XIL KA QAADISTII CALI XAAMUD JIBRIIL WAXAA KA DHASHAY IN SIYAASIYIIN IYO BULSHA-WEYNTA KALE EE MAXAMED CASE OO .TAAGEERO BALLAADHAN KULA SOO LAABTAY CABDIRAXMAAN SAYLICI.IYO XISBIGA KULMIYE BY PRO,AADAN DIIRIYE DIXOOD

XIL KA QAADISTII CALI XAAMUD JIBRIIL NASIIB-WANAAG WAXAA KA DHASHAY SIYAASIYIINTA IYO BULSHA-WEYNTA KALE EE MAXAMED CASE OO . BALLAADHAN KULA SOO LAABTAY CABDIRAXMAAN SAYLICI.X

RUNTU WAA KAMA RAYSE, DHAMMAAN BULSHADA MAXAMED CASE, SIQIIR IYO KABIIR, WAXAY WADA RUMAYSAN YIHIIN CALI XAAMUD INUU AHAA NIN FUDUD OO AAN XILKAS AHAYN OO SIDA DONALD TRUMKA MARAYKANKA EE DHINACA XISKA AAN KA FAYOOBAYN. WAXAANA LAGU XUSUUSAN DOONAA IN UU KA SHAQAYN JIREY SIDII UU U XUMAYN LAHAA XIDHIIDHKA SOKEEYE EE U DHEXEEYA MADAXWEYNE KUXIGEENKA SL,CABDIRAXMAAN SAYLICI IYO BULSHADA MAXAMED CASE IYO WELIBA SIDOO KALE SIDII MU’AAMARAAD IYO KHILAAF JOOGTA AH UU UGA DHEX ABUURI LAHAA BEELAHA MAXAMED CASE EE WALAALAHA DHEXDOODA.

SI KASTABA HA AHAATEE, BULSHA-WEYNTA MAXAMED CASE WAXAY SI BALLAADHAN OO AAN HORE LOO ARAG UGU FARAXSAN YIHIIN XIL KA QAADISTA CALI XAAMUD LAGU SAMEEYEY IYO NASIIB-WANAAG MAGCAABISTA WASIIR AXMED XAAJI DAAHIR CILMI LOO MAGCAABAY WASIIRKA CUSUB EE BEELAHA MAXAMED CASE.

UGU DAMBAYN, WASIIR AXMED XAAJI DAAHIR WAA WASIIR XILKAS AH OO MUG IYO MIISAAN KU DHEX LEH BEELAHA MAXAMED CASE EE UU MATALAYO  IYO GUUD AHAANBA BEELAHA KALE EE REER SOMALILAND, KUWAAS OO DHAMMAANTOOD KU WADA HAMBALYEYNAYA XILKA LOO IGMADAY, ISLA MARKAANA U WADA DUCAYNAYA IN UU ILAAHAY U FUDUDEEYO XIILKAAS.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments