Midawga Yurub Oo Sare U Qaaday Jawaab Celinta Duufaanta Irma.

Dalalka Yurub ayaa sare u qaadaya dadaallada gargaarka ee ay gaarsiinayaa deegaamadooda ku yaalla Caribbean-ka, ee ay burburisay duufaanta Irma, iyada oo bartanka lagaga jiro eedaymaha loo soo jeedinayo ee ku aadan sida ay uga jawaabeen.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo booqanaya jasiiradaha Faransiiska ee ay sida buuxda ugu dhuftatay duufaantu ayaa sheegay in diyaarado ay keenayaan gargaar dheeri ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa tagaya gobolkaas, halka boqorka Netherlands uu socod kaga marayo jasiiradahooda.

Dufaanta Irma ayaa dishay 23 ruux oo saddex daas dal u dhashay kuwaas oo ku sugnaa dhulkaas ay ku leeyihiin meelaha ka baxsan xuduudaha dalalkooda.

Dadka ay dhibaatadu soo gaartay waxaa ka mid ah 10 ruux oo ku dhintay jasiiradda Faransiiska ee St Barts iyo qaybta ay Faransiisku lee yihiin ee jasiiradda St Martin taas oo ay wadaagaan dalka Netherlands.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments