Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma Oo Xilkii Iska Casilay.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

Madaxweyne Zuma ayaa bartamaha kaga jiray fadeexad musuq maasuq, mar uu Arbacadii ka hadlay hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Xisbiga ANC ayaa horay u sheegay in haddii Mr Zuma uu ku guuldarreysto inuu iskii isaga dhiibo xilka si khasab ah xafiiska looga saari doono oo baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaadi doono in lagala laabto codka kalsoonida.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments