Dawladda Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Dilal Wadareed Maalinle Ah

halkan ka akhiirso

Dawladda Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Dilal Wadareed Maalinle Ah

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Dowladda Suuriya dilal wadareed ay maalin walba u geysato maxaabiista ku jirto xabsiyada ay maamusho dowladu.

Waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay in saraakiisha ciidamada Suuriya marka ay dilaan maxaabiista ay meydadkooda ku gubaan bannaanka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Warka ayaa intaasi ku daraya in maalin walba xabsiga Saydnaya lagu daldalo ilaa iyo 50 maxaabiis.

Makhaaziinada lagu gubo meydadka ayaa la sheegay in Dowlada Bishaar Al Asad ay ku qarineyso cadeymaha dilalka tirada badan ee ay u geysaneyso dadkeeda

 

lughaya.com

hargeysa /office

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments