Aqoonsigii Somaliland Ma Khaatumuu Ku Xirmay? By Pro, Aadan Diiriye Dixod

 

Somaliland muddo 26 sano ku dhow ayey beesha caalamka ka raadinaysay sidii ay ku heli lahayd aqoonsi dalnimo, maadaama ay sheegato in aanay Soomaaliya ka mid ahayn.

Laakiin beesha caalamku waxay ku qancisay Somaliland arrinka aqoonsigu in uu kaga xiran yahay dalka Soomaliya oo ay ka helaan ogolaansho ah in SOMALILAND ay go’do oo ay noqoto dal madax-bannaan.

Ku darsoo, beesha caalamku waxay labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland u furtay wadahadallo ku saabsan sidii Somaliland loogu qancin lahaa in ayna marnaba Soomaaliya ka go’i karayn.

Wadahadalladaasi walow mudo badan ay socdeen balse imika ay si meel ku gaadh ah u istaageen, hadana kama ay soo bixin wax natiija ah oo la taaban karo oo Somaliland ay ku qancdo.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay u muuqataa in baryahan dambe ay bedashay kana soo degtay mowqifkeedii hore ee ay wadahallada la lahayd Soomaaliya, kadib markii dhawaan ay la bilowday maamulka khaatumo ee Prof. Cali Khaliif Galaydh, isla markaana heshiis 5 qodob ay ku wada saxeexdeen magaalaba Hargeysa. Waxaana ka mid ah qodobadaas;

1. Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa

2-. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.

3. In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.

4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

Ugu dambayntiina, walow heshiiskani haduu hirgalo uu suurtagal ka dhigi karo maamulka Somaliland in gacanta uu ku wada dhigi doono dalkii hore la isku odhan jiray British Somaliland, hadana taasi ma la odhan karaa Somaliland aqoonsi caalami ah ayey ku heli kartaa. BAL ADBA!
FADLAN SHARE AMA LIKE SAAR

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments