Cida Dhabta Ah Ee Saylac Qaska Ka Wada+Hal Seegtay Mayor Iidle Iyo Ku Xigeenkiisa+Hal Maangal Ah Iyo Mid Kale Aan Maagal Aheyn.Dr.khadar-Libaaxley

Doqon milantay nin xun iyo ciil baa

Murugada abuuree madmadow halkuu

Galo mashkaxaan ku dayayaa

Maashiyo xanuunada madagtaan ku gubayaa.

Kasha dehatay faalada kalyaheyga buuxisay dacartaan qalbigu hayn kareyn daartay feedhaha, war waa kow hadalna waa weeyi ku idlaa; muraayad marka aad qoraxda u dhigto waxa ay ifisaa/cawartaa meel fog; taariikhaha soo dhacay waxa ay daliil u yihiin mahadhooyinka hada lagu suganyahey!!.

Degmada saylac qaska waxa ka wadaayi waa qayb ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Beesha Ciise; oo kaashanaya gacmo hoose oo laga hagaayo daaha dabadiisa; dal iyo darisba , Ciise mid muuqda , mid dedan iyo daahira intuba waxbaa u meel yaal oo guntan; dano dhaw iyo kuwo fog, kuwo dad badan arkaan iyo kuwo dadka in yar ay aragto ; saxna wey ku yihiin hadii ay u marto .

Waxa iyadna xusid mudan qaswadayaasha hormuud u ah wiilka aan cidiba waabin waali ( maamulaha kastamka saylac oo xidid xoogan la ah una safta dhanka beesha ciise had iyo jeer )

Waxa daliil u ah dabuubtayda nagatifyada aan sifaynayo dhacdooyinkan dabadood :-

2012 dalka waxa ka qabsoomay doorashooyinkii golaha deegaanka ; degmada saylac waa (B) 17 mudane ayaa laga doortaa, waxay aheyd taariikhda markii ugu horeysay ee doorasho food ah la galo ; waxaa loo kala helay loolankii sidan:-

1) 7 xildhibaan Beesha Ciise.

10 xildhibaan Beesha Gadabuursi.

2.) natiijada doorashadii diidmo ka dhan ah oo rabshado mudo socday watay ayey guluf ooda kaga qaadeen dhamaan xildhibaanadii beesha ciise; xataa waxa ay diideen in ay qaataan mayor xigeenka degmada dawladuna marag bay u aheyd sabankaas.

3) Xildhibaanadii gadabuursi kadib markii ay ka quusteen in aaney u soo soconin kal-fadhi la isugu yimaado xildhibaanada ciise, waxa ay maxkamada qaranku go’aamisay in xildhibaanada inta joogtaayi iska dhex doortaan ( mayor iyo ku xigeen ) ka soo jeeda beelaha deegaanka gobolka salal, sida ay ugu kala badanyihiin gobolkana waxa ay u kala noqdeen mayor iyo mayor xigeen.

4) kadib 5 sanno oo diilalyiyo ciil iyo dib ruugid ay u aheyd qaar ka mid ah beesha ciise waa dareenka ay qabaan siyaasiyiinta qaar e’ , waxa ay miciyaha la heleen gol-jilic u nuglaatayba ; garaad iyo garasho waxay tallo ku gooyeen si toodu u socoto; in ay ciyaaraan shaxda god fadhigeedu yahey ( Hulo baneysi iyo kuguuleysiga kala qaybinta xildhibaanada gadabuursi goosan-goosan !! waxa taa daliil u ah; 2012 xildhibaanada beesha ciise isku duubni wadar meel mar ah bay ahaayeen !! 5 sano ka dib illaa kulamadii u danbeeyee TV yada laga arkaayey maalmihii dhaweyd wali sidii bay isku dhan iyo isku cod kaliya u yihiin ( No democracy and nothing else except only one thing ); halka kuwii gadabuursi kala jihooyin iyo kala haab noqdeen !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Ma anigaa sidaa ka dhigay akhriste mise adiga laftaada ayaan lagaa dhaweyn??!

Waxa Xildhibaanada Ciise mideeyey ee kuwa gadabuursi kala geeyey waa maxay ?! adaan kuu dhaafayaa xukunka mudane akhriste!!.

Maanta mayorka ay colka isku dhafka ah ku ridayaan xildhibaanada beesha ciise hilbaa ugu yaal oo abti iyo seedi ayey u yihiin; qaar uu mayorku abti u yahey ayaa ku jira ayaan daradooda?!! hayeeshee waxa ay cadeynaysaa taasi ( fikirka ay xambaarsanyihiin iyo qasdigoodu in uu wax walba kala weyn yahey?!! oo gol-jilic ay sii dhex maraanna miciyaha dhiiga kaga daadiyeen !!).

Dhagartooda iyo dantoodu in muxaafid iyo mucaarid ba ay ku weyntahay waxaad ka garataa ( kalfadhigii dhagareysnaa ee u dan beeyey ee aan sharciga meelna ka waafaqsaneyn; waxa ay ku qabsadeen xarunta xafiiska xisbiga kulmiye oo uu u furay shirkana kujiray qaybna ka ahaa arinta gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka salal !!) yaab iyo amakaag weynaa!!.

Waxa aan marmar meelahaa ka maqli jiray ( Gadabuursigu waa dad kali kali u nool— individualist ; halka dhamaan beelaha kale ee

reer somaliland ay u noolyihiin wadar-wadar—groups ) been baan u haystay ee dhab ayey u dhacday oo waataa soo mudh baxday fool xumadeeda!! .

5.) muhiimad gaara : dhanka kale iyada oo aan wali sifaynta nagatifyada dhacdooyinkii u dambeeyey ee saylac; ( xildhibaanada beesha ciise waxa ay soo ban dhigeen wax lagu farxo oo ah in ay maanta diyaar u yihiin in ay helaan mayor xigeenka degmada saxna wey ku yihiin; hambaylyo iyo dheeraadna hawada ayaan u marinayaa ).

6.) mayorka saylac mudane xuseen iidle barkhadle : waxa uu karaamo , sharaf iyo qiime weyn kuleeyahey waxqabadka muga leh ee uu gobolka ka fuliyey; hayeeshee ( nimay habari dhashay hal maseegi weydee, waxa uu gabey kasbashada kalsoonida xildhibaanadii xilka u dhiibtay iyo xildhibaanadii cadhada ku maqnaa markii isaga mayorka laga dhigaayey ee ladqabada u baahnaa soo xero galintooda iyaga oo labada kooxood ee isku dhanka noqday eray food-qabadkoodu noqday sida ay hadiyo jeer dadka ku yidhaahdaan oo ah la’aanta hadal macaan iyo gacan macaan ).

7.) mayor ku xigeenka saylac mudane sacad daahir cige : duruuf iyo xaalad durkisayba dan baad mooday sidaa aad dooratay; saxna waad ku tahey adiga iyo dookhaa iyo dareenkaa; horaa loo yidhi ( inadeerkaa fiicnaantaadana ma’ogolla fool-xumadaadana ma’ogolla ), kaliya waxa aad hilmaantay in aad yaqiinsato marka aad aheyd mayor xigeen in aad aheyd mayor!! oo ay waliba kuu dheerayd in degmada guud ee Borama aad mayor ka tahey mayor maxamed; si kasta oo uu xaalku yaheyba waxa aan ku leeyahay qayrkaa u noolow.

Tallo Soojeedin , Hafeef iyo gabogabo :

Dadka waxa aan ugu jeclahay beesha ciise sababtoo ah inta aan ogahey dhanka aabbo 5 awoow oo isxig-xiga ciise ayaa dhalay gaar ahaan ( reer geedi ) abuurta iyo hidahayga qofnimo wax-weyn bay ku leeyihiin, ma jecli in dhib loo gaysto cid ay tahayba mid muuqata iyo mid dahsoon intaba, waxa aan soo jeedinayaa in dawladu ka hawlgasho sidii mayor xigeenka beesha ciise loo siin la haa, maan-gal ma’aha mayor iyo mayor xigeen isku beel ah in ay haystaan degmo iyadoo gobolka beel kale ay wada yaalan; rag cadaalad baa deeqda!!.

Dadweynaha reer s/land iyo soomaali oo idil meel ay joogaanba waa dad xaruur iyo xalwad ah oo macaan horey iyo imikaba

hayeeshee cudurka iyo caabuqa nabarada maguuraanka ah waxa sameeya ( siyaasi wata halbeegyo iyo afkaaro guracan ) muruga iyo guraca uu beeray siyaasiga guracani ayaa jiil ba jiil midhahiisa qadhaadh ay gurtaan taasi ayaa keenta in dadweyne kasta oo meel wada yaal dabka iyo biyaha kala qaadan waayaan sababna u noqda ( nolosha oo adkaata, abaaro iyo colaado dedan iyo kuwo muuqda, dadkii wadadhashay oo ay dhexmarsanaadaan khariidado iyo maabab aan la arkayn ay maskaxdooda ku abuurantahay oo ay muuqaneyso si aan xikmadiba ku jirin in dadku hoos isku yar wada necebyahey , jidh-diidnimo jirto; dhamaan waa midhaha dhunkaaleed iyo tallo siyaasi guracani beeray oo ay mudantahey hubsiimo badan iyo madhxin).

Qof ahaan waxa aan aaminsanahey in dhamaan reer somaliland oo dhan shucuub teeda in aanu wada-tashan karno, wax-wanaagsan isla meel dhigi karno, wax-wada qabsan karno, guul iyo himilo fogna aanu wada hirgalin karno meel la joogaba.

Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments