SHIR AY KU KULANSADEEN WAXGARADKA BEESHA XASAN-SACAD KASOO DAARANAA AAYAHA SIYAASADEED EE BEESHU LEEDAHAY

Shir wadatashi ah Oo ay iskugu yimaadeen Waxgaradka,Aqoonyahanka,Dhaqanka,Dhalinyarta iyo Dhamaan Haldoorka Beesha XASAN-SACAD Ayaa lagaga Arinsanayay Ayaaha Siyaasadeed Ee ay Beeshu Leedahay Sidoo kale waxaa Si Buuxda la iskugu afgartay Dhamaan Ajandayaashii Shirka Waxaana intaa dheeraa oo ay Beeshu kumagacawday Shirka Gudi,Gudidaas Oo Ka Arinsan Doona Aayaha Siyaasadeed Ee Beeshu leedahay, Sidoo Kala Waxaa Halkaa Ku Balamay inay qabsadaan Shirar Gaagaaban Gudida Beeshu Si Ay Go,aan uga Gaadhaan Aayaha Siyaasadeed Ee Ay Beeshu Leedahay,Sidoo kale waxay Gudida Beeshu Balan Qaaday In Ay Qaban Qaabin Doonaan Shirwayne Ay kusoo Bandhigayaan Aayohooga Siyaasadeed.

Waxaa Kaloo Intaa Dheeree Oo Ay Beeshu Kahadashay isna Dultaagtay Sidii Looqaadan lahaa Kaadhka Codbixiyaha Dhamaan Meelkasto oo ay joogaan Beeshu, Waxaa Kaloo Shirkaa lagu Magacaabay Xubno Wacyi galineed oo Gaadha Meelkasta Oo ay Beeshu Dagantahay,

Xubnaha Gudida Beesha

1. Chief CaaqiL Mahad Awjaamac Subagle.

2. Faarax Abiib Aadan (Faarax Asbiima) (Gudoomiye)

3.Fahmi Cabdi Bidaar

4.Cabdi Xadi Good

5.Cumar Cabdilaahi Awbare

6.Farxaan Faarax Jaamac

7.Haybe warsame Gaboobe.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments