Ciidamada dowladda oo xoojiyay amniga caasimada kaddib weerarkii xalay Sawirro

Muqdishu LUGHAYA.COM  Ciidamada xasilinta caasimada Muqdisho ayaa sii xoojiyay howlgalada amniga lagu sugayo kaddib weerarkii xalay dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab ku qaadeen maqaayadaha hoteellada Pizza House iyo Posh Treats.

Jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyo kuwa yar yar ee xaafaddaha degmooyinka caasimada ayaa lagu arkayaa ciidamada oo foojignaan dheeraad ah ku jira, islamarkaana baaritaanno ku sameynaya gadiidka iyo dad la socda intaba.

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa lagu arkay xaafado dhowr ah oo gaadiidka isticmaalaya waddooyinka jid cadayaasha si adag u baarayay.

Baabuurta ayaa safaf ugu jiray baaritaanada ay ciidamada wadeen, iyadoo dadka laga soo dejinayay, dabadeedna baaritaan lagu sameyay

Weerarkii xalay lagu qaaday maaayadaha Pizza House iyo Posh Treat ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu dhashay bisha Ramadaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo muddooyinkii u dambeeyay soo hagaagayay ayaa weerarkii xalay waxaa uu wax ka bedelayaa dareenkii ay dadka qabeen.

Al-Shabaab ayaa mar kasta bartilmaameedsada maqaayadaha iyo hotelada ku yaalla Muqdisho oo noqday kuwo u nugul dhibaatada ay u geystaan ee ka soo gaara bur burka hantiyadeed.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments