Dhalinyaro olale nadaafadeed ka bilaabay maqaayadii dhawaan la weeraray ee Pizza House Sawirro

Dhilinyaro Soomaaliyeed oo wiilal iyo gabdho isugu jiray ayaa maanta olale nadafadeed ka bilaabay maqaayada Pizza House oo labo habeen hor uu ka dhacay weerar dad badani ku dhinteen.

Maqaayadan ayaa aheyd goob ay inta badan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho, oo marka laga soo tago in ay aheyd maqaaxi laga cunteeyo sidoo kale dhalinyarradu ku gali jireen sawiro xasuus ah.

C/majiid Daahir Aadan oo ka mid ah milkiiliyaasha maqaayada Pizza House ayaa uga mahad celiyay dhalinyarrada reer Muqdisho in ay si iskood ah uga qeybqaataan dib u hagaajinta bur burkii ku dhacay maqaayada oo mar kale la doonayo in dib loo soo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay.

“Waa ay mahad sanyihiin dhaliyarada garatay in ay na garab istaagaan waqtigan adag dib u hagaajinta maqaayadan, waliba ayagaoo Sooman oo cid ku amartayna aysan jirin, qaar macaamiisheena ayeey ahaayeen iyo kuwo kale,” ayuu yiri C/majiid.

Weerarkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxaa ku nafwaayay tiro ka badan 20 ruux oo u badnaa dad rayid ah, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa gabdho isku qoys ka soo jeeday.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments