Kulan Qarsoodiya Oo Dhexmaray Siyaasiyiinta Beelaha Maxamed Case iyo Musharaxa Jagada M/Xigeenka Xisbiga Wadani Maxamed Cali Oo Natiijo La Aan Ku Dhamaaday. Faalo Diirada LUGHAYA.COM

Shir dhawaan uga socday magaalada Boorama kooxo siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda beelaha Maxamed Case iyo xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa ku dhamaaday is afgransho la aan, kadib markii xubnihii ka qaybgalayay wadahadaladaasi ay isku maan dhaafeen hanaanka saami qabysiga ee kuraasta ay Wadani rabto in ay ku soo jiidato beelaha Maxamed Case oo iyagu guud ahaanba xisbul xaakimka taageersan.

Ilo wareedyo goob joog ka ahaa madasha shirku ka qabsoomay, ayaa tibaaxay una xaqiijiyay shabakada in dalab ka ay la yimaadeen xubnaha siyaasiyiinta beelaha Maxaed- Case, ay ahaayeen kuwo culayskooda lehaa oo uu ka biyo diiday musharax Maxamed Cali, isla markaana uu ku qanciyay in aanu hada  ka jawaabi karayn  tabashadooda balse uu la sugi doono inta uu gudoomiye Ciro oo dalka dibada uga maqan imaanayo.

Arintaasi ayaa u cuntami wayday siyaasiyiintii quudaraynayay in ay mansabyo ka helaan xisbiga WADANI. Waxana waxarku ay sheegayaan in ay ka niyadjabeen hankii ay ka lahaayeen siyaasada Wadani. Iyada oo qaar kamid ah siyaayiyiintaa hungowday laga hayay “Waar nin aan Goaan gaadhi karayn Maxaynu Ka Soodoonay.”

Dalabka hadaba ay soo jeediyeen ee ay shuruuda kubiiristooda Wadani ugu muhiimsanaa ayaa ah in jagadii uu baneeyay eee uu iska casilay  gudoomiye kuxigeenkii 1aad ee xisbiga WADANI Axmed Muumin Seed, in la siiyo siyaasi ka soo jeeda beelaha maxamed case.

Waxa kale oo iyana kujirta shuruudahan uu ka biyo diiday musharax Maxamed Cali ee ay soo bandhigeen siyaasiyiinta Maxad-Case, in gudoomiyaha gobalka Awdal ee xisbiga WADANI oo hada uu hayo Cabdiraxmaan Muuse Maal oo ay isku haybyihiin Musharax Maxamed Cali iyana lagu soo wareejiyo siyaasi  ka soo jeeda beelaha Maxamed Case.

Gabagabdii kulankaasi ayaa lagu kala kacay iyada oo aanay jawaabo ama balanqaadyo ayna ka helin dhinaca musharaxa ay quudareeyeen waxa meeshaasi ay kala soo huleeleen waji gabax waxayna u arkeen nin aan kaligii go aan ka gaadhi karin masiirkooda

Si kastaba ha ahaatee waxa la yaable  siyaasiyiinta Maxamed Case ee dudaya ma waxa ay aaminsanyihiin in ay karaamo iyo sharaf kala kulmayaan xisbi horaba dulmiyo tacadi ku sameeyay ragii u soo halgamay ee u dhabar adaygay intii uu hano qaadayay xisbigu kuwaasi oo uu ka mid ahaa siyaasi Axmed Muumin Seed,. Waxalayidhi qayrkii loo xiiryoow adna soo qoyso miyaanay ogayn in xisbigan uu guud ahaan ku shaqeeyo siyaasada ah GARXAJIS+ ARAB+MAKAAHIIL, oo aanay boos uga banaanayn beelaha Maxamed Case iyo cidkale toona . ma waxa ay moog yihiin siyaasiyiinta Maxamed Case in ragii ay ka dumiyeen dawladii rayaale oo jibaysani ay ku xeeranyihiin xisbiga caloola aantooda waxay u haystaan in WADANI UU YAHAY XISBI QARAN BALSE XAQIIQDU WAA XISBI QABIIL.

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments