Koox Sharwadeyaal Xisbiga WADANI Ah Oo Rabay In Ay Khalkhaliyaan Goobaha Codbixinta Borama Oo Fashilmay

Koox dhalinyaro sharwadayaal ah oo ay soo abaabuleen xisbiga mucaaridka ah ee WADANI  ayaa habeen kii xalayto soo gaadhay magaalada Borama . Koodan oo laga soo qaaday magaalada Hargaysa waxa ay tiradoodu dhanayd sodomeeye iskugu jiray  gabdho iyo wiilal waxana ay ujeedada ay u yimaadeen magaalada Borama ay ahayd sidii ay u khal khalin lahaayeen goobaha codbixintu ay ka socoto ee magaalada Borama.

Ugu horayn markii ay soo galeen magaalada Borama waxa ay la soo xidhiidheen qaar ka tirsan hawlwadeenada xisbiga KULMIYE waxana ay u sheegeen in ay marwada madaxweyne ku xigeenka ay doonayaan in ay la kulmaan iyaga oo sheegayna in ay ku soo abaabushay   xaaska Muuse Biixi si ay ugu codeeyaan xisbiga KULMIYE maadaama ay sheegeen in ay markii hore ay karaka codbixinta Borama ka qaateen.

Intaa kadib hawlwadeenada xisbiga KULMIYE oo arintaasi rumaystay  ayaa sooryeeyay waxa ay dajiyeen  inamadii kooxdaasi guri hore ugu kiraysnaa xisbiga KULMIYE  isla markaana gabdhihii lasocday ooh ore u sheegtay in ay magaalada qaraabo ku leeyihiina waxa loo fududeeyay sidii ay u helilahaayeen.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa  beentaada hore runtaada danbay dishaa, isla habeenkii xalayba waxa ay hawlwadeenadii xisbigu ogaadeen in aanay xaqiiqdu ahayn sida ay u sheegeen  si ay u hubsadaana waxa ay waydiiyeen dhalinyaradii in ay tusaan kaadhadhka codbixinta  nasiib daro halqof oo kaadhsitaaba kuma jiro waxana cadaatay in dhalinyaradan meelkale laga soo abaabulay  shakikaasi waxa uu dhaliyay dareen, waxana bilaabmay baadhitaan la xidhiidha arintan kaasi  oo ilaa hada xogaha aanu ka helnay ay tibaaxayaan in ujeedada dhalinyaradani ay ahayd in goobaha codbixinta ee xisbiga KULMIYE ay ku horeeyaan  ay khalkhaliyaan.

Iskusoo wadaduub  tan iyo intii ay bilaabmeen ololaha doorashooyinka Somaliland waxa muuqanaya  abaabulada qorshaysan ee  xisbiga WADANI  ay samaynayaan kuwaasi oo ay ka midyihiin kicinta bulshada  rabshado, kuwaasi oo ay uga gol leeyihiin in ay ku khalkhaliyaan habsami u socdka doorashad, taasi oo astaan u ah cabsida xisbiga WADANI ka haysata  natiijada doorashad

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments