Diirada LUGHAYA.COM SHIRKAD GANACSI OO BOORAMA KU QABATAY SHIRWEYNE AY KA MUUQATAY MIDNIMADA SOOMAALIYA

Boorama ,Feb- ,Shirkad ka mid ah shirkadaha ka ganacsada Soomaaliland   ayaa markii  afraad  muddo lix sanadood Boorama kusoo gebegebaysay shirweyne ay  ku qiimaynayso   ganacsigeeda iyo horumarkeeda.

Shirkaddan  oo lagu magacaabo Daauus fadhigeeduna yahay dalka Maraykanka ,isla markaana laamo kala duwan dalkii la  isku odhan jiray Soomaaliya  ayaa waxay ka ganacsataa xafaayadaha iyo waxyaalo kale oo carruurta iyo haweenku isticmaalaan,waxana shirweynahaasi muddo shan maalmood ah uga socday mid ka mid ah Huteelada  Boorama .

Shirweynaha shirkaddani ku yeelatay markii afraad Boorama  ayaa waxa kasoo qaybgalay  in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray  madaxdooda iyo shaqaalahooda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya  ,kuwaasoo  badankoodu  ama 65 xubnood oo ka mid ah lagagasoo ururiyey   maamulgobleedyada  hoos yimaadda dalkii la odhan jiray Soomaaliya Sida Bay ama Baydhabo,Galmudug,Puntland ,iyo Benaadir  halka 15  wax ka yarina meteleyeen magaalooyinka soomaaliland, taasoo shirweynahan  u ekaysiisay mid ka socday Soomaaliya  .Dhinaca warbaahinta waxa keliya oo madaxda shirweynahaasi   Heshiis tebinta  ah la galeen tvga Universal ee fadhigiisu yahay Muqdisho iyo hal TV oo kale.

Tirada ugu badan shaqaalaha shirkaddaasi ayaa laga keenay Magaalada Muqdishio oo  ilaa 50 xubnood  gaadhayey,30ka xubnood ee kalena loo qaybiyey Soomaaliyada kale  marka lagu daro Soomaaliland ,waxana shirweynahaasi goobta uu ka socday shantaa maalmood ciddi joogtay u qaadan karaysay inay joogaan  Muqdisho  maadaama doodaha iyo  xayeysiisyada shirkaddaasi   jeedinaysay  badi Muqdisho lagu salaynayey.

Shirweynahan oo an lagu marti qaadin   maamulka dawladda , iyo martisharaf kaleba xitaa marka lagu daro wasaaradda caafimaadka  oo ay ahayd inay badeecadda shirkaddan wax ka ogaato ayaa kusoo beegmay iyadoo  maamulka dawladda ee heer gobol iyo heer degmo ku mashquulsanyihiin ururinta qaadhaanka taakuleynta abaaraha  ku dhuftay degaanno ka tirsan gobolka awdal , su’aalo  badanna  la iska weydiin karo sifaha ka qaybgeleyaasha soomaaliya ee shirkaasi dalka kusoo galeen wakhti dagaallo kaga socdaan Bariga dalka iyo sababta Boorama  shirweynayaasha noocan ah ugu qabsato,shakiga ku gedaaman badeecadaha shirkadda iibiso  iyo dhaqaalaha xoogga leh ee ay ku bixisay  xayeysiiskeeda.

Maxamed cumar sh.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments