MA GOOBAHAA DELDELAN MISE DAWLADA DARDARAN? SIYAASI ABDISHAKUR GANDE.

Lixda deegaan ee kala ah (Ceel-sheekh, Ceel-lahelay, Cabdi geedi, Hulka, Damasha iyo Bildhaanley) oo ah 6 goobood oo midwaliba leedahay 3 goobood diwaan -galin wadarta guud 18 goobood diwaan-galin waxaana iska diwaangalin kara tiro xadlahayn oo kabadan karta tii 6da gobolee somalilan iska diwaan galisay iyo hadba inita loohelo waayo ma xadidmi karto tiraduye waa hadba inta dad iska diwaangalin galisa. Hadaba sidii xuduudaha taariikhiga ahi ahaayeen kahor midnimadii waqooyi & koonfurta ee somaliya wixii kahoreeyay 1960kii ingirisku udhigay somalilan laguna dhaqmayay mudadii gumaysiga iyo 30kii sanee somalilan ahayd waqoyiga somalia, wixii kadanbeeyay 1990kii markay somalilan dib ugasoo go’day somaliya kuna xardhan dastuurka qaranka somalilan qodabka 7aad firqooyinka xududaha gobalada dalka oo kudhisan 6dii degme somalilan, Sidokale sida kucad xeer number 23 ismaamulka gobolada iyo degmooyinka. Go’aanka gudigii wasarada arimaha gudaha u qaabilsana kalaxadaynta xududaha gobaladu ku gaadheen 1998kii:- Saamiga xilalka golaha wakiilada gobalada hadii aad leedihiin ha lagu qaybiyo sidii xuduudihii degmooyinka ingiriiska maxaa inoo diiday in degmooyinka iyo deegaanada loodaayo xuduudihii ingiriiska?. Intaba waxa kucad in 6da degmee lughaya lagaga muransanyahay ka tirsan yihiin degmada lughaya ee gobalka awdal. Hadaba hadii la xumaynayn waa in halkaa sideeda la hoosgeyo degmada lughayee ka tirsanayeen kana qabsoonto diwaangalin ay muwaadiniinta deeganadaase xaqa uleh inay wax doortaan iyagana la doorto uga qaybqaatan dorashada. Haday ceel Walwaaleed Ku go’aan wadaamuhu Waan waani dhacantee Wadnahaan far ku hayaa…. #Xigasho Abwaan ???????. Iyaguun fariido ma aha inaguna nacasiin uun ma nihin, balse iyagu waxay caawiyaan kooda fashilmay ilaa intuu guulaysanayo… inaguna waxan la dagalana keena guulaysta ilaa intuu ka fashilmayo. Ree awdal waxa kamaqan waxa dadka somlilnd ka wada maqan waana cadaalad, waana waxay somlilan katisqadi laadahay cadaalad darradu. Haddaan Han Yaraan Lahaa Kor Baa La Ii Hayn Lahaa Haddaan Habrashada Aqaan Dadkaan U Horrayn Lahaa Xaqayga Haddaan Ka Hadho Waxan Heli Laa Mid kale Hagaagaan Doonayaa Hayaanka Dib ii dhigee Naftaydaay Hoos U Hadal Haye-da Baro iyo Qushida Heshiis La ahow Waqtiga!!!. Abwaan #Af_Gudhiye. Xili aanay diwaan-galin kaba qabsoomin deegaanadii ay doorashooyinkii hore ka qabsoomi jireen sida Buuhoodle iyo 3dan degmo (Badhan, Dhahar iyo Laas-qoray) oo wax ka qabsoomay lagaranayn ilaa imikana xukuumada iyo gudiga doorashooyinku ka warbixinin sida wax ujiraan. Sikaste ha ahaate, garan maayo waxa loo raadinayo colaad dhexmarta dawladaha Jamhuuriyada Maxamed-Case iyo Jamhuuriyada Somalilan. Sargaal boobay maatidu hadduu xeer bajiya waayey, mar haddii badraankii na dhacay loo sed burinaayo, Ma been baan ku noolaan karnaa baadil iyo duudsi? Abwaan #Weedh_Same Markastoo lasoojeediyo in talo qaran lagayeesho arimaha reer awdal sida saamiga xilalka xukuumada, saami qaybsiga xubnaha golaha wakiilada iyo xuduudaha soojireenka caanka ahaa caadna saarnayayn inay awdal katirsanyihiin, ayaa hadana waxa ka arinsada kuwa khilaafka ka abuuray deegaanada ama ku muransan waana wax yaab ku ah aadamaha arkaya sida wax usocdaan iyo inay maalin kaste sagaal nin oo isku arin iyo isku hayb ahi intay guri soo xidhaan yiraahdaan waxaanu ku ariminay sidaa iyo sidaa hada waa gawso waraabo gudo kaxidhiidhsan waana kuwo ka arinsanayna ayaaha kuwa isla iyaga wax nagatabanaya. Nin dawee laleeyahay Xalka doon laleeyahay Danbi uu badh leeyahay Isagay u darantahoo Inuu daaro ma ogola Ana dayso ma lihi Deebaaqda igu mudan. #Xigasho #Abwaan_Gaariye Abdishakur Mohamed Hassan Abdishakurgande@gmail.com +634200882

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments