SPORTS:Rajadii Koobka Premier Leaque-ga Ee Tottenham Oo Burburtay Iyo Chelsea Oo Caawin Wayn Ka Heshay West Ham

LUGHAYA SPORTS-Rajadii ay Tottenham ka qabtay koobka Premier Leaque-ga iyo culayskii ay ku sii haysay Chelsea ayaa burburay kadib markii ay guuldaro 1:0 ah kala soo kulantay West Ham United oo ay marti ugu ahayd  London Stadium. Kooxaha ree London ee Tottenham iyo West Ham United ayaa kulankan ciyaarayay iyaga oo lahaa laba ujeedo oo muhiim ah.

West Ham United oo marti loo ahaa ayaa doonaysay in ay si rasmi ah u xaqiijisato in ay horyaalka premier Leaque-ga baaqi ku sii ahaanayso waxayna meesha ka saartay walwalkii ahaa in ay heerka labaad xisaab ahaan ugu noqon karto. Hammbers ayaa xili ciyaareedka kooxdeeda ku wanaajisatay guulasha ay Tottenham ka gaadhay.

Laakiin Tottenham ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay hal dhibic u soo jirsato Chelsea oo aan ilaa isniinta kulankeeda ciyaari doonin laakiin Spurs ayaa awoodi wayday in ay sii wadato qaab ciyaareedkii layaabka lahaa ee ay 9 kulan oo xidhiidh ah guulaha ugu soo gaadhay waxaana rajadii ay koobka Premier Leaque-ga ka lahayd ka dishay kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee West ham.

West Ham United ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee Premier Leaque-ga ah oo Tottenham guul ka gaadhay tan iyo February 11,2017 markaas oo ay Spurs guuldaro kala soo labatay Liverpool. Tan iyo markaas wixii ka danbeeyay Tottenham ayaa ku soo jirtay qaab ciyaareed layaab lahaa.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa daawanayay kooxdiisa oo awoodi wayday in ay xataa babraro la soo gasho West Ham. Guuldarada soo gaadhay Tottenham ayaa la micno ah in Chelsea ay lix dhibcood oo kaliya uga baahan tahay afarta kulan ee u hadhsan si ay koobka Premier Leaque-ga ugu guulaysato.

Stamford Bridge ayay haddaba u  dabaal degaya guusha ay West Ham gaadhay iyaga oo ku faraxsan in Tottenham ay guuldaro xun la kulantay. Chelsea ayaa 34 kulan ka haysata 81 dhibcood halka Tottenham ay 35 kulan ka heshay 77 dhibcood waxayna awoodi wayday in ay Chelsea u soo jirsato hal dhibic haddii ay guulaysan lahayd.

Waxay haddaba u muuqataa in riyadii Spurs ay soo dhamaatay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah oo ay koobka Premier leaque-ga si xoogan ugu tartantay. Waxayna hadda sheekadu tahay Chelsea iyo Antonio Conte idinka ayay itiil taal haddii guuldarada Spurs ay noqon doonto mid soo gabagabayn doonta tartanka koobka Premier leaque-ga.

Telesom

Recent Comments