ceelasha biyaha laga cabbo (Proper sewage and drainage system).

6. In kor loo qaado dhaqanka nadaafad wanaagga sida gacmaha oo la iska maydho marka la isticmaalo musqusha/suuliga iyo ka hor intaan la diyaarin cuntada (Improved hygiene practice).

7. In la horumariyo waxbarashada beesha dhinaca caafimaadka (community health education) si kor loogu qaado wacyigooda caafimaadka dadweynaha si ay uga qayb qaataan ka hortagga iyo xakamaynta cudurada faafa sida Daacuunka iwm (Community health education programmes).

8. In lagu dheerigeliyo bulshada siiba degaamada uu ka dhici karo safmarka Daacuunku inay isticmaalaan waxyaabaha yarayn kara waxyeelada iyo fidista Daacuunka sida ku darista dheecaanka liita (lime juice) biyaha iyo cuntada.

9. In barnaamajyada wacyigelinta caafimaadka dadweynaha (public health) laga sii daayo idaacadaha, TVyada iyo warbaahinta baraha bulshada (social media).

10. In joogto laga dhigo wacyigelinta caafimaadka siiba xilliyada ay dillaaci karaan cudurada faafa gaar ahaan xilliga roobka iyo waqtiyada abaaraha si looga hortago cudurada.

11. In dalka laga hirgeliyo shaybaadhka caafimaadka guud ee cudurada faafa iyo saxadhowrka (Public health microbiology laboratory) kaas oo suurta gelinaya baadhitaanka cudurada (infections) iyo ka hortagooda.

Ugu dambeyn, si xal waara loogu helo oo looga hortago isla markaana lagu xakameeyo cudurka Daacuunka iyo cudurada kale ee faafa. Waa in la jabiyo meertada cudurka (infection cycle). Taas oo ah biyaha iyo cuntada sadhaysan (wasakhda leh ee jeermisku ku jiro), nadaafad xumada gaar iyo guud ahaaneed iyo saxadhowr la’aanta degaanka (saxarada iyo qashinka meel walba yaal).Tallaabadaasi, waxay suurtagal noqonaysaa marka lagu guulaysto in la helo biyo nadiif ah (clean drinking water), saxadhowr tayo leh iyo ku dhaqanka nadaafad wanaaga (Improved hygiene practice).

Haddaba, sidii biyo nadiif ah lagu heli lahaa iyo sida loo hirgelinayo waa hawl u taal inta ummadda hogaanka u ah iyo cidda jaangoysa ee dejisa hannaanka siyaasadda caafimaadka dalka.

Dr. Yasin Abdi

Senior Healthcare Scientist, Clinical Microbiologists at UK National Health Service (NHS), London.

Yabdi67@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments