20 Qof Oo Ganacsato Jaad Layaal Ah Una Badan Reer Awdal Oo Oromada Beeralayda Qaadku Gawraceen

Uguyaraan 20 ruux ayaa lagulaayay deegaanka Oromada ee dalkaasi Ethiopia maalintii shalay dadkaasi oo dhaantood ka ganacsanjiray  maandooriyaha qaadka ayaa lagu dilay majooyinka beeraha lagu xagaafo.

Kacdoonka qoomiyada Oromada ayaa saameeyay deegaanada kililka Afraad ee ay qomiyada Oramiya ay degaan waxaana dadkaasi la laayay ay 13 ka mid ahi ka soo jeedaan deegaanka Gobolka Awdal.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya.

Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.

 

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments