Booliska Boorama Oo U muuqda In Uu Dhegaha Ka Furaystay Cabashada Iskaashatada Hilibka

Boorama.,feb– Tobannaan ka tirsan haweenka  iskaashatada hilibka ee Nafaqo ayaa maanta gelinkii dambe isusoiobax cabasho ah la hortegey saldhigga Booliska Boorama halkaasoo   qaar ka mid  iskaashatadaaasi lagu xidhay

Haweenkan oo cabbaare 3dii galabnimo tegey saldhiggaasi  ayaa ku qaylinayey  hadallo ka dhan xadhigga haweenkaasi oo siday sheegeen lagusoo xidhxidhay hawlgallo ciidamada dawladda hoose iyo kuwa booolisku ka sameeyeen sariibadda hilibka Boorama .Haweenkan la xidhxidhay  ayaa booliska u diiday inay banneeyaan dhisme la doonayey in laga hirgeliyo afaafka  dambe ee sariibadda hilibka iyagoo haweenkaasi ku doodayey inaysan oggolaan karin in dhismayaal lagu jaro suuqa hilibka   ee ay ku ganacsadaan .

Inkastoo anay  taliyayaashii saldhigga Boolisku wakhtigaa ku sugnayn xaruntooda  haweenkaana ilaalada saldhiggu u sheegeen inay galabnimada dib ugusoo laabtaan  balse lama oga in ilaa hadda haweenkaasi laga sii daayey xabsiga saldhigga .

Waa maalintii saddexaad ee xzidhiidh ah ee  ay Boorama ka dhacaan isusoobaxyo cabasho ah oo ka dhan  ah maamulka  G/degaanka B

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments