10 Sababood Oo Raila Odhinga Uga Hadhayo Tartanka Doorashada Kenya Ee Lagu Noqonayo

Is beheysiga mucaaradka Kenya ee loo yaqaano NASA ayaa sheegay in uu ka haray doorashada la filayo in la qabto 26-ka bishan.

Hadaba kooxda Raila ayaa cuskatay qodobo badan, balse 10 ka mid ah ayaan halkan ku soo koobeynaa:

“Dalabka xuriyad labaad”

Raila Odinga ayaa sheegay in ka dib halgankii 1992-dii, ay markale dalbanayeen madaxbannaani labaad oo ka dhacday Kenya.

Horraantii sagaashamaadkii waa xilligii Kenya uu ka dhaqan galay sharciga axsaabta badan ee siyaasadeed.

Doorashadii lixaad ee la qabtay ka dib xilligaas ayey ku andacoonayaan in si qalad loo maareeyay, waana sida maxkamadda ugu sareysa Kenya ay sheegtay.

“Markii ay tirinta codadka billaabatay waxaa la qalday natiijada. Wax kastoo qalad ah, waa qalad,” ayey ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Doorashadii 8-dii Augusta waxay ahayd tii ugu horeysay ee abid maxkamad ay laasho, qaaradda Afrika. Waxayna ahayd middi afaraad, caalamka oo dhan.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments