Gudoomiye Ku Xigeenka Komishanka Doorashooyinka Ee Degmada Boorama Oo Xilkii Iska Casilay.

Gudoomiye ku xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Degmada Boorama ayaa maanta shaaciyay Inuu gabi ahaan shaqadaas iskaga tagay isaga oo warkaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa uu degalka Enternetka Ku Leeyahay waxa uuna u qornaa Sidan:

Asc.War Murtiyeedkaygni waxa uu maanta daaran yahay,aniga oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii ugu mudada dheeraa ee soo mara Komishanka doorashooyinka Degmada Boorama,waxaan maanta oo ay taariilhdu tahay 13/02/2018 halkan ka cadaynayaa inaan shaqadaa ka tagay, hawlo iyo shaqooyin gaar ah oo ii soo baxay aawadeed.

Sidoo kale halkan waxaan aad ugu mahadcelinayaa Guddidii komishanka doorashooyinka qaranka ee aan mudaas soo wada shaqaynay,iyo gaar ahaan Guddidii Gobolka Awdal iyo kii Degmada Boorama,runtii waxa ay ahaayeen akhyaar aanan iloobi karin,waxaanan rajaynayaa inaad u sii shaqayn doontaan bulshadiina iyo qarankiina somaliland,iyada oo ay dhawaan fooda inagu soo hayso doorashadii isa saarnayd ee Baarlamaanka iyo golayaasha degaanada dalka,
Alla hawshaas ha idinku asturo.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments