Shirkada Biyaha ee SHABA Oo ku Guuldaraysatay In Ay Biyihii Gaadhsiiyaan Dadwaynaha Reer Borama Xiliga Xagaaga Iyo Qorshe La Aanta Xukuumada Ee Arintan DIIRADA LUGHAYA.COM

LUGHAYA.COM    Biyo la aanta baahsan ee ka jirta magaalada Borama,waxa ay sababi doontaa xaalad laga qaxo magaaalada ama laga guuro magaalada, waayo sanadkasta oo xagaaga ama wakhtiga kulaylaha  la gaadho  magaalada Borama waxa  dadwaynuha reer Borama soo foodsaarta biyo yaraansho sanadba sanad ka ka danbeeya ka sii ba an sidii hore.

Shirkada SHABA ee adeega biya ee gobolka Awdal waxa ay la dhibtoodaan in ay qaybinta biyaha gaadhsiiyaan dhamaan dadweynaha ku nool magaalada Borama xiligan xagaaga. Waxana ay ku kaliftaa in ay SHABA kolba xaafad ama degmo  biyaha ka xidhaan si kuwa kale na loo gaadhsiiyo.

Marka ay hadaba saraakiisha shirkada SHABA ee maamusha biyaha Borama ,ay sharaxayaan sababaha keena biyo yraantan soo noqnoqota xiliyada xagaaga sanad kasta waxa ay tilmaamaan arimo dhowr ah oo ay ugu mihiimsanyihiin ;

  1. In isticmaalka biyuhu uu bato xiligaasi, waayo dadka maydhashadooda,iyo cabiduba way kordhaan maadaama heer kulku sareeyo oo qofkastaa oo wakhtiga jiilaalka ah halmar maydhanjiray uu hada xiligan laba jeer maydho
  2. In ceelashu ay xiligan biyo yareeyaan isla markaana uumibaxa iyo dhuumaha qaybiya biyaha laftoodu ay kulaylaka awgii u baahdaan biyo ay iskuqaboojiyaan amaba marmar dhalaalaan oo ay isku dhegaan xidhaana qulqulka biyaha
  3. Qoditaan iyo sahaminta oo aan ahayn masuuliyada Shirkada SHABA balse sida heshiiskuka shirkadu dhigayo wasaarada khayraadka biyaha ay doorkeeda tahay.
  4. In daraasad iyo sahamin la sameeyayna laogaaday in biyaha aan hada isticmaalnaa ay yihiin kuwo sii gudhaya oo aynu waliba tuumbo afwayn ku nuugayno sacabiyo ah, islamarkaana meesha biyo ku filan magaalada ugu dhow ay tahay degmada Baki iyo xuduuda dalka Ethiopia

Arimahaasi oo dhan way ku celceliyaan xiliyada xagaaga balse cidi dheg uma dhigto waxana dadwaynuhu la yaabaan shirkadan biyihii lacagtooda urursanaysa in ay yidhaahdaan anagu masuul kama nihin qoditaan ceelal cusub.

Xukuumadu ama wasaarada Biyaha Somaliland ma leh siyaasad ku aadan biyo la aanta Borama iyo mustaqbalka xaga loo doonayo biyo, waxana ay sugaan  uun hayadaha dhawrtada bixiya. Marka wax dhowrtadaa la ahelana  waxa ay ku dhacdaa jeebabka shakhsiyaad gaaar ah mana gaadho dadwaynaha oo kama daboosho baahidii biyaha ee shicibka.

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments