Dawlada Maraykanka Oo Muwaadiniinteeda Dalka Shiinaha Jooga Uga Digtay Dhawaqa Qaylada Ah Ee Lagu Dhegabeelo

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan dalka Shiinaha inay ka feejignoodaan qaylada iyo sawaxanka aan caadiga ahayn kaddib markii mid kamid ah muwaadhiniinta Mareykanka lagu arkay calaamado aan horay loo arag.

Mareykanka ayaa horraan dublumaasiyiintiisa ku sugan dalka Cuba digniintan mid lamid ah u jeediyay kaddib markii lasoo tebiyay inuu jiray weerar qaylo ah.

xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa dhawaan mad-madow soo kala dhex galay islamarkaasna ay ku hanjabeen dagaal dhaqaale inay geli doonaan.

Mareykanka wax eedeyn ah ma uusan u jeedinin Shiinaha oo ku aadan inuu ka dambeeyay in shaqaalahiisa qaylo lagu furo.

 

Maxaa ka dhacay Shiinaha?

Afahayeenka safaaradda Mareykanka ee Shiinaa Jinnie ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaha safaaradda ay soo wajahday dhaawac yar oo dhanka maskaxda ah xilli ay ka shaqaynayeen xafiiska arrimaha la tallinta Mareykanka ee ku yaalla magaalada Guangzhou ee dalkaasi Shiinaha.

Waxay tiri Afahayeenka ” ma garan karno xilligan waxaa dhaliyay in calamadahaasi lagu arko shaqalaaha , balse dowladda Mareykanka si dhab ah ayay u qaadan doonta arrintani, waxaana ku wargelinay saraakiisheena ku sugan dalka Shiinaha.

Bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa shaqaalahiisa Shiinaha ku sugan ooga digay inay tagaan goobaha qaylada ay ka jirto islamarkaasna ay ku sugnaadaan goobaha nabadda ah.

Recent Comments