MAGACAABISTA DEGMADA CALI_XAYDH EE GOBOLKA AWDAL WAXA AY KU TIMIDAY U HAGARBAXA IYO HOODADA MADAXWEYNE KUXIGEENKA SL SAYLICI!

Sida laga warqabo dhawaan ayaa degreeto uu ku magacaabay  madaxweyne Axmed Siranyo degmada Cali-Xaydh ee gobolka Awdal, taasi oo markii hore  ahayd tuulo ka tirsanayd degmada Baki. Waxa xusidmudan in madaxweyne kuxigeenka dalka mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil uu ku bixiyay   dadaal farabadan in degmo cusub loo magacaabo Cali-Xaydh, kadaib markii qurbajoogta beelaha deegaanka u dhalatay ay ka codsadeen in uu xukuumada  degmadaasi uga soo dhameeyo maa daama ay Cali-Xaydh ay tahay mid  u qalantay degmo. Waxtigaa oo ay manta ka soo wareegtay mudo ku dhow 2 sano waxa uu madaxweyne ku xigeenk geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu rabitaankaasi dadkiisa uga midho dhalin lahaa, nasiib wanaag wuu ku guulaystay dadaalkaa.. Waxa xaqiiqo ah in degmada ni madaexweyne ku xigeenka dalka md Saylici uu juhdi frabadan ku bixiyay isla markaana isaga hoodadiisa ay ku timiday manta

Waxa nasiib daro ah in in xubno  tiroyar oo ay ku jiraan xilsideyaal xukuumada ka tirsan, siyaasiyiin iyo xubno dhaqan ah oo beesha Bahabar Muuse ka mid ah  ay abaabulaan qorshayaal ay ku marin habaabinayaan beelweynta Bahabar-Muuse, oo ay damacsanyihiin in ay madaxweyne kuxigeenka nacayb u galiyaan beesha, isla markaaaasina guulaha siyaasadeed ee uu madaxweyne kuxigeenku leeyahay ay ka xasdaan.

 

Maxaayeelay guusha ayaaaba kun aabo leh oo qof kasta uu jecelyahay in isaga loo nisbeeyo halka ay guul darada qofqudha loo tiriyo. Waxa dhacda aalaaba in dadka qaar ay sheegtaan guulo aanay iyagu lahayn, halka ay dadka qaar kamid ahna marka ay ku adkaato ee ay u suurto gali waydo sheegashada guushu waxa ay isku dayaan in ay qofka leh guushaas ay ka duudsiyaan oo ay cidkale ku timaamaan .

Runtii dabciga aadamaha ayaa uu ka midyahay xasadku Waxa hadaba wax lala yaabo ah in xubno ka mid ah ragaasi  ay sheegtaan iyagu magacaabista CaliXaydh  halka  badhkoodna cidkal ay ku sheegeen  markii  degmada la magacaabay, kuwaa soo inkiraya dadaalka Mudane Saylici

 

Kooxdan waxa ay mudoba ku mashquulsanaayeen sidii ay beelweynta Bahabar Muuse taageeradeeda ugu jihayn lahaayeen xisbiga mucaaradka ee Wadani iyaga oo shirar qarsoodi ah la galay masuuliyiinta xisbigaasi Wadani kana doonay mansabyo balse masuuliyiinta Wadani ay aamini waayeen.

Markii uu mashruucaasi ka iibsamiwaayay ee beeshu ku gacan saydhay isla markaasina  ay ka warheleen in magacaabista degmada Cali-Xaydh ay soo dhowdahay waxa ay abaabuleen in ay la kulmaan wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi,.waxana ay u gudbiyeen cabashooyin riqiis ah oo ka dhan ah M/xigeenka, iyaga oo ka codsaday in uu madaxweynaha la kulansiiyo si ay degmo u waydiistaan in loo magacaabo . Balse waxa uu wasiirka madaxtooyadu ugu jawaabay in uu isagu wasiir  qalain lagu magacaabay uu yahay,  oo aanu lahayn awood uu madaxweyne kuxigeenka ugala hadlo cabashadooda. Kadibna waxa kale uu u sheegay oo uu kuwargaliyay in degmada ay rabaaan marhore uu madaxweyne kuxigeenku ula yimiday madaxweynaha haatana ay dhamaatay oo dhawaan lagu dhawaaqi doono miiskana ay saarantahay.

Sida hadaba ilowareedyo goobjoog ka ahaa kulankan ay tibaaxeen waxa wasiirka madaxtooyada layaab iyo fajac ku noqotay, sababta ay madaxweyne xigeenka ay isaga ugu dacwaynayaan ee ay u rabaan  in ay la kulmaan madaxweynaha,  waayo wali  muu arag xubno ka soo jeeda beelaha Maxamed Case ah oo ka dacwoonaysa madaxweyne ku xigeenka doonaya in ay madaxweynaha  u dhaafaan , sidaa darted waxa uu markaasi waydiiyay wasiirku ninmankaasi, sababta ay madaxweyne kuxigeenka ay ugu tegi waayeen maadaama uu yahay nin tolkood ah oo manta siyaasada Maxamed Case iyo tan Gadabuursi hogaaminaya, xaqna ay tahay in ay u daba fadhiistaan arinta isaga.

Waxana ay ku andacoodeen in  uu madaxweyne kuxigeenku beeshooda ku xunyahay.  Su aasha iswaydiinta lehi waxa ay tahay hadii waxa ay sheegayaan ay dhabyihiin muxuu madaxweyne ku xigeenku marka horaba dadaalka ugu galiyay  in deegaanka  degmo loo magacaabo Cali-Xaydh  markii fikirkaa ay qurbajoogta beeshu ula yimaadeen mudo hore mudane Saylici?

Sikasta ha ahaatee kulankii ay wasiirka la galeen wuxu ku dhamaaday najiijo la aan iyaga oo uu wasiirkuna hadalo duurxul ah iyo waano u soo jeediyay kooxdii uu ku tilmaamayo ragas in ay madaxweyne xxigeenkau aanu necbayn oo ay isaga la heshiiyaan ayna ku xidhmaaan. Markii ay su aalihii uu waydiiyay ay ay ku hafteen ee ay jawaabo u waayiin ayay kazoo baxeen shirka.

Arintaasi markii ay ku guuldaraysteen ee ay arkeen odayaal, aqoonyahano, saraakiil. Cuqaal iyo dhalinyaro ka soo jeeda Beelaha Bahabar-Muuse oo taageero xoogan siisay xisbiga Kulmiye isla markaana  uga mahad celiyay madaxweyne kuxigeenka  magacaabista degmadan, ayaya hadana abaabuleen in ay beeniyaan oo ay saxaafada la ahadlaan, waxana ay soo qorsheeyeen in uu u hadlo Muuse Carab oo awalba ahaa nin aan miisaan iyo sumcad toona beehsha ku dhexlahayn, maadaama ay kuwakale ay ka baqayaan in beeshu ay ku kacdo. Kadib Muuse Carab waxa uu 9/8/2017 uu qabtay shirjaraaid oo uu arintaasi ku marinhabaabinayo umada isaga oo dadaalkii iyo juhdigii uu madaxweyne ku xigeenku u galay degmadan qarinaya libintana siinaya cidkale.

Waxaan hadaba aan ku soo gabagabaynayaa qormadan Bahabar-Muusaay  Muuse waakaa! , Muusana waxan leeyahay oo aan u soo qaadanayaa baykan gabayga ah oo kamid ahaa maasadii Guba  ee Cali-dhuux Aadan,  (MAXAA LIBINTA DAAROOD LAHAA DABACAYUUN SIIYAY). !!! Waar maxaa guusha geesiga Maxamed Case ee ah Madaxweyne ku xigeenka Md Saylici aad uga xasdaysaa ee aad cidkale ugu magacaabaysaa  degmada Cali-Xaydh miyaanad ogayn in hoodadiisa iyo u hagarbaxiisa aanay ku iman degmadu oo aanay inoo magacaabin xukuumadii iyo xisbigii uu galay Saylici markii Badida beelaha Maxamed Case ay taageerayeen Daahir Rayaale ee ay UDUB la socdeen?. Fadlan qiimaha tolnimada garta.

Amaa diid Amaa Doon Saylici waa siyaasiga labaad ee lagu Xasuusan doono Degmo  in uu ka sameeyay dhul uu  Leedahay Maxamed Case, waxa hore degmooyin iyo gobolba loogu xasuustaa Ale ha u naxariistee Muuse Rabiile oo degmooyinka iyo gobolka Awdalba wakhtigiisii iyo xukuumadii uu ka midka ahaa ka soo gooyay.

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments