Saylici Wuxuu Ku Guulaystay In G/Xigeenka Kowaad Ee Barlamanku Noqdo Nin Ka Soo Jeeda Awdal Laakiin Maxamed Cali Ma Awoodaa in Uu Xisbigiisa Ku Qanciyo Jagadii Axmed Muumin Sead Uu Baneeyay In Xubin Reer Awdal Ah Laga Dhigo ama Loo Doorto?

Tan iyo markii xisbiga talada haya ee KULMIYE la wareegay  xukunka  waxa isa soo tarayay mansabyada siyaasadeed iyo korodhka saamiga dadka reer Awdal ay ku leeyihiin xukuumada Somaliland,  marka loo eegoxukuumadihii hore. Tusaale ahaan wakhtigii M/ M. X Cigaal  mansabka ugu wayni waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeen iyo sedex wasiir, wakhtigii Rayaalena inkastoo markaa madaxweyne ay reer Awdal gaadheen hadan saamiga kale ee xukuumadu waxa uu ahaa mid aad u hooseeya oo sedexwasiir oo kaliya ayaana jiray, maantase  reer Awdal waxa ay leeyihiin inkabadan 6 wasiir, 4 wasiir kuxigeen ,  xisaabiyaha guud ee qaranka , iyo  3 agaasime guud, gudoomiyaha hayada shaqaalaha,  genenka ilaalada Jeelasha, iyo gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamanka. Korodhkaasi mansabyadaasi ee reer Awdal waxa ay ku yimaadeen marka koowaad doonista Ale marka labaadna waxa ay ku yimaadeen hogaaminta iyo siyaasad wanaaga mudane Saylici.

Sida la ogyahay gudoomiye xigeenka koowaad ee Baarlamanka Somaliland waxa manta loo doortay cod aqlabiyad ah Xil. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka soo jeeda Awdal. Hadaba  hore ayaa loo yidhi guushu kun aabo ayay leedahay guuldaraduna hal aabo kaliya,  inkasta oo kolay dad badani ay sheegan doonaan guusha Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, laakiin runtu isma qariso nin kastaana doorka uu ku lahaa taariikhda ayaa qortay. Guusha xil. Axmed Yaassin ee manta waxa aabo ka ah madaxweyne kuxigeenka dalka mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaaciil Saylici.

Waa marka koowaade Sayli waxa uu u guntaday hawlgalkii kaambaynka ee xildhibaanada  golaha wakiilada.  Wuxu ugu horayn ka reebay musharixiintii kale ee u tartamayay booskaasi ee ahaa , xildhibaanada gobolka Awdal, sida xil. Xasan Karaamo iyo ragii kale ee damaca kursigaasi uu ku jiray.

Waxa xusid mudan in markii  khilaafka Baarlamaanku socday xildhibaano badan oo ka soo jeeda gobolka Awdal ay ka soo horjeesteen xisbiga KULMIYE iyo xukkuumada, iyaga oo sababo kala gadisan  talaabadaasi u qaadayay, wakhtigaa mudane Saylici wuu ka gaabsaday isaga oo aan markaa la hubin in uu ujeedo siyaasadeed uga muquurtay.

Run ahaantii mudadii khilaafka baarlamanku socday mudane Saylici waxa uu markasta ahaa nin u muuqday in uu hadaf siyaasi oo qotadheer ka sha qaynayay dadka qaar ayaa iswaydiinayay muxuu Saylici hawshan Baarlamanka ka taagan uga dhexmuuqan laayahay oo xildhibaanada faragalin ugu samayn laayahay,runtii cidna may fahamsanayn markaasi balse manta waxa la ogaaday in uu waxbadan ugu dhawrayay oo uu u dhiganayay kaambaynka Axmed Yaasiin ee  gudoomiye ku xigeenka 1aad oo maaanta uu ku guulaystay, waayo hadaanad qof xumyn qof ma wanaajin kartid markaa haduu  Saylici marka hore la safan lahaa Baashe manta arinta xil.Axmed Yaasiin kuma uu guulaysteen.

Madaxweyne ku xigeenka isaga ayaa bilaabay kaambaynka uu xildhibaan Axmed Yaasiin ku soo baxay gudoomiye ku xigeenka 1aad  maanta. Intii uu hawshaasi ku jiray waxa uu kulamo kala duwan la qaatay, xildhibaanada kale ee golaha wakiilada ee iyagu jagadaasi u tartamayay, ama rabay in ay cod kooda siiyaan musharaxiinta kale ee ka tartamayay golaha, waxaanu midkasta tusiyay sida ay manta ugu haboontahay in xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka soo jeeda beelaha gobolka Awdal loogu doorto in uu nooqdo gudoomiye xigeenka koowaad. Maadaama oo Beesha Dhex ay leedahay Madaxweynaha dalka Gudoomiyaha golaha guurtida , gudoomiyaha maxkamada Sare ee Dalka.

Hadaba xaqiiqdu waxa ay tahay in madaxweyne ku xigeenka dalka SL md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu yahay nika loo tirinayo in xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka soo jeeda Awdal uu noqdo gudoomye xigeenka koowaad ee aqalka baarlamanka Somaliland markii ugu horaysay taariikhda siyaada dadka gobolada galbeedka. Waayo Saylici wuu u hagarbaxay hawshaas waxana ay ku timiday oo Ilaahay qadaray, mudadii uu hogaaminayay siyaasada reer Awdal Saylici lamina inkiri karo in hoodada Saylici uu xil.Axmed Yasina kunoqday gudoomiye xigeenka koowaad ee baarlamanka.

Suaasha hadaba mudan in la iswaydiiyo waxa ay tahay musharaxa madaxweyne ku xigeen ee WADANI ma ku qancin karaa in gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbigaasi wadani oo uu baneeyay siyaasi Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda reer Awdal laga dhigo xubin ka soo jeeda Awdal?. Jawaabta waxan u dhaafayaa dadka

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments