Wafdigii wasiirkuxigeenka W/Gudaha oo soo afjaray xiisad maamul oo hadhaysay G/degaanka Boorama,maayarkii horena kusoo celiyey xilka Magaalada.

Boorama ,Sept – Wafdigii uu horkacayey wasiirkuxieenka  Wasaaradda Arrimaha ,maxamed Muuse Diiriye ayna ka mid ahaayeen masuuliyiin  sarsare oo kasoo jeedda G/awdal iyo deaanka Boorama ayaa aakhirataankii soo afjaray  xiisad  maamul oo wiiggii ugu dambeeyey hadheeyey  kaddib markii ay si xeeladaysan  xildhibeenada golahaasi isugu yeedheen fadhi  degdeg ah.

Masuulyiintan dawladda Dhexe   oo Boorama ku sugnayd ilaa arbacadii ayaa arrinta Golaha degaanka  soo dhexgalay kaddib markii  eedeymo  isugu jira amar diido iyo musuqmaasuq loo jeediyey maayarkii hore,maxamed Axmed Maydhane  isla markaana koox ka tirsan xildhibeenada golahaasi ku baaqeen in xilka laa xayuubiyo balse taa beddelkeedii aqlabiyadda golahaasi kana koobnaa saddex iyo toban Xildhibeen ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedintaasi waxayna ku adkaysteen in maayarka  xilka looga qaadi karo fadhi an caadi ahayn  fadhigaasina u qabsoomi waayey xildhibeenada mooshinka keenay,waxayna taasi sababtay in xukuumadda dhexe soo farageliso maayarkana ku  qanciyaan inuu xilka ka dego.

20 ka mid ah xildhibeenada  Golahaasi oo saaka kasoo xaadiray Golahaasi ayaa Maayar Maydhane ku dhawaaqay inuu xilka ka degeyo cid kalena loo doorto Golahaasi tallabadaasi oo ka farxisay wafdiga  maadaama  maayarka loogu taagwaayey markii hore.

Kaddib loolan adag oo dhex maray Maayarkuxigeenkii hore Boorama laguna magacaabo maxamed dheereyste ,iyo maayarkii hore ee Magaalada Saleemaan Xasan Xaddi kaasoo  cod gacan taag ah  markii loo qaaday toban cod ka helay 19kii xubnood ee golahaasi halka maayarkuxigeenkii horena u helay sagaal xubnood waxana an codeynin maayarkugeenka haatan ee  golahaasi oo la yidhaa maxamed Ileeye oo isagu ahaa guddoomiyaha fadhiga maadaama u guddoomiyuhu xilka ka degay.Masuuliyiintii dawladda dhexe iyo dadweyne kale oo halkaa ka hadlay ayaa dhammaantood xildhibeenada kula dardaarmay inay ka wada shaqeeyaan  danta iyo horumarka Magaalada.

Recent Comments