Saxaafadda iyo Ololayaasha Doorashooyinka W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Ka Wertebinta Ololaha

Waxa sabtida oo socota bilaabmi doona ololihii doorashada Soomaalilaan, warbaahinta Soomaalilaana waxa ay ku jirtaa diyaargarwogii ay kaga soo warrami lahayd ololaha, taasi ayaa keentay in aan qoraal kooban ku xusuusiyo warbaahinta ka warrimida ololaha. Warbixinnada iyo ka-soo-xogwarranka ololaha doorashooyinku waa shaqo adag oo mar kasta hortaalla suxufiga, loogana baahan yahay inuu si taxadir leh isaga ilaaliyo wuxuu soo tebiyaanyo. Dadweynuhu waxa ay isha iyo dhegtaba ku hayaan xogta ay soo gudbiynayaan suxufiyiintu si ay go’aan uga gaadhaan cida ay codka siinayaan. Bulshooyinka caalamka waxa hagta saxaafadda oo si joogto ah wax uga beddesha siday u fikirayaan iyo go’aannada masiiriga ah ee ay gaadhayaan. Arrimahaasi waa sababta suxufiyiinta loo leeyahay xogtiina isku dheelitira (Facts and figures).

Waxa la yidhi Soomaaliya waxa adduunka baray hogaamiyihii Jeranaal Caydiid ee la dagaalamayey ciidamadii huwanta ahaa ee Soomaaliya soo galay dabayaaqadii sannadkii 1992 iyo diyaaradii Maraykanku lahaa ee la odhan jiray “ Black Hawk” ee ay soo rideen jabhadii Jeneraal Caydiid ee USC/SNA. Markii labadaa dhacdo ay Maraykanka kala kulmeen Soomaaliya ayey warbaahintii caalamigi ahayd qaadaa dhigtay sidaasay ayaa Soomaaliyaa adduunka oo dhan ay caan uga noqotay. Haddii aynu u soo noqono ka warramida ololayaasha waxa loo marayaa qoddobadan hoose:

= Waa inuu suxufigu hubiyaa in aanu qayb ka ahayn ololaha, isaga oo ilaalinaaya dareenkiisa, caadifadiisa iyo muuqaalkiisaba. Weligaa yaan lagu soo dhexmarin, bulshadu way kugu fahmaysaa inaad dhinac la jirtid. Warbixintaaduna dhexdhexaad tahay iskuna dheelitiran tahay.

= Weligaa yaan lagagu arkin astaan xisbi ama calan xisbi waayo waxaad u muuqanaysaa inaad ka tirsan tahay, ha ka yeelin taageerayaasha xisbiyadu inay calankooda ku huwiyaan markaad taagan tahay fakaarayaasha ay ka socdaa isu-soo-baxyadu. Si ilbaxnnimo leh ugu muuji inaad dhex u tahay kuwa tartamaya

= Waa inuu suxufigu adeegsadaa erayo iyo luuqad dhexdhexaad ah oo u cuntamaysa dhinacyada ku loollamaya kursiga. Iska jir adeegsiga erayada hadhow ay su’aalo aanad ka jawaabi Karin kaaga imanayaan sida, hogaamiyihii ugu miisaanka cuslaa, musharaxaha ugu taageerada badan dalka, hogaamiyaha dhaartu u hadhsan tahay, siyaasiga ugu khibrada badan kuwa tartamaya, musharaxaha cododka ugu badan halkan ka heli doona IWM. Dhammaan hadalladaasi waa qaar xag-jir ah oo aan dhex ahayn, waana luuqada ay ku hadlaan taageerayaasha kuwa tartamayaa.

= Waa inuu suxufigu hubsadaa inuu baadhis ku sameeyey waayaha-nololeed iyo aqooneed ee musharaxiintu leeyihiin, si aanay u dhicin in qaar la siiyo baahin dheerad ah oo aanay xaq u lahayn (Bias Information).

= Waa in aanu suxufigu isku dayin inuu raad ku yeesho siday dadku u codeyn doonaan wakhtiga doorashada, taasi maaha shaqada suxufiga, waa shaqada falanqeeyayaasha. Bulshadu waxa ay saxaafadda uga baahan tahay sawir cad oo aan dhanba u xaglinayn oo ku saabsan arrimaha dhacaya iyo musharaxiinta. Suxufiyiinta Soomaalida qaarkood waxa aad moodaa in aanay dareensanayn inay jiraan dad ugu aqoon badan saxaafadda iyo aqoonta guud oo waxa ka dhaadhacsan waxaad tahay ka keliya ee aan waxba looga sheegi Karin aqoonta saxaafadda iyo aqoonta guud, taasi waa jaahilnnimo aan geed loogu soo gabban.

Warbixintaada waxa goobta ku dhegaysanaya, ku daawanaya ama ku akhrisanaya min Professor ilaa qof aan magaciisa qori Karin, markaa haddii kana an magaciisa qorin Karin kaa qaato dhammaan waxaad shubayso, ogow kan Professor-ka ahi wuxuu kugu soo qaban doonaa wixii aad khaladay, weliba si cilmiyeysan ayuu bakhtiga kaaga dhigi karaa.

= Dhammaan barnmaamijyada iyo wararku waa inay xilliga ololaha helaan feejignaan dheeraad ah oo ku saabsan inay sax yihiin iskuna dheelitiran yihiin. Habeen kasta malaayiin dad ah ayaa horfadhiya Tilifiishanada Soomaalida oo daawanaya wararkii ugu dambeeyey ee ololaha iyo hadallada musharaxiinta, markaa halkaasi ayuu ku jiraa taxadirku.

= Waa inuu suxufigu ka feejignaadaa wixii keeni kara, kicin, caadifad, qabyaalad iyo colaad marka laga hadlayo arrimaha lagu mursan yahay ee lagu kale aragti duwan yahay (Different Ideology).

= Waa inuu suxufigu toos u soo xigtaa hadallada mihiimka ah ee musharaxiinta ee aanu isagu ka turjumin ee uu dadweynaha maqashiiyaa hadalka musharaxaha ee asalka ah (Primary Source). Haddii suxufigu hadalka musharaxaha aanu toos u soo xigan wuxuu u eekaanayaa inuu afhayeen u yahay musharaxaha.

= Waa inuu suxufigu dhawro oo uu ilaaliyo ballanqaadyada uu galo ee ku saabsan qarinta ilaha xogta, marka ay jiraan sababo loo garaabi karo. Haddii kale waa inuu shaaciyaa.

= Waa in aanu suxufigu dhalan-rogin muuqaalada iyo sawirada taageerayaasha musharaxiinta, isaga oo ka dhigaya inay musharaxaha u soo baxeen taageerayaal baaxad lehi. Arrintani waa mid wakhtigan dhibaato weyn ku haysa warbaahinta caalamka maadaamo oo tiknooljiyadi casri marayso. Wakhtiyadii ay socdeen kacdoonkii Carabta ee loogu wanqaly gu’gii Carabta (Arab Spring), ayaa aad loogu cannaantay Tilifiishanka Al- Jazeera ee fadhigiisu yahay Qadar inuu dhalan-rogay muuqaallo dad ka qayb qaadanayey gu’gii carabta, oo uu ka dhigay dadyow fara badan.

= Soo gudbinta xigmadaha iyo maahmaahyada ay adeegsanayaa musharaxiintu waa mihiim, oo doorashada ayey xiiso u yeelaysaa. Wakhtiyadii lagu jiray dagaalkii xudduudaha ee Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray sannadkii 1964, ayey ku soo beegan tahay doorashadii Baarlamaanka markaasuu Raysal wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke yidhi hadal xigmadaysan oo ahaa” Gacanta midigna qoriga ayaanu ku ridi, gacanta bidixdana codka ayaanu ku ridi”.

= Waa inuu suxufigu dammaanad qaado xaqa-u-lahaanshaha jawaab-celinta musharaxiinta iyo axsaabta siyaasadda. Haddii mid la duray, ka kale waa in fursad loo siiyo inuu ka hadlo (Fair Balance).

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments