Aas–Aaskii Jabhadii Ugu Horaysay Ee Buuralayda Iyo Bada Cas (JBBC ).

Jabhada Buuralayda iyo Bada Cas JBBC , waxa ay ahayd jabhadii  ama maleeshiya beeleed kii ugu horeeyay   ay yeeshaan  beelaha  Gadabuursi,  gaar ahaan Beelaha Maxamed Case  sanadihii colaadu ay ka oog nayd goboladii Woqooyi. Ujeedka loo aas aasay jabhadani waxay ahayd    iska caabinta Qudhmista, ama xoogagii SNM ee soo galay gobolka Awdal bilaabayna  weeraro aanay u kala aabo yeelayn shacabka iyo ciidamadii dawlada. Hadaba maqaalkan waxa ay nu ku iftiiminaynaa sababihii dhaliyay jabhadaasi , hogaankii guud, iyo duruufihii wakhtigaasi adkaa ee la soo maray.

1988   xoogagii SNM waxa ay soogaleen gudaha dalka waxana ay   bilaabeen dagaalo dhuumaalaysi ah oo ay kula jireen ciidamadii xooga dalka ee  xukuumadii  dhexe ee Somaliy.  Cutubyo katirsan  SNM  ayaa u soo gudbay  buuralayda Woqooyiga Hargaysa, waxana ay  ciidamadii dawlada ku khasbeen in ay magaalooyinka waawayn ku ururaan. Arintaasi SNM  waxa ay siisay fursad ay dhulka baadiyayaasha fogfog gaalaa baxaan .

Markiiba  SNM   waxa ay bilaabeen weeraro in ay u gaystaan dadkii shicibka ahaa ee ku noolaa gobolka Awdal deegaano ka mid ah sida deegaanka u dhaxeeya bada iyo buurta. Xoogaga SNM si ay u helaan raashin iyo biyo waxa ay weeraro lama filaan ah ugaysteen dadkii deegaanadaasi ku noolaa .

Dadku badanaa bilawgii waxa ay layaabanaayeen sababta SNM ay usoo weerarayso  taasoo ahayd in ay SNM u arkayeen beelaha kale ee aan Isaaqa ahayn in ay taageersanaayeen dawlada maadaama aanay lahayn jabhado dawladii ina Siyaad ka soo horjeeda oo sida SNM dagaal kula jira. Halkaasi waxa ka bilaabmay iska hor imaado

Dadkii ku noolaa dhulkaasi waxa ay samaysteen Jabhado ka difaaca weerarada qudhmista oo badanaa  hantida  reeraha, sida xoolaha, beeraha, iyo dadku ba aanany ka badbaadijirin hadaan la iska caabiyin .

Khatartan cusub ee SNM, waxa  ay ka mid ahayd laba sababood oo gundhig u ahaa in jabhado qabiilo ahi in ay Woqooyiga Somaliya ka bilawdaan. Jabhadii ugu horaysay ee markaa samaysantay waxa ay ahayd JBBC wax yar uun kadib markii ay SNM soo galeen deegaanka buuralaydaha ee Caada iyo Cali-Xaydh oo ka tirsan Gobolka Awdal.

Ta labaad ee iyana suurtogalisay in jabhado hubaysani dhashaan wakhtigaasi waxa ay ahayd siyaasadii xukuumadii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare oo markaa iyadu gobolada Woqooyi ka bilawday barnaamijyo hubka dawlada shacabka gacanta loogu galinayo si qabiilada kuwada nool gobolada Woqooyi  colaad sokeeye loo dhexdhigo. Waxana markiiba bilowday falal xadgudubyo ah oo dadka reerbaadiyaha ah inta ay ciidamada dawladu weeraraan ay kadibna ku sheegi jireen in Qudhmistu ay weeraradaasi samaynayaan. Falalkaasi oo u badnaa dhac dil boob iwm. Talaabooyinkaasi waxa ay hirgaliyeen siyaasadii Xukuumadii Siyaad Bare  oo ahayd in beesha Isaaq ee SNM samaysatay loo arko cadow aan cidna bixinayn oo xabashi la socda.

Waxan xasuustaa markii ugu horaysay ee xoogag SNM ay dadka ku laayeen deegaanada Caada, Cali Xaydh iyo Waraqa dhigta waxa odayaashii beelaha Maxamed Case, ee ay ka mid ahaayeen, Shide Badmaax, Suldaan Cali Cilmi Barkhad Cumar X. Khayre, Xasan Cabdilaahi Geele  Cismaan Laangadhe iyo odayaal kale oo markaa magaalada Borama Joogay ayla kulmeen taliye gaaskii xukumijiray Gobolka Awdal, eela odahn jiray Cabdi-Casiis Codwayn waxana ay waydiiyeen sababta dadkan rayidka ee SNMtu laynayso  ay ciidamada dawladu u fiirsanayaan ee aanay uga badbaadinayn, waxuuna ugu soo jawaabay shicibku ha iska difaacaan.

Arintaasi waxa ay keentay in ay odayaashu go aan sadaan in la isku tashado oo aan dawlad danbe la isku halayn. Waxana ay markiiba abaabuleen dadkii iyaga oo dhaqaale ururis ka bilaabay magaalada Borama  isla markaana saraakiishii deegaanka ka soo jeeday ee ciidamada aqoonta u lahaaa la xiriiray, kuna qanciyay in ay dadkooda ka badbaadiyaan weeraradan SNM.

Sidaasi waxa  ku bilaabmay Jabhadaa buuralayda iyo bada Cas, (JBB) iyada oo  aas aaska gundhigeeda  ay lahaayeen  saraakiil ka soo jeeda beelaha Maxamed Case,oo ay ka mid ahaayeen colnel, Jaamac Dhegger, colnel Siciid Osman Duale iyo Colnel Sheikh Cismaan. Jabhadaasi waxa ay ka dagaalamaysay. Kabtan Xasan Deheeye, kabtan Qaasin Muuse iyo saraakiil kale.

jiray waxa ka mid ahaa in helida hubka culus ama tecknikada baabuurta saran ay aad u adkayd waayo xukuumada shaki wayn ayay ka qabeen Gadabuursiga  markaa  waxa ay ka baqayeen hadii hubka culusi uu shacabka gacanta u galo in ay iyagaba waxyeelo kazoo gaadhaa ama ay SNMtta ula galaan. Inkasta oo hubka fudud ee gacanta lagu qaato sida A.K 47, Faal  IWM markiiba markii ugu horaysay J.B.B C si fudud ayay ku heleen waayo ciidamada dawladii Siyaad Bare way iibin jireen hubka noocaas ah ee  hangarada dawlada yaala inkasta oo rasaasta ay bilaash ku bixin jireen  marka ay odayaashu saraakiisha dawlada ka codsadaan.

Dhinaca kale maadaama dhulka ay colaadu ka bilaabantay ay ahaayeen dhul aad u raf ah oo aan wado lahayn dhibaatooyinka ugu waynaa ee jabhadaaasi JBBC haystay waxa ay ahaayeen iyaga oo aan haysan gaadiid dhaawaca lagu qaado. Tusaale ahaan bishii Afraad 1989kii ayaa dagaal ba ani oo SNM iyo JBBC u dhexeeyay  ka dhacay deegaanka Caada, dhaawacii ayaa waxa la waayay gaadiid lagu sooqaado oo dhaktarka Borama Lagu keeno,waxana lasoo saaray Awr rati ah oo xidhiidh ah nasiib daro 16 nin oo dhaawac ah ayaa  8 Awr la soo saaray  3 qof oo kaliya ayaa Borama Soogadhay intii kale waxa ay u dhexda ugu  dhinteen dhiigbax waayo mudo badan ayay soo socdeen. Arintaasi si looga badbaado waxa  Ale ha u naxariistee Xasan Cabdilaahi oo ahaa mujaahid ficil badam kana soo jeeday beelaha Maxamed Case uu go aan saday in Baabuurta dawlada la dhoco waxana u suurto galay in habeen qudh 13 gaadhi oo nooca BG  ga looyaqaano ee ciidamada oo yaalay xerada horumarinta Beeraha ee magaalada Borama ay gacanta u soo galeeen JBBC kadib markii koox iskugu jirtay jabhada iyo dirawaliin ay u dhaceen xayndaabka  oo si xoogan ay ciidamadii dawlada ee milatarigu u ilaalinayeen, hawlgalkaasi oo loogu magacdaray HAWGALKII GEELE JIDGOO waxa uu noqday mid lagu guulaystay, waxaana uu soo afjaray baahidii gaadiid teckniko. Iyada  sedexdii sano ee uu dagaalku socdayba gaadiidkaasi ay ahaayeen hanti jabhadu ay leedahay oo markastaba gaashaaman jiida hore ee furintana ka hawlgala .

Dhinaca kale saraakiishii hogaankii jabhadaas waxyaabaha ugu dhibta badnaa ee soo wajahay  intii uu dagaalku socday waxa  ka mid ahaa hogaaminta  jabhada, waayo  ururinta dad rayid ah oo hub gacanta loo galiyay maamulidoodu waxfudud may ahayn, sobobtoo ah aqoontii, iyo disbiliinkkii askariga malahayn taasoo ku keenaysay saraakiisha in kala amar qaadashadu ay siday rabeen u fuliwaydo marmarka qaar.. Tusaale ahaan maalin maal maha kamid ah ayaa laba nin oo ka mid ahaa jabhadaasi waxa ay isku dayeenn in ay shidaal baabuurta gaashaaman ee furinta loogu talo galay ay ka iibsheen beeralay si ay ugu isticmaalaan mishiinada biyaha. Goordambe ayaa la ogaaday in shidaalkii ka maqanyahay saldhiga, iyada oo subixii danbeba   weerar ba an ay SNM tii ku soo qaaday saldhigii Jabhada oo markaasi ahaa jiida Caada, halkaa waxa khasaare ka dhashay in laba gaadhi oo gaashaaman laga qabsado jabhada. Waxa arintii aad uga biyo diiday kornal Siciid Cismaan Ducaale waxaanu ku amray in la toogto labadaasi nin oo Reer Maxamed Ahaa hase yeeshee Suldaan Cali Cilmi iyo odayaashii kale ee tolku waxa ay kornayka kula doodeen in manta aanay rag aan tooganio inaga go in balse si kale loo cicqaabo. Kornayl Siciid oo sharcigii milatariga ku dhegan wuxu ku xilfuray hadaan ragaasi la toogan in ay manta ugu danbaynayso isaga oo uu ka tegayo aaga sidaasi ayuuna kaga tegay aagii oo intii danbe taliskii qaybta lixiyo labaatanaad ee Hargaysa ayuu joogay mana iman aag danbe oo jabhada tolku ay joogaan .Balse saraakiishii kale ee ay ka mid ahaayeen Sheekh Cismaan iyo Kornayl Dhegjar ayaa iyagu sii joogay hogaanka JABHADA tan iyo gabagabadii dagaalka.

Sikasta ha ahaatee waxa xusid mudan in jabhadaasi ay si geesi nimo leh uga dagaalameen deegaano aad u kala fog iyada oo u quus gooyay in SNM ay ku nagaadaan deegaanada u dhexeeya Caada  iyo Lughaya,

 

LASOCO Qaybta Labaad

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments