WAX LA AQBALI KARO MAAHA IN DEGAANKII W/ GAASHAANDHIGGA S/LAND LAGUSOO DHAWEEYO M/WEYNAHA DAL CADOW KU AH S/LAND.

Badi dadweynaha S/land  ayaa la yaabban socdaal iyo soo dhaweyn Magaalada Badhan ee  Bariga dalka  u safar mku yimaaddo laguna soo dhaweeyo cadowga keliya ee S/land maanta leedahay  kaasoo ama cadowgaasoo   go’aansaday inuu qaybo ka mid ah dalka ku daro Soomaaliya .Sidoo kalena weli may dhicin in  ka mid ah qayb ka mid ah  dalka ama   gobol hadh cad  lasoo  geliyo ciidan  hubaysan oo daba socda madaxweynaha maamul ka amid ah maamulada Soomaaliya  hadii ay  taasi dhacdayna waa  dhabarjabkii uu horreeyey ee soo waajaha mid ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda M/weyne Muuse Biixi ,siiba wasiirka gaashaandhigga  dalka .

Hadalhaynta socdaal C/weli gaas ku yimi   degaanka Badhan ee G/sanaag,oo ujeedadiisu tahay inuu aag cusub ka furo halkaasi  si culayska ciidamada S/land ku hayaan degaanka Tukaraq iyo Garoowe  looga dulqaado ayaa dadka degaankaasi u sheegay inuu u wado mashaariic horrumarineed lana hirelin doono jid isku xidha Badhan iyo Yube ,waxana uu C/welio  gaas ku guuleystay inuu dhuumasho intuu S/land kusoo galo haddana nabadgelyo kaga baxo isaga iyo wafdigiisuba  caalamkana uu tuso in dadka dhulkaasi raalli ka yihiin madaxweynenimadiisa  iyo soomaaliland diidnimadiisa ,waxana socdaalkiisu Soomaaliland iyo dawladda Muuse Biixiba  u caddaysay  in  Maamulka P/land soomaaliland kaga awood roonyahay dhulkaasi ,waxay doontana ka samayan karto wakhti kasta  .

Inkastoo anay Soomaaliland waxba u noqonaynin ama  anu socdaalkaasoo  kale hoos u dhigi karin difaaceeda dalka  obol kasta iyo Degmo kasta ,jabhad kastoo loo samaysto burburrinteedana  laga adkaananyo,waxase isweydiin leh sida  C/weli Gaas uga baqay  inuu Sool cagaha soo dhigo G/sool ee uu u doortay Qaybo ka mid ah gobolada Bari  inuu kula shiro dadka degaankaasi  ee uu  xukuumadda S/land u metelo wasiirka gaashnaadhigga ee haatani,kaasoo loo baahnaa inuu gobolkiisa siyaasad ahaan kusoo daro Soomaaliland  aadna iska fogeeyo in hayb ahaan loogusoo dhaweeyo madaxda maamulka Puntland .

Ugu dambayntiina   xukuumadda Muuse Biixi  marmarsiiyo  uma heli karto gardarada qaawan  ee C/weli  Gaas kusoo qaaday qarannimada dalka ,waxana loo baahanyahay inay S/land qaaddo dagaal kale oo la mid ah kii ay kaga jawaabtay ama ka xoog badanba  socdaalkii wasiirka qorsheynta Soomaaliyaa ku yimi  goboladaasi ,kaasoo dhaliyey dagaalka haatana  P/land lagaga saaray  gobolka  Sool.

Recent Comments