PROF. ADAN DIIRIYE DIXOOD OO KA HADLAY DHIBAATOOYINKA HORTAAGAN XUKUUMADA CUSUB EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI.

PROF. ADAN DIIRIYE DIXOOD OO KA HADLAY DHIBAATOOYINKA HORTAAGAN XUKUUMADA CUSUB EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI:

XUKUUMADA CUSUB EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI WAXAY LA KOWSATAY DURUUFO ADAG IYO DHIBAATOOYIN BAAHSAN OO ISDULSAARAN, KUWAAS OO AY KA MID YIHIIN;

1. SICIR-BARARKA XADHKAHA GOOSTAY OO AY KA DHAXASHAY XUKUUMADII HORE EE MADAXWEYNE SIILAANYO EE KU SUNTANAYD “QAATAYE QAADO” OO ILAA HADA LA XAKAMAYN KARI LAAYAHAY, WALOW MADAXWEYNE MUUSE UU DHAWAAN GUDI QIIMAYN KU SOO SAMEEYA UU U MAGCAABAY.

2. DOORASHADII MADAXWEYNAHA EE DALKA KA DHACDAY DHAWAAN OO BULSHADA REER SOMALILAND KU REEBTAY KALA QAYBSANAAN QOTA DHEER OO AAN HORE LOO ARAG, TAAS OO LAGA CABSIQABO INAY KEENI KARTO XAALAD AMMAAN-DARRO OO BAAHSAN OO WAQTIGAN XAADIRKA AH AAN LOO BAAHNAYN.

3. BEESHA CAALAMKA IYO QAAR KA MID AH DALALKA JAARKA LA AH SOMALILAND OO CADAADIS ADAG KU HAYA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI SI SOMALILAND AY DIB UGA BAXDO DEGMADA TUKARAQ EE KA TIRSAN G/SOOL EE SOMALILAND, HALKAAS OO BEESHA CAALAMKU AY KA WALWALSAN TAHAY IN PUNTLAND IYO SOMALILAND UU KA DHEX QARXI KARO DAGAAL BAAHSAN OO LAGU HOOBTO.3. BEESHA CAALAMKA IYO QAAR KA MID AH DALALKA JAARKA LA AH SOMALILAND OO CADAADIS ADAG KU HAYA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI SI SOMALILAND AY DIB UGA BAXDO DEGMADA TUKARAQ EE KA TIRSAN G/SOOL EE SOMALILAND, HALKAAS OO BEESHA CAALAMKU AY KA WALWALSAN TAHAYIN PUNTLAND IYO SOMALILAND UU KA DHEX QARXI KARO DAGAAL BAAHSAN OO LAGU HOOBTO.

4. DHAQDHAQAAQYO SIYAASADEED OO KA DHAN AH QARANIMADA SOMALILAND OO QAYBO KA TIRSAN QURBAJOOGA REER SOMALILAND AY KA ABAABULAYAAN DALKA DIBADIISA.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments