Maxaad Ka Taqaanaa Siyaasiyiinta Sacad Muuse Ee Aaminsan In Beeshoodu Aaanay Gayin Madaxweyne?

.Baryahan waxa isa soo taraya siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha SACAD- MUUSE ee  si xun u fekeraysa oo ku biiraya xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, ragaasi waxa ay yihiin kuwo aaminsan in SACAD-MUUSE aan Maxadeweyne noqon karayn. Ragaasi waxa ka mid ah Ex wasiir Abiib Timacad, Axmed Jaambiir Suldaan, Cabdilaahi Ciro iyo rag kale waxaanay u tafa xaydan yihiin sidii ay xisbiga kulmiye ee uu hogaamiyo Mujaahid Muuse Biixi tartanka doorashada looga guulaysan lahaa, markaana ay wasiiro uga heli lahaayeen Wadani.

Run ahaantii  dalka Somaliland siyaasadu waxa ay ku dhisan tahay hab beelo ah oo madaxda lagu doortaa. Wali taariikhda laguma hayo siyaasiyiin culus oo ka soo jeeda beesha C/ Raxmaan Ciro oo ku biiraya KULMIYE waayo waxa ay aaminsanyihiin in beeshoodu ay xaq u leedahay Madaxweyne nimo, taasi oo ka dhigtay in ay taageeradooda la dhinac joogsadaan musharaxa beeshooda.

Dhanka kale waxa nasiib daro ah halka siyaasiyiintan beesha  Muuse Biixi ay aaminsanyihiin in aanay beeshoodu u qalmin madaxweyne. Arintani waxa ay i xusuusisay sanadkii 2003 dii markii madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay in uu u tartami doono jagada madaxweyne nimo, waxa dad badan  badan oo ka soo jeeda beeshiisu ay aaminsanaayeen in aanay beesha Rayaale gayin madaxweyne nimo waxana ay u arkayeen in uu gurcud gudayo. Hase yeeshee waxa ilaahay qadaray in uu 80 cod kaga badiyay Siranyo.

Saadaasha guud ee siyaasada dalka iyo xogaha  laga hayo isdiiwaan galintii ka dhacday dalka  ee muwaadiniinta lagu siinayay kaadhka codbixinta, waxa ay tilmaamayaan sida loogu kala guulaysan doono tartanka madaxtinimada ee dhawaan la filayo.

 

 

Maantana waxa muuqata in uu Mujaahid Muuse Biixi ku guulaysan doono tartanka madaxtinimada ee dhawaan la filayo taasina ay u quus goyn doonto ragaasi saluugay tolkood.

 

Run ahaantii  manta doorashadu way ka duwantahay  sidii hore . Waayo waxa jirta hab casri ah oo muwaadinku uu hal cod kaliya bixinayo. Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa in lagu noqnoqdo codaynta. Sidaadarteed waxa kaliya codaynaya dadka kunool dalka gudihiisa oo qudha  mana dhacayso in dad wadamada jaarka ah laga keeno .Maadaama qolo kastaa ay codka siinayaan musharaxooda,  Muusebiixi waxa uu ka soo jeedaa beelaha Somaliland ugu badan ee kunool waliba dalka gudihiisa waxaana uu taageero ka haystaa beelaha kale ee dalka degan Sida Maxamed Case iyo Habar cafaan  halka Cabdiraxmaan Ciro  beeshiisa iyo beelaha kale ee ay xulafada yihiin  Sida Beesha Makaahiil ay u badanyihiin dadka degan  Itobiya. Isla markaasina Faysal Caliwaraabe oo ay Ciro isku raas yihiin isaga laftiisu uu yahay musharax coddoonaya, taasi oo wiiqaysa taageeradii uu ciro ka helilahaa Beesha Garxajis.

Isku soo wada duuboo waxa ay u muuqdaan ragaasi in ay guuldarada caadaysteen.

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments