Ganacsade caawa lagu dilay xaaafadda magaalada Beledweyne

Muqdishu LUGHAYA.COM   Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa caawa ku toogtay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ganacsade lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Muumin (Ibraahim Fanax) oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in la dilay xili uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa xaafadda Howlwadaag.

Ibraahim Fanax ayaa la sheegay in uu la shaqeyn jiray Company lagu magacaabo Goobaalle oo dhisay inta badan goobaha danta guud ee xaafaddaha Xaawo Taako. Bundo-Weyn iyo Howl-wadaag oo ka wada tirsan magaalada Baledweyne.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxdii toogashada geystay markiiba goobta isaga carareen, waxaana intaa kaddib halkaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments