WARQAD FURAN,OO KU SOCOTA XUKUUMADA AHNA CABASHO KA DHAN AH DHULBOOBKA GUDOOMIYAHA JAAMACADA CAMUUD BY BARKHADMUXUMED DIIRIYE.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

DEEGAANKA DHAMMUUG Taariikh:                                        25/04/2017

 KU: GUD. GOLAHA DEEGAANKA =BOORAMA=

OG: GUD. GOBOLKA AWDAL =BOORAMA=

OG; MADAXWEYNHAHA JSL. 

OG: MADAXWEYNE KU XIGEENKA JSL

OG; WASIIRKA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA.

OG; WASIIRKA WASAARADA WAXBARASADA IYO TACLIINTA SARE

UJEEDO:      CABASHO KA DHAN AH DHULBOOBKA GUDOOMIYAHA JAAMACADA CAMUUD.

MUDANAYAAL, WAXAAN HALKAN SI SHARAF LEH IDIINKU SOO GUDBINAYNAA WARBIXIN TAXANA AH OO ISKEED ISKU FASIRAYSA OO AAN KAGA CABANAYNO GUDOOMIYAHA JAAMACADA CAMUUD PROF. SOULEIMAN AHMED GOULEID OO HAD IYO JEER NOOGU AWOOD SHEEGTA DHUL-BOOB JOOGTA AH OO UU NAGU HAYO INTII UU JAAMACADA JOOGAY OO DHAN.

JAAMACADA CAMUUD WAXA AY JUQRAAFI AHAAN KU TAALAA INTA U DHEXAYSA DOOXADA CAMUUD OO DHANKA BARIGA KAGA BEEGAN IYO DOOXA LOO YAQAANO ISHA COBOSHA OO GALBEED KA XIGA. DHULKAASINA WAA DHUL INTII LA DOONABA KU FILAN AMA KABA SII FARA BADAN JAAMACADA CAMUUD OO PROF. SOULEIMAN DEGTA KU SITO OO KOLBA JIHADA UU DOONO U DURKIYO. WALOW PROF. SOULEIMAN AHMED GOULEID OO AH GUDOOMIYAHA JAAMACADA CAMUUD UU YAHAY AQOON-YAHAN RUUG CADAA AH OO IXTIRAAM NAGA MUDAN, HADANA WAXA NOOGA MUUQATA OO AAN HALKAN KU XUSAYNAA IN UU KU TALAX-TAGAY DHUL-BOOB KA DHAN AH BEERALEYDAYADA DAN-YARTA AH EE KU HAREERAYSAN JAAMACADA CAMUUD, ISAGA OO KOLBA TA UU DOONO WEERARA UNA AWOOD SHEEGTA SI UU DHULKOODA UGALA WAREEGO. SIDAA AWGEED, PROF. SOULEIMAN WAXA UU MARAR BADAN OO HORE WEERARO DHUL-BOOB AH KU QAADAY ANAGA IYO DHOWR BEEROOD OO KALE OO KU HAREERAYSAN JAAMACADA CAMUUD OO AY KALA LAHAAN JIREEN (AHUN) GUDOOMIYE KU XIGEENKII HORE EE GOLAHA DEEGAANKA BOORAMA ODEY BARKHAD CUMAR XAAJI KHAYR, KANA MID AHAA ODEYAASHA BIRIMAGEYDA EE REER AWDAL, (AHUN) ODEY CAARE AAMIN, IYO (AHUN) ODEY BARKHAD ADAN. MAANTANA, PROF. SOULEIMAN WEERAR KALE OO DHUL-BOOB AH OO KUWAA LA MID AH AYUU MARKII AFRAAD KU SOO QAADAY DHUL-BEEREEDKAYAGA KU YAALA DEEGAANKA DHAMMUUG OO DHANKA GALBEED UGA SII TALAABSAN DOOXA ISHA COBOSHA EE JAAMACADA CAMUUD AY DHANKA BARIGA KAGA TAALO. DOOXAASINA, SIDA KU CAD KHARIIDADA DHUL-BEEREEDKAYAGA WAXA UU KA MARAA DHANKA BARIGA. ISKU SOO WADA DUUBOO, WAXAA LAMA ARAG IYO LAMA MAQAL NAGU NOQOTAY MARKAAN DAMACNO IN AAN JEEXANO MEELO KA MID AH DHULKAYAGA OO NOO CABIRAN OO SHARCIGOODII NOO DHAN YAHAY OO XATAA WARQADII JEEXAITAANKU AY KU JIRTO, AYAA HADANA WAXA NA SOO DUL ISTAAGA BILAYS SOULEIMAN KALAHAYA OO SHAQADA JOOJIYA LEH, KUWAAS OO MARKA AAN KU NIDHAAHNO WAAR SIDAY WAX U JIRAANA NOOGU JAWAABA PROF. SOULEIMAN AYAA HA LA JOOJIYO NAGU YIDHI. ANAGUNA WAXAAN INTAA DHOWRNAA NABADGELYADA OO AAN LEXJECLO KA QABNO. HADABA MUDANAYAAL, WAXAAN SI NAXARIIS IYO CADAALADI KU DHEEHAN TAHAY AAN IDIINKA CODSANAYNAA IN DHIBAATADA IYO DHUL-BOOBKA JOOGTADA AH EE PROF. SOULEIMAN UU NOOGU AWOOD SHEEGANAYO AAD NAGA DAW MARISAAN. WA BILAAHI TOWFIIQ. BARKHAD MUXUMED DIIRIYE. .

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments