Barnamijka Dhismaha Madaarka Borama Ee Pro Xasan Cali Cismaan Ma Mutadawacbaa Mise Waa Mansabku raadis

Dhawaan waxa aan warbaahinta ka daalacday  maareeyihii hore ee hayada wadooyinka  mudane Xasan Cali Cismaan oo ka warbixinaya barnaamij horemarineed oo  xayndaab loogu samaynayo ama lagu dayrayo Madaarka Magaalada Borama.  Arintaasi waxa ay igu dhalisay in aan faaladan ka diyaariyo.

Xasan Cali Osmaan waa midkamid ah aqoonyahanada gobolka Awdal waxaana lagu tiriyaa in uu yahay halabuur ka qaybqaata barnaamijyada horumarinta bulshada, waxa uu mudo badan ku noolaa wadamada khaliijka waxana  laguxasuustaa in uu ka mid ahaa ragii hindisay in la sameeyo Jaamacad wakhti aanay Soomalidu hadalhayn Jaamacado, fikradaasina waxa ka dhalatay yagleelka jaamacad Camuud. Markii uu dalka yimid waxa uu maareeye ka noqday hurumarinta wadooyinka ee ASARDA. Iyada oo aad loogu amaano waxqabadkii dhismaha jidka iskuxidha Borama iyo Dila. Kaasi oo noqday jidkii ugu horeeyay ee Laami ah oo uu hirgaliyo bilawgiisa urur aan dawli ahayn in kasta oo markii danbe xukuumada Kulmiye ay jidkaasi dhamaystirtay . Kadib waxa  ay xukuumada Kulmiye u magacawday maareeyaha hayada wadooyinka Somaliland waxaan uu ka qaybqaatay dhismahii jidka iskuxidha Burco iyo Ceerigaabo.

Markii hadaba xilkaasi laga qaaday waxa uu markiiba ka midnoqday xisbiga mucaaradka ah ee WADANI. Dhawaan waxa uu Xasan Cali Cismaan sheegayin uu  xayndaab ku samayndoono madaarka magaalada Borama . Sida uu warbixintiisa ku sheegay waxa uu timaamay qaabka uu ku suurto galinayo hawshaa baaxada leh isaga oona sheegay in uu doonayo in uu bilaabo ururin ta qaadhaan uu ka dalbayo dadwaynaha.

 

Suaalaha hadaba la iswaydiinkaro ayaa waxa ay yihiin  madaarka magaalada Borama waxa maamusha wasaarada duulista iyo hawada maadaama la ogyahay Xasan Cali Cismaan hada in uu yahay sarkaal ka tirsan xisbi mucaarad ah habka isaga iyo wasaaradaasiay u wada shaqayndoonaan muxuuyahay? Amaba horta fasax ama ruqsad miyuu ka haystaa xukuumada dhexe wali?

Jawaabta su aashan ayaa dadka qaar aaminsanyihiin in pro Xasan Cali uu yahay in tixgalin u ooman sidaadarteedna uu isagu is magacaabay  oo aanu wax fasax ah ka haysan xukuumada.

Ujeedka ugu way nee uu talaabadan ka leeyahayna waxa ay tahay in uu u muujiyo xukuumada  ama dadwaynaha in uu wali shaqaynayo oo uu bulshada kaalin waxku ool ah kaga jiro maadaama uu iswaayay baryahandanbe. Hadii fikradani ay saxtahay waxa ay u wanaagsantahay  Xasan Cali xaga aqbalaada xukuumada iyo dadwaynahaba.

Ta labaad sida laga warqabo waxa xayndaabka madaarka Borama hore qandaraas logu siiyay in aydhisto shirkad dhisme oo laga leeyahay gobolka Awdal waxana ay halkaasi qaybtii hore oo hayad silig ay ka fulisay  iyada oo hadana wajigii labaadna sugaysa in loo soo shubo lacagta.

Ololaha  markaa Xasan Cali uu ugu jiro dhismaha xayndaabka Madaarku waxa uu abuurikaraa qas iyo isku dhac ka aloosma isaga iyo shirkadii waase hadiiba ay dawladu u ogolaato arintaasi

 

Sikastaba ha ahaatee waxa yana jirta in kalaqaybsanaan ay ka dhexjirto bulshada deegaanka uu kuyaalo Madaarka Boramakuwaasi oo dhawaana hadalo xanafleh hawada isku marinayay isla markaana Xasan Cali Cismaan ay qaybi isaga taageersan yihiin barnaamijkiisa kuwaasi oo ah beesha ama  jufada uu ka soo jeedo ah waxana  barnaamijkiisu uu sabab u yahay kalaqaybsanaanta bulshadaasi maadaama uu bilawgii beeshiisa uun uu la shiray.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments