Badhasaabka Awdal Oo Ka Seexday Xuska 18 May Iyo Dareenka La Xidhiidha

Maalintii Khamiista ahayd ee aynu soo dhaafnay waxa ay ku beegnayd 18kii May 2017 waxana ay ahayd lix iyo labaatan guuradii aasaaska dawladnimo ee Somaliland. Magaalada Borama ayaa siweyn looga xusay  iyada oo masuuliyiinta Wasiirada Dawlada  maamulka degmada iyo ciidamada qalabka sidaaba ay xuskan ka qayb qaadanayeen. Haseyeeshee waxa aan isagu aan  marna  lagu arag goobahaasi xuska Badasaabka Awdal Mudane Mustafe Shiine, arintaasi oo dareeno kala duwan dhalisay.

Dadka qaar ayaa rumaysan in gudoomiye Shiine oo baryahan danbe aan la dhacsanayn siyaasada xisbiga Kulmiye iyo xukuumada Siranyo  uu ka xanaaqay qaabka ay madaxtooyada Somaliland u qorsheeyeen in loo xuso 18 ka May Sanadkan .qaabkaasi oo ka dhashay kadib markii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siranyo  uu amar ku bixiyay in dhamaan dalka iyo dibadaba muwaadiniinta iyo xukuumad reer Somaliland in ay ka qayb qaataan olole qaadhaan ururin ah oo ay dadwaynuhu ku caawinayaan dadka abaartu saamaysay ee gobolada Bari.

Dabcan waa suurtagal in uu Badhasaabku saluugay arintan waayo  caga jiidkiisa hore ee uu awalba kula shaqaynayay xukuumada  waxa daboolijiray  danohiisa  dhaqaale lagama waayi jirin munaasabadaha xukuumiga ah..Run ahaantiina  si uun buu u iman lahaaye  hada waxa  meesha ka maqan kharashkii faraha badnaa ee munaasibadaha 18ka May  gudoomiyeyaasha goboladu ay helijireen maalintan oo kale.Hadase iyaga ayaaba laga rabaa in ay dadka qaadhaan ka ururiyaan marka in uu iska seexdo layaab maleh ayay ku doodayaan.

Dhinaca kale inkasta oo aanu dareenkani ahayn mid xoogan hadana waxa ay dadka u kuurgala ama ka ag dhowdhow Badhasaab Mustafe Shiine ay tibaaxayaa in gudoomiyuhu uu xanuunsanyahay sidaa darteedna uu maanta gudan kari waayay waajibkan qaran.

Fikrad kale oo kuwaa hore ka duwan ayaa iyana jirta taa si oo in badhasaab Mustafe Shiine iyo wasiirada gobolka Awdal ka soo jeeda ee  18kii may ka qayb qaadanayay xuska gudaha magaalada Borama  aanay isku san banaanayn. Sidaadarteedna Mustafe shiine uu doorbiday in uu ka baaqdo intay hawada isku marin lahaayeen hadalo isku lid ah sidii dhowrjeer oo hore dhacday.

 

Sikasta ha ahaatee  tan iyo 1991 sanadkasta waxa la xusaa bisha May 18 keeda. Iyada oo masuuliyiinta dawladu ay fagaarayaasha kalahadlaan dadwaynaha waxana nasiibdaro noqotay maanta in badhasaabka Awdal oo isagu ah wakiilka madaxweynaha ugu qaaabilsan gobolka uu gabi ahaanba ka soo xaadiriwaayo goobilii ciidamada dawladu ay salaanta ku siinayeen wasiirada iyo saraakiisha kale ee xukuumada Kulmiye

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments