QAAR K MID QURBAJOOGGAA DEGAANKA BOORAMA OO CASUMAY TAAGEERAYAASHA JABHADII WABAR,KAMEROOYINNA U QAYBIYEY WERIYAYAAL JABHADDAA KU XIDHNAA

 

Boorama,July — Qaybaha dadweynaha ku nool magaalada Booram ayaa weli la yaabban xaflad ama casuumad  qaar ka mid ah qurbajoogga reer awdal u fidiyeen xubno isugu jira maleesiyo beeleedkii  la cafiyey iyo taageerayaasha jabhaddii burburtay ee u hogamin jiray suldaankii falaagoobay ee Wabar  kaasoo dagaallo  khasaare geystay la galay  ciidamda dawladda ,iyagoo dhinaca kalena qurbajooggani kamerooyinka  vedio’ga  u qaybiyey ku dhawad  afar  weriye  oo jabhaddaasi  ka caawin jiray dhinaca borobagaandhada  oo qaarkood xukuumaddu cafis u fidisay

Casuumaddan oo isniintii   lagu qabtay Huteel Rays  ee Magaalada Boorama ayaa sidoo kale waxa kasoo qaybgalay odayaal  ,qurbajoog waxgarad ,iyo siyaasiyiin dhammantood kasoo  a wada jeeda  jufada ay kasoo wadaa jeedaan wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta mustafe Faarax  iyo maareeyaha hay’adda waddooyinka dalka SRA   . Qurbajooggan hadiyadaha iyo qado sharaftaba ku maamusay  xubnaha beeshaasi  ayaa u badnaa haween ku nool  qaaradda yurub iyo maraykanka lagu yaqaanno  fikirkooda  Soomaaliweyn iyo taakuleyntii Jabhaddii Wabar haatanna fasax ku jooga  dalka.

Qaybinta kamerooyinkan iyo qado sharaftan oo laga fogeeyey saxaafadda ka hawlgasha magaalada ,ayaa  guddoomiyaha ururka suxfiyiinta SOLJA ee G/awdal,Haashim Good ku tilmaamay wax an hore loo arag oo an looga baran guud ahaanba saxaafadda dalka,halka  isuduwaha warfaafinta gobolkuna ,Abokor caafi,tallaabadan ku sheegay mid ceeb ku ah saxaafadda   waxyeelana ku ah midnimadooda .

Suxufiyiinta la guddoonnsiiyey kamerooyinka,ayaa u badan kuwa shabakadaha  ama warbaahinta bulshada ku baahin dacaayadaha dagaalka jabhaddaasi,waxana qaarkood haatan gobolka wakiil uga yihiin Tvyada sateliteka  ah iyo warbaahinta maxalliga ah ee Boorama ka hawlgala.

si kastaba ha ahaatee  casuumaddan iyo hadyadahaan qurbajoogga qaar ka mid ah beelaha degaanka Boorama u  fidiyeen   qaybaha kala duwan ee kasoo jeeda jufada labadaa masuul ee xukuumdda ka  tirsan,ayaa dhinaca kale  axay xafladdani bdi qybaha kala duwan ee beelaha degaanka Boorama soo xusuusinaysaa kala qaybsanaantii ,iyo khilaafkii laga dhaxlay  dagaalkaasi kaasoo xitaa saameeyey ganacsatada beelahaasi kuwaasoo qaarkood qori caaradii lagu boobay hantidoodii ,waxayna dad badan oo ku nool magaaladu u qaateen in xafladdani ahayd mid  qurbajoogaasi ugu mahadcelinayeen  maleesiyo beeleedkii ka qayb qaatay dagaalkaasi niyadda loogu dhisayey  maleesiyo beeleedkii,taageerayaashii, iyo  siyaasiyiintii qurbajoogga beeshaasi  kula safnaa dagaalkaasi ,dibna loo xusuusunayey inaan weli dhammaanin waxay ugu yeedheen halgankii lagu baabiin lahaa soomaaliland .

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments