Taliska Ciidamada Asluubta oo soo saaray Amar iyo digniin.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa soo saaray amar iyo digniin ah in aan la dhisan karin dhul ay leeyihiin Ciidamada Asluubta.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan dad doonaya inay hantidooda ku lumiyaan dhulka danta guud ee ay leeyihiin ciidanka Asluubta.

Waxaa uu ugu baaqay inay ka waantoobaan dadka doonaya inay dhistaan dhulka Ciidanka Asluubta, maadaama dhulka uu yahay mid ay u baahan yihiin Ciidamada Asluubta, isla markaana la doonayo in lagu Xanaaneeyo maxaabiista Soomaaliyeed darteed aan la dhisankarin dhulalkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in horay digniin uga soo saareen shaqsiyaad ku howlan dhisida dhul ciidamada Asluubta ku leeyihiin agagaarka Isbitaalka Keysaney ee duleedka degmada Kaaraan.

Muddooyinkii ugu dambeyeey ayaa waxaa jirtay dad isku dayay in ay dhistaan dhulka danta guud oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya, waxaana dhowaan dad badan laga saaray dhul ay si sharci daro ah ku dhisteen.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments