khilaafka maayarka Boorama iyo Badhasaabka g/awdal oo cirka maraya iyo xukuumadda oo isku daawanaysa

 

Boorama ,sept  19- Khilaafka u dhexeeya maayarka Boorama  oo la yidhaa Maxamed Maydhane iyo Badhasaabka /awdal oo,Maxamuud Axmed Cali ,ayaa  markii u horreysaay  meel xun maraya  khatarna ku ah nidaamka  dawladeed ee heer Gobol iyo geer Degmo hadii an  xal loo helin.

Inkastoo  anay labada Masuul midkoodna ka hadal khilaafkann hase yeeshee  warar ku dhaw xafiiska Badhasaabka ayaa sheegeya  in arrintani ka dambaysay markii dhawantan Guddoomiyaha  /degaanka Boorama  oo amar ka qaadan waayey Badhasaabka ,isla markaana uu gaashaanka ku dhuftay    talooyin ama go’aammo ku saabsan muran dhulbeereed  oo kasoo baxaay xafiiska Badhasaabka.Wararkan ayaa intaa ku daraya in Badhasaabku dhawr jeer xafiiskiisa ugu yeedhay maayarka  balse u diiday,iskuday  koox odayaal,anaacsato  iyo waxgarad kale ku dhexdhexaadin lahaayeenna   in Maayarku kasoo horjeestay.

inkastoo sida la sheegay xukuumaddu muddaaba ka warhaysay khilaafkan balse ma dhicin cid ka socota dawladda sare oo arrintan soo farageliso ama debciso, lama oga inay xukuumaddu itaal u la’dahay iyo inay isku daawanayso khilaafkan  , wasaaradda daakhiliga oo xukunta gobolada dalkana looga fadhiyey inay isku  keento  labadana masuul.

Khilaafkan Maayarka iyo Badhasaabka ayaa waxa ka ahorreeyey khilaaf u dhexeeyey xildhibeenada G/degaanka Boorama iyo guddoomiyahooda  taasoo sababtay in qaar  ka mid ah xildhibeenada golahaasi albaabka  Dawladda Hoose ka xidhaan maayarka   bishan kawdeedii  kaddib markii ay maayarka ku eedeeyeen inuu ku dhaqmayo maamul   kelitalisno ah, waxana aakhirataankii kala dhex galay badhasaabka gobolka iyo taliyaha qaybta Booliska  awdal oo la  yidhaa kornayl  Guutaale 

Recent Comments