Maxaad ka ogtahay hab-dhaqanka maayarka boorame ee dhawr wariye oo uu xidhay

Ma aha wax ku cusub Boorame in wariye daaha ka rogay xog musuq oo masuuliyiin ay shuuqsanaysay la xidho, balse waxa wax nadira ah sida uu ula dhaqamay Maayar Maydhanaha Boorame oo loo xidhay wariye Bili-bili oo uu ka dacwooday.
Bal dib u fiiri habdhaqanka maayarka boorame Maxamed xuseen ee ay taariiqdu qortay intii uu xilka hayay oo ay wariyayaal dhawr ah isku dhaceen, waxana ka qoreen

Wariye Hoori Axmed Hoori isaga oo isticmaalaya shabakad warbaahineed waxa uu baahiyay warar ku lidi ah qaranimada Somaliland, meel ka dhacna ku ahaa Madax sare, waxana markii ay xidheen masuuliyiinta amnigu uu Wariye Hoori Xidhnaa mudo kooban oo aan ka badnayan 30 daqiiqo, waxana soo damiintay maayarka oo indhaha iska qabtay dambiga qaran dumiska ah ee uu faraha kula jiray wariye Hoori.

Tan kale ee jirta waxa ay ahayn in warar dhinaca musuqa ah oo maayarka boorame lala xidhiidhinayay oo ay daabacday shabakad waxana uu maayarku si uu uga baajiyo wariye cabdicasiska shabakadaas xadhig la xasuusan yahay in gurigiisa uu ugu tagay, arintana uu fadhi iyo barje ku dhameeyay, guno jiibkiisa ahna u bilaabay wariyahaas.

Arinta Wariye bilibili maayarku waxa uu u galay si ka duwan sidii kuwaas hore, xeerbeegti dhaqan iyo masuuliyiin dawladeed oo ergo ugu tagay waxa uu yidhi la ima yidhaa, sidoo kale waxa uu amray in aanay wariyeyaashu u galin wariye bilibili, oo xitaa waxa la diiday in ay qoyskisu soo booqdaan, waxa lagu xidhay qol gooni ah, waxana loola dhaqmay sidii qof dagar qabe ah oo kale, waxana intan ka sii daran in uu ku goodiyay maayaku in aanan la damiinan oo qol madoow lagu rido.

Si kastaba ha ahaatee Maxkamadaynta wariye bilibili ee maalinta sabtida ah uu u qabtay in ay dhacdo maayarka sharciyadii gobolka iyo tii degmadaba gacanta ku haytaa ma noqon doonto mid baajisa in runta la sheego laguna adimo masuuliyiinta musuqmaasuqa caadaysay

Arimahaas isku darsamay oo dhan ayaa muujinaya wajiga kale ee uu leeyahay maayarku kaasi oo la tilmaami karo in uu halgan ugu jiro inuu midhomidhaysto wariyayaashii guusha u horseeday kulmiye ee gobolka awdal oo gacanta ku hayo soo bandhiga baadhitaano dhamaytiran oo soo faqaya sababihii koonay in maayarku uu cod ka keeni waayo degaankii uu ka soo jeeday ee Qulujeed iyo xaafada xaaslayda ee boorame

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments