DAKHLIGA DAWLADDA DHEXE CASHUURAHA BERRIGA BOORAMA OO KOR U KACAY IYO BISAARAD HADHAYSAY XARUMAHAASI DIIRADA LUGHAYA

Boorama ,Sept-Dakhliga dawladda  dhexe kasoo gala cashuuraha berriga ee Boorama ayaa   kor u kacay  labadii bilood ama saddeexdii i bilood ee u dambaysay .Kororka dakhligan oo  ka badan kii xukuumaddii soo geli jiray bilahan oo kale ayaa la sheeeya inay la xidhiidhio kaambayn ama olole an hore loo arag oo maamulka xafiiska cashuuraha berriga Boorama oo fulinaya awaamiir kasoo baxday  madaxda sare ee wasaaradda Maaliyadda  dalka kuwaasoo faraya inaan cidna loogu naxariisan dakhliga ku waajibay muwaadiniinta  sidaa darteedna la rogo dhagax kasta oo dakhli laga heli karo. Kaambaynkan oo ay dawladda dhexe ugusoo xeroodeen lacag an la sheegin oo  malaayiin  s/l  ka badan  dakhligii hore  dawladdu uga heli jirtay xafiiskaasi ayaa waxa maamulka xafiiska cashuuraha berria Boorama uu  xoogga ku saaray cashuuraha ku waajibay gaadiidleyda ,dhismayaasha, ganacsiga,beeraha ,  iyo  goobo kale oo  hore loola saayiri  ama hoos looga dhigi jiray  cashuurahan sida wershedaha yar yar  oo haatan ka qayliyey cashuuro la duldhigay .kororka cashuuraha berriga iyo dakhliga kor ugu kacay xukuumadda dhexe  ayaan dhinaca kale waxba ka beddelin bisaaradda laga dareemayo xarumaha  dakhli ururinta kuwaasoo duulduulkoodu soo gaadhi jiray shacbiga xukuumadihii hore .

 

DEGAANNO KA TIRSAN G/AWDAL OO  TEBAYA MASUULIYIIN KA TIRSANAYD XUKUUMADDIHII KA HORREEYEY TAN  M/WEYNE MUUSE BIIXI

Boorama ,Sept —  qaybo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degaanno ka tirsan G/awdal ayaa tebeya masuuliyiinta kaa jirta xukuumadda M/weyne Muuse Biixi  iyaoo dadkaasi ama degaanadaasi u barteen  xidhiidh ka dhaxayn jiray iyaga iyo xukuumadda kuwaasoo  xidhiidhkaasoo ay shaqayn jireen masuuliyiintii   degaanadaasi kaa jirtay xukuumadii  axmed Siilaanyo.

degaanadan  oo badi laa taageero xukuumadda KULMIYE   ayaad mooddaa inaysan weli isla qabsan iyaga iyo xukuumaddan Muuse Biixi  una baahan inay aarkaan  iyo’  cid ka tirsan xukuumadda oo kala hadasha tabashooyinkooda iyo baahiyahoodaba .Dadweynaha ku dhaqan Degaanada   Lughaya ,Baki ,Dila   ayaan indhawaaleba lagu arag madax ka tirssan xukuumaddan cusub ee Muuse Biixi   oo safar ugu tega  dhulkaasi ololihii doorashooyinka kaddib marka laga yimaaddo duruufo gaar ah oo degaanadaasi ka dhaca.Wasiiradii kaa tirsanaa xukuumaddii Siilaanyo ee dadka dhulkaasi  ay is yaqaaneen  ayaa waxaa ka amid ahaa wasiirkii hore ee xidhiidhka Golayaasha ,Cali Xaamud Jibriil ,kaasoo  weli ka muuqda ama lagusii  arko degaanno ka  tirsan G/awdal dhawaanna  dadka dhulkaasi kasoo ururiyey xoolo lagu taakuleynayey Ciidamada qaranka ee difaaca kaga jira soohdinta Tukaraq   kaddib markii ay isfahmi waayeen madaxda cusub ee degaanadaasi kaga jirta xukuumaddda iyo  guddiyo loo saaray taakuleyntaas,isagoo dhinaca kalena dadka dhulkaasi mar walba xukuumadii hore ee u ka tirsanaa ugasoo boobi jiray  gargaar fara badan,iyo mashaariic  kaleba  .Sidoo kalena dadweynaha ku nool   degmooyinka Dila iyo Boorama ayaa iyaguna u muuqda kuwa weli sugaya inay isbartaan  masuuliyiinta xukuumadda sare u metesha  inta anay iman xaalado siyaasadeed  oo murugsani marka laga reebo wasiirka beeraha  oo  oo ay aqoon fiican isku leeyihiin   badi dadweynaha  gobolku.

si kastaba ha ahaatee hawlo badan oo khuseeya dhinaca siyaasadda  ah ayaa xukuumaddan sugaya loona baahanyahay inay ka gudubto balse  guud ahaan marka la eego  golihiisa wasiirada ee wakhtigan iyo carruurta  xilalka u ka safay    ma muuqato rajo wanaagsan oo laga fili karo in dalkani hore ugusii tallaabsado dhinaca dimuqraadiyadda .

 

Recent Comments